kulanka xiisaha iyo xamaasada leh ee El Clasico oo qarka u saaran in gabi ahaanba la baajiyo iyo sababta baajintiisa ka dambeyso.

0
461

Waxaa isbuuca nagu soo fool leh lagu wadaa in la cayaaro kulanka ugu weyn kubadda cagta aduunka qarnigaan 21aad ee Real Madrid v Barcelona waana labo koox oo cadaawad iyo xifaaltan qoto dheer leh uu ka dhaxeeyo.

Kulankaan xiisaha leh oo lagu wado inuu isbuuca dambe ka dhaco garoonka kubadda cagta kooxda Barcelona ayaa haatan laga cabsi qabaa in dib loo dhigo kadib markii ay ku hanjabeen taageerayaasha reer Catalonia in ay carqaladeyn doonaan baska ay saaran yihiin xidigaha kooxda Real Madrid ayagoona siweyn uga careysan siyaasiyiinta gobolkaas kasoo jeedo kuwaasoo ay xukuumada Spanishka xabsiga u taxaabtay.

Ilaa iyo hada war sugan lama haayo balse hadii arinkaan xal loo heli waayo waxay u badantahay in kulankaas la baajin doono ama lagu cayaari dooono garoon alabaabada u xiranyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here