Lamaanaha dhalinta yar ee Bollywood-ka ka wada tirsan Kriti Kharbanda iyo saaxiibkeeda Pulkit Samrat sida loo galay bandowga Hindiya ka jiro sidoo kalena shaqooyinka filim jilista u istaageen waxay bilaabeen dhanka baraha bulshada inay qabsadaan kuna soo bandhigaan heerka xiriirka jaceyl maraayo.

Haddaba sheekada intaas kuma eko bandowga waa u faa’iido lamaanahan madaama hal meel ku wada nool yihiin waxayna sheegeen inay aad isku fahmeen dabci ahaan sidoo kalena is guursan doonaa dabyaaqada sanadkan waxayna sanadkii hore wada sameeyeen filimkii shactirada badnaa Pagalpanti.

Kriti Kharbanda waxay tiri “Waan ka helay wehel-ka iyo ag jooga Pulkit waa qof aad u wanaagsan haatana si heer sare ah ayaan isku fahanay waana ku faani karaa inaan lamaantiisa ahay, runtii fursad wacan ayayba noo ahayd in bandow la galo waayo marnaba agtiisa caajis kuma dareemin waxaan ka helay farxad iyo nashaad dheeraad ah.”

Waxaa sidoo kale la weydiiyay Kriti Kharbanda xili ay shabakada Bollywood Hungama la hadleesay inay nolosha si dhab ah u wadaagi doonaan iyada iyo Pulkit waxayna ku jawaabtay “Haa maxaa diidayo waxaan qorsheeneynaa inaan dhamaadka sanadkan aqal galno, run ahaantii hamigeyga wuxuu ahaa inaan Bollywood-ka sal dhigto sidoo kalena lamaan wanaagsan helo labadaasna haatan waa ii suura galeen.”

Dhanka shaqada Kriti Kharbanda iyo Pulkit Samrat waxay isla soo wadaan labo filim mid lagu magacaabo Taish oo diyaarsan lana daawan doono marka xaalada caadi kusoo laabato iyo filim kale oo Salman Khan shirkadiisa maal galin doonto duubisna lagu bilaabi doono marka bandowga laga baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here