KUN HABEEN IYO HABEEN Dhameestirka QEYBTII 20-aad: Caawo Xiiso Gaar Ah Ayay Leedahay

Raali Ahaada Qoraaga Sheekada Abdirahman Wuu Naga Mashquulay Habeenadan:

QEYBTII 20aad:

waxay inoo joogtay sheekada qeybtii hore markuu boqorkii kudhahay dadkiisa yaanan dhag jalaq loo siinin waxaad maqasheen ee diintiina ku dhaganaada.

mudo markey kasoo wareegatay dadkii magaalada ku noolaana fasahaadkooda batay ayaa maalintii dambe cadaabkii alle ku yimid waxayna dhamaantooda isku badaleen sidaad argtid,

aniga oo kaliya ayaana ka bad-baaday.

wixii maalintaas  ka dambeeyay waxaan soon iyo salaad iyo quraan akhris aheyn ma wadin,

waxaana halkaan ku dareemay cidlo daran qof aan weheshado xitaa mijirin sidaas darrteeda quraanka iyo salaada ayaa wehel ii ahaa.

markaas ayaan waxaan ku dhahay “ma ii raaceysaa magaalada baqdaad si fuqahada halkaas jooogto aan arintaan ugu bandhigno,

anigana aan kuu noqdo jaariyadaada, inkastoo an ahay sayidada qowmkeyga isla markaasna i hoos imaadaan shaqaale badan iyo adoomo,   waxaana xeebta jazirada iigu diyarsan markab ganacsi wado, halkaan qadarta ayaa nagu soo tuurtay”

sidaan ugu qancinaayay inuu nasoo raaco ayuu markii dambe ogolaaday inuu nasoo raaco.

HABEENKII 18aad.

markuu wiilkii iga ogolaaday hadalkyga ayaan aad ufarxay waana isi soo raacnay ilaa aan uga imaano kooxdeydii oo sidy ii radinayeen daaleen.

markey iwareysteen ayan uga sheekeyay qisada dhacday iyo xaalka magaaladaan aad ayayna ula yaabeen.

lkn dhibka dhacay wuxuu yahay gabdhihii walaalaheyga ahaa markey arkeen wiilka ila socdo quruxdiisa iyo inuu yahay wiil aad ufiican ayay ixasdeen iyagoo aad uga xumaa,

aniga dhankeyga wiilkii ayaan aad ujeclaaday,

waxaan sugnay inta dabeylaha iska badalayaan kadib markii dabeylihii isbadaleen oo la bixi rabay waxaa ii imaaday gabdhihii walaalaheyga ahaa waxayna igu dhaheen wiilkaan maxaad rabtaa inaad ku sameyso??

waxaan ugu jawaabay waxaan rabaa inuu ninkeyga noqdo oo guursado noloshana asigaa igu filan idinkana waxaan idinku wareejinayaaa wixii hanti aan leeyahay.

markaas ayay iga ogolaadeen balse waxay wali ka xumaayeen in aan wiilkaas quruxda badan helay.

kadibna sheydaan ayaa uqurxiyay naftooda waxyaabo xun waxeyna ku tashteen inay iga takhalusaan aniga iyo wiilkaba.

kadib habeenkii dambe ayaa waxaa dhacday anagoo bada dhexdeeda kujrino baqdaadna kabiga ku heyno ayay anigoo hurda iyo wiilkii inta noo imaadeen bada nagu tuureen,  nasiib xumo wiilka dabaal ma uusan aqoonin oo isla meeshii ayuu ku geeriyooday lkn aniga nasiib ayaan waxaan uhelay inaan qabsado jab alwaax ah oo sidey hirarka hadba meel ugu wadeen markii dambe meel xeeb ah igu soo tuureen.

anigoo naxsan aadna uyaaban kana xun falkey walalaheyga ku kaceen ayaa waxaa dhacday waxaan arkay abeeso dhaawac daran ku yaalo soona ordeyso oo uu daal badan ka muuqdo waxaana bursanayay mas aad uweyn.

aniga abeesadee ayaan unaxay waxaana go,aansaday inaan caawiyo kadibna dhagax weyn inta qaatay ayaa maskii madaxa uga dhuftay halkii ayuuna ku dhintay.

kadib markaan abeesadii bad-baadiyay ayaan meel isku tuuray oo iska seexday maadaama aan aad udaalanaa,

cabaar markaan hurday ayaan soo kacay balse waxaan arkay gabar aad uqurux badan oo agteyda fadhiso.

