Home » Kun Habeen iyo Habeen » KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 1-aad: SHEEKADII BOQOR SHAHRA-YAAR IYO WALAALKIISA SHAAH-ZAMAAN.

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 1-aad: SHEEKADII BOQOR SHAHRA-YAAR IYO WALAALKIISA SHAAH-ZAMAAN.

Waxaa la sheegaa  ALLE  ayaase xaqiiqda oge, inuu jiray waaa hore boqor oo kamid ahaa boqoradii    Reer Saasaan  taasoo dhacdo Galbeedka Hindiya iyo Sandi.

wuxuuna ahaa boqor leh awood ciidan iyo mid dhaqaaleba wuxuuna dhalay labo wiil,  oo kan weyn la dhihi jiray boqor shahri-yaar  kan yarna  Boqor Shaah-Zamaan.

waxaa dhacday in boqorkii weynaa uu xanuunsaday xanuunkiisii geerida kadibna isugu wacay labadiisii wiil ee Amiiradaha ahaa wuxuuna usheegay in Boqortooyada u kala qeybiyay  ooo midba goonidiisa wax u xukmin doono  oo aysan isku xad gudbin.

Kadib markuu boqorkii weynaa dhintay labadii wiil sidii ayay yeeleen midkasta boqortooyadiisa ayuu maamushay, mudo markii ay kasoo wareegatay oo aysan is arkin ayaa waxaa dhacday in boqorkii weynaa ee shahri-yaar u xiisay walaalkiisa ka yar wuxuuna u qoray fariin uu ugu sheegayo inuu uxiisay oo uu u imaado, boqorkii yaraa wuu ka yeelay hadalka walaalkiisa wuxuuna go,aansaday inuu usafro,

Maalintii dambe ayuuu soo safray boqorkii yaraa markuu mudo jidka kusoo jiray ayuu wuxuu soo xusuustay  inuu iska soo iloobay hadiyad khaas aheyd oo uu ugu talo galay walaalkiisa ka weyn, sidaas darteeda dib ayuu usoo noqday wuxuuna qasrigiisii kusoo noqday waqti habeen ah,  markuu qolkiisii soo galay ayuu wuxuu arkay arin argagax leh aadna uga fajacisay, wuxuu arkay xaaskiisii oo adoon sariirta la saranyahay.

Boqor shaah-zamaan markuu arkay arintaan ayuu aduunkii la madoobaaday wuxuuna is yiri “hadiiba naagtaan falkaan ku kacday adigoo aana wali baladka toos uga bixin maxaa dhici lahaa hadii aad maalmo sii maqnaan laheyd??”

markaas ayuu go,aansaday inuu labadoodaba ka taqaluso asigoo kurka kawada gooyay.

kadib boqorkii asigoo murugeysan ayuu iska soo baxay wuxuuna u yimid walaalkiisii iyo boqortooyadii uu ka talinaayay, kadib boqor shahri-yaar aad ayuu ugu farxay imaatinka walaalkiisa kayar si fiican ayuuna usoo dhaweeyay lkn wuxuu dareemay in walaalkiisa kayar faraxsaneen.

Markaas ayuu u qaatay inuu la murugeysan yahay maadaama uu kasoo fogaaday dhulkiisii iyo boqortooyadiisii.

kadib boqorkii weynaa wuxuu sameeyay wuxuu diyaariyay mowkib si ay ugaarsi iyo tamashle u aadaan asigoo ugu dan lahaa in walalkiisa kayar kaga farxiyo si uu murugta u iloobo.

maalintii la bixi rabay ayuu boqorkii yaraa ka cudur daartay inuu baxo, kadib walaalkiisii weynaa iyo kooxdiisii kaligood ayaa ugaarsigii aadeen.

boqorkii yaraa asigoo qolkiisii isaga jiro aadna umurugