Todobaadyo ka hor waxaan idinla wadaagtay atirishada caanka ah ee waqtiga wacan ku jirto Kriti Sanon inuu karoona ku dhacay sidoo kalena karantiil ay gashay, balse haatan xidigtan waxay si rasmi ah baraha bulshada kaga qaaday inay soo kabatay sidoo kalena shaqooyinkeeda amba qaadi doonto.

Kriti Sanon waxay tiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan idinla wadaago inaan Karoona kasoo kabtay, waxaan siweyn ugu mahad celinaa qolyaha caafimaadka iyo qof walbo oo soo kabasho deg deg ah ii rajeeyay, hada waxaan diyaar u ahay inaan ku laabto shaqooyinka kala duwan ii yaalo. Mahad sanidiin dhamaantiin waan idin jeclahay.”

Kriti Sanon waxay 6 bisha Janaayo ee nagu soo fool leh bilaabi doontaa duubista filimkeeda weyn Bachchan Pandey oo ay Akshay Kumar, Arshad Warsi iyo Jacqueline Fernandez la jileyso ayadoo ay shaqadiisa socon doonto ilaa Maarso 2021 waxaana la daawan doonaa qaybaha dambe ee sanadka cusub waxaana soo saare ka ah Sajid Nadiadwala halka Farhad Samji uu Director ka yahay.

Sidoo kale xidigtan waxay ka howl gali doontaa filimkeeda weyn Adipurush oo ay Prabhas iyo Saif Ali Khan la jileyso waxaana soo saare ka ah Bhusham Kumar oo T-Series madax u ah halka Om Raut uu Director ka yahay waxaana la qorsheehaa filimkan waqtiga badan shaqadiisa socon doonto ilaa dabyaaqada sanadka cusub in tiyaatarada la saaro 11 August 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here