Atiriishada caanka noqotay Kriti Kharbanda ayaa shaaca ka qaaday atoorayaasha ay jeclaan laheed inee la shaqeyso mustaqbalka dhow xili ay wareysi Live ah siisay shabakada Pinkvilla ayeena arinkaan ka hadashay.

Kriti waxay Bollywoodka soo gashay sanadkii 2016 iyadoo kusoo caan baxday Filimkii Raaz Reboot ee Emraan Hashmi atooraha ka ahaa wixii ka dambeeyay aflaam dhowr ah ayee kasoo muuqatay laguna amaanah doorarkeeda.

Mar la weydiiyay atoorayaasha mustaqbalka dhow inee la shaqeyso ay jeclaan laheed waxay tiri,”waxaan jeclaan lahaa Aditya Roy Kapur inaan la shaqeyo sababto ah waxaab ka helay doorarka Filimadiisa uu ka doorto iyo qaab jiliinkiisa wacan.”

“Sido kale waxaan jeclahay inaan Filim la sameeyo Varun Dhawan iyo Ranver Singh si aan u ogaado dareenka ah marka xidigo iyaga oo kale ah aad shaashada la wadaagto ugi dambeyna Akshay Kumar ayaa xiiseynayaa inaan markale shaashada la wadaago.”

Kriti Kharbanda horey waxay Akshay Kumar ula sameysay Filimkii Houseful 4 ee la daawaday sanadkii 2019 markaw xidigtaan waxay markale dooneysaa inee Kumar la shaqeyso misane ay atiriisho u noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here