Superstar-ka xarakada, shactirada iyo Action-ka looga haray Mass Maharaja Ravi Teja wuu soo laabtay markaana waxaa u diyaarsan filimka la wada sugaayo Disco Raja kaasi oo la daawan doono 24-ka bishan Janaayo waana filim mada daalo dhameestiran leh sidoo kalena shirkada Tollywood iska leedahay.

Haddaba waxaa laga soo bandhigay filimka Disco Raja goos goos kooban (Teaser) oo 1-daqiiqo 6-ilbirqsi waana filim Action iyo qayaano isku jiro oo uu dhan walbo Ravi Teja ku xarakeenayo waxaana sidoo kale doorar muhiim ah ku leh jilaayasha ay ka mid yihiin Payal Rajput, Nabha Natesh, Tanya Hope, Bobby Simha iyo kuwo kale.

Filimka Disco Raja waxaa Director ka ah Vi Anand halka ay uu soo saare ka yahay Ram Talluri waxaana maal galineyso shirkadiisa SRT Entertainment sidoo kalena filimkan muusigadiisa waxaa sameeyay S.Thaman.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban filimka Disco Raja waa hubaal inaad ka heli doontid Ravi Teja Action-ka iyo xarakada uu sameenayo dhan walbo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here