Home » Nolosha Jilaayaasha » Kuch Kuch Hota Hai Ilaa Tubelight Filmada SRK Iyo Salman Khan Muuqaal Marti Ku Yeeshten (+Sawiro)

Kuch Kuch Hota Hai Ilaa Tubelight Filmada SRK Iyo Salman Khan Muuqaal Marti Ku Yeeshten (+Sawiro)

Shah Rukh Khan iyo Salman Khan waa jilayaal aad isugu dhow saaxiibona ah waxayna wada shaqeynaayen 25-ki sano lasoo dhaafay ayagoo aflaam badan kasoo wada muuqdeen.

Waxaa dhowaan shaaca laga qaaday in goos goos kooban laga soo bandhigi doono filmka Zero ciidaan sido kalena lagu dhex daawan doono filmka Race 3 oo jimcadan la daawanaayo, hadaba filmka Zero waxaa muuqaal marti ah ku leh Salman Khan halka SRK hogaamiye ka yahay Ciida masiixigana la daawan doono.

Bal dib aan u milicsano aflaamta SRK iyo Salman Khan kasoo wada muuqdeen kuwooda muuqaalada marti ah ku lahaayen guud ahaana aflaamta waa 4 film oo midkood uu hogaamiye ka ahaa mid kalena muuqaal marti ah kulahaa.

Halkaan hoose kaga bogo 4 film oo ay SRK Iyo Salman Khan Ku Kulmeen Muuqaal Marti Ahaan:

Kuch Kuch Hota Hai:

Kuch-Kuch-Hota-Hai

Salman Khan ayaa muuqaal marti ah kulahaa halka SRK hogaamiye ka ahaa waana film guushii ugu weyned gaaray isagoo noqday All Time Blockbuster…

Har Dil Jo Pyaar Karega:

Har-dil-Jo

SRK ayaa muuqaal marti ah kulahaa halka Salman Khan hogaamiye ka ahaa mashruucana guul dhex dhexaad ah ayuu gaaray maadama uu noqday Average…

Om Shanti Om:

Shahrukh-Salman-OSO

Salman Khan ayaa muuqaal marti ah kulahaa halka SRK hogaamiye ka ahaa waana mashruuc weyn oo guul taariikhi ah gaarya isagoo noqday Blockbuster..

Tubelight:

Shahrukh-Salman

SRK ayaa muuqaal marti ah kulahaa halka Salman Khan hogaamiye ka ahaa waana film guul dareestay maadama uu noqday Below Average..

 

One Response to Kuch Kuch Hota Hai Ilaa Tubelight Filmada SRK Iyo Salman Khan Muuqaal Marti Ku Yeeshten (+Sawiro)

  1. A.mahad sy Reply

    June 13, 2018 at 12:57 pm

    HAR DIL TO PYAAR KREGA hit maaha miyaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *