Ciyaaryahanka kubada C.Ronaldo noloshiisa gaarka ah inta badan dadka lama socdaan kaliya wax qabadkiisa garoonka dhexdiisa ayaa lala socdaa wiilkaan guriga Old Trafford guushiisa guushiisa kasoo bilaaway.

Megastar-ka kubada cagta Ronaldo waqtigiisa ugu badan Madrid ayuu ku qaatay haatan waxaa shaki kujiraa sida uu Man United iyo Real Madrid guulo kaga gaaray intii uu la joogay isla sidaas Juventus guulo makaga gaari karaa.

Hadaba waxaan idiin heynaa maanta 5 dhacdo oo Ronaldo noloshiisa gaarka ah saameeyn ku yeelataya xiliyo kala duwana hadal heyn taariikhi ah dhaliyeen hoos kaga bogo:

1-Kufsigii 2005 Lagu Eedeyay Iyo Siduu Isku Difaacay:

Cristiano Ronaldo

Sida xaqiiqada ah Ronaldo hal kufsi laguma eedeyn ee dhowr jeer ayee arinkaan dhacday balse midkii ugu darnaa sanadkii 2005 ayuu ahaa kaaso uu kusigtay inuu xabsi u galo waana dhacdo taariikhi ah 14 sano kahorna Ronaldo lagu fadeexeestay.

Waxaa la sheegay in Ronaldo haweeney tacaddi iyo goboodfal kufsi ah u geestay bartamaha magaalada London Hotel ku yaala bishii October sanadkii 2005 haweeyneyda ayaa sheegtay sida in qamri la cabsiiyay Ronaldo iyo saaxiibadiisna qolka Hotelka ku kufsadeen.

Balse xiddigaan waa iska fogeeyay sheekadaas oodhan wax kama jiraan ayuuna ku tilmaamay waxuuna ku badbaaday wax cadeen cad ah loo lagu waayey mooyee isla sanadkaan ayuu xabsi gali lahaa.

2-Qaniis Ama Wax Matare Ayaa Lagu Xantay Ronaldo Inuu Xiriir La Lahaa:

View image on Twitter

Feeryahanka lagu magacaabo Badr Hari ayaa la sheegay in Ronaldo iyo isaga xiriir ka dhaxeeyo waliba mid jismi ah waana arin laga naxay in badan feeryahankan waa qaniis ama wax matare waxaana la sheegay in Ronaldo Morocco ku booqan jiray feeryahankan si uu waqti ula qaato.

Qamri Xad Dhaaf Ah Oo Uu Cabay 2008:

Ronaldo aabihiis waxuu u geeriyooday qamri cabis badan oo wuu iska badin jiray markaas kadib xidigaan waxuu go’aan ku gaaray inuu isaga iyo qoyskiisaba iska ilaalin doonan cabista qamriga oodhan.

Balse sanadkii 2008 waxaa la sheegay inuu baar qamriga lagu cabo tagay isago murugeysan qamri xad dhaaf ahna cabay habeenkaas waana markii uu ahaa ciyaaryahan Man United u ciyaara.

Arrinkaan ayaa fadeexo weyn ka raacday Ronaldo inkastoo xaqiiq rasmi ah laga heynin laakiin markii dambe saxaafadii sheekadan faafisay ayaa cafis ka bixiyeen arinkaa maadama wax cadeyn ah la waayey.

Lasoco Qeybta Labaad Ronaldo Wiilkiisa Hooyada Dhashay Lama Oga Iyo Qodobo Kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here