Kriti Sanon waxay bartanka kaga jirtaa waqtigeedii ugu wacnaa fanka hindiya waxayna kamid noqotay 10-ka atiriisho Bollywoodka ugu awooda badan sanadkii2019 kadib guulo muhiim ay gaartay.

Kriti dadaalkeeda inee sii laba jibaarto ayee dooneysa waxayna ballan qaaday ine sameeyn doonto filim walba oo loo soo bandhigo iyo door walba oo loo soo bandhigaba.

Waxay tiri,”waxaan ku dadaalooyaa sidii aan guusheyda ku joogteyn lahaa marka diyaar ayaan u ahay inaan sameeyo door walba oo la ii soo bandhigo si aan maqaamkeyga sare ugu qaado.”

“Dhab ahaantii kama helo daawashada filimada Horror-ka ah balse door noocaas xitaa inan sameeyo diyaar ayaa u ahay” Sanon waxa usoo bixi doono filimkeeda Mimi oo sanadkaan la daawan doono waana mashruuc ka hadlaayo mowduuca caruurta bacraminta lagu dhalo.

2 COMMENTS

  1. hadii aad xiisayso aflaamta cabsida badan waxaad dawata filimka taxanaha ah ee wrong turn iyo filimka train to busan waad ka heli doontaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here