Hrithik Roshan iyo Sussanne Khan tusaale ayaa loo soo qaadan jiray marka jaceyl laga hadlaayo sida ay fagaaraha marwalba jaceylkooda ugu muujin jireen aawged lamaanayaasha Ugu caansan Bollywoodka ayee kamid ahaayeen.
Sanadkii 2013 ayee go’aansadeen inee nolosha isku firaaqeyaan halka sanadkii 2014 si rasmi ah ukala tageen oo ay isku fureen 2 sano kadib markee nolosha isku faarujiyeen Sussanne ayaa saxaafada la fal gashay maadama marar badan ay ka gaabsadeen inee sheegaan sababta ay ku kala tageen.
Xiriirka lamaanahan ma ahan mid bilaawday bilawgii qarnigaa ee waa mid soo jireen ah oo 90-maadkii ayee xiriir wada lahaayen sida la sheegay sido kalena isbarashadooda kowaad dhacday.
Sussanne oo ka qeyb galeysa barnaamij Tv-yada ka baxa ayaa dadka dib u xasuusisay kulankii kowaad ee dhexmaray iyada iyo Hrithik Roshan 90-maadkii waxay tiri iyado hadleysa misane sharaxeysa qaabkii ay HR isku barteen.

“Waxay ahed xili aan waxbarashada dhameestay waxaan la kulmay Hrithik oo shaqsi caadi ah mana ahen Superstar-ka uu maanta yahay ee qof iska caadi ah ayuu ahaa balse aabihiis aflaamta kala shaqeyn jiray goob xaflad ayaan isku baranay kadibna sheekadeena wey dheeratay.”
“Isma laheen wiil Super Star filmada jila ayaad nolosha la wadaagi doonta dooqeygana ma ahen atoore in aan guursado balse calafka iyo jaceylka meele kuu wadaan lama socon kartid ugu dambeyn xiriirkas waqtigiisa ayaa dhamaaday oo halkas ku ekaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here