Kooxda Shactirada Wey Soo Laabten: Akshay Kumar, Suniel Shett Iyo Paresh Rawal Oo Sameyn Doona Hera Pheri 3!!

Hera Pheri waa mid kamid ah taxanayaasha ugu caansa ee Bollywoodkana loogu jecelyahay waxuuna soo bilawday taxanahan qeybtiisa kowaad sanadkii 2000.

Sanadkii 2006 ayaa qeyb labaad laga sameyay taxanahan ayadoo labada qeyba ay guul wacan gaaren hadaba qarash gareye Firoz Nadiadwala oo qeybtii hore maalgaliyay ayaa doonaya inuu mashruucan qeyb sedexaad kasameyo ayado la filaayo inuu Director ka noqon doono Priyadarshaan oo qeybtii kowaaad Director ka ahaa.

Kadib markii Akki todobaadyo kahor uu Instagramka soo dhigay sawirka isaga iyo Suniel Shetty ah waxaa bilaawatay in la isla dhexmaro mashruucan qeybtiisa sedexaad sido kale Firoz ayaa arinka rajo sii galiyay waxuuna yiri isagoo saxaafada wareysi siinayo.

“Waxaan ku guda jirnaa xulka jilayaasha filmkaan jili lahaa mudo 2 todobaad ah kadib ayaan ku dhawaaqi doona jilayaaasha dhamestiran ee mashruucan jili lahaa naga war sugaa mudadaas.”

Markii hore John Abraham, Abhishek Bachchan iyo koox kale ayaa la isla dhexmarayaye iney sameyn doonan qeybta sedexaad ee filmka balse hader waraarka ugu dhow ayaa ah in Akshay Kumar, Suniel Shetty iyo Paresh Rawal doorarkoodi taxanahan jili doonan mashruucana sidiisi usocon doono balse jilayaasha dhamestiran ee filmka lawada sugaayo mudo 2 todobaad kadib in lagu dhawaaqo.