markaan arkay ayaan xishood yar dareemay waana weydiiyay qofkey tahay,   balse waxay igu tiri ilowsho dhawidaa aniga waxaan ahay abeesadii aad bad-baadisay waxaana ahay jini,    maskii ibursanayayna wuxuu ahaa jini cadowgeyga ah hadaadan adiga ibad-baadiseena wuu idili lahaa,

lkn waxaad ogaataa in aan soo ogaaday waxay walaalahaaga kugu sameeyeen sidaas darteeda waxaan go,aansaday inaan ciqaabo anigoo ka dhigay labo eey waxaana kuusoo celiyay markabkaagii iyo hantidaadii allaah ayaana waxaan ugu dhaaranayaa in hadaadan maalinkasta garaacin aan inta adigana kuu imaado sidooda oo kale kaa dhigi doono waayo falkey ku kaceen ma ahan mid loo dulqaadan karo.

markaan fiiriyay xeebtii mise waa markabkeygii halkii ayaana kasoo baxay wixii maalinkaas ka dambeeyay maalinkasta waan garaacaa waa taas sheekadeyda.

khaliifkii muslimiinta markuu maqlay hadalkii gabadhii koowaad ayuu la tacajubay,

markaas ayuu gabadhii labaad ku yiri adigana muxuu yahay xaalkaaga iyo ushaan korkaaga ku taalo??

waxay tiri gabadhii labaad ” khaliifkii mu,miniintow aniga waxaan aabaheyga ka dhaxlay lacaag aad ubadan kadibna waan guursaday mudo markaan qabay ayuu ninkeygii iga geeriyooday balse asna waxaan ka dhaxlay lacag aad iyo aad ubadan.

maalintii dambe ayaan anigoo gurigeyga iska dhex joogo waxa iitimid islaan waayeel ah duruuf iyo diifna ka muuqato,   hadaad xaaladeeda aragtidna aad ubeer jilceysid waxayna igu tiri ” gabadheydiiyey waxaa iijoogto gabar aan agoonimo kusoo koriyay maantana waa arooskeeda halkaana qof iqiimeyso oo arooskeeda igala soo qeybgasho kama helin ee waan  kuu duceynaa gabadheydiiyey arooska imoow”

markey haddalkaas idhahday xaalkeedana aan arkay ayaan ubeer jilcay waana ka ogolaaday waxaana dhahay caawo fiidkii ayaan kuu imaan.

habeenkii markii lagaaray ayaan dhowr jaariyadood sii watay inta labisanay ayan halkii ka baxnay,

markaan gurigii tagnay ayaan la yaabnay qaabka uu udhisan yahay

Cabdiraxmaan Xasan Anteeno

habeenkii markii lagaaray ayaan dhowr jaariyadood sii watay inta labisanay ayan halkii ka baxnay,

markaan gurigii tagnay ayaan la yaabnay qaabka uu udhisan yahay waa guri asiga dhan lagu sharaxay xariir iyo wax kastoo qurux badan,   runtaa gurigaan filaayay iyo kaan utagay isma lahan.

anigoo yaaban ayaan gurigii galay kadibna gudaha naloo sii gudbiyay,  mudo yar kadib waxaa iisoo gashay gabar aad uqurux badan waxayna igu dhahday kusoo dhawoow gurigeena.

markaas ayaan gabadhii wareystay waxayna igu dhahday hadaan runta kuu sheego islaantii halkaan kaa wacday walaalkeyga ayaa kuu soo diray,   runtii markii ugu horeysay ee uu ku arkay ayuu kujeclaaday wuxuuna doonayaa inuu ku guursado sidaas darteed ayuuna islaantii duqda aheyd kuugu soo dirsaday,   marka maadaama aad isguursan kartaan maka aqbaleysaa codsigiisa ah inuu ku guursado???

WEY SOCOTAA…

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 9-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 10-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 11-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 12-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 13-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 14-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 15-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 16-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 17-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 18-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 19-aad Fadlan RIIX HALKAAN

6 Comments

  1. Tii labad nogu soo dara walal shekeda waan ka helnay 2 haben ayaa naga maqan xita sidas hadan u hadalno waa nibaryena hal qeyb nogusoo dara

  2. sheekada sxb soo dhameeya caawa 20-21 bay ahayd inad soo qorto hadi ksle taxane ka dhig ganbiska kadaaaa

  3. sheekada qaybtii 19aad ba ka maqan wll plz meel igu sheega had I kle dhn dhanka sheekadu iima socdo mhdsnid

Comments are closed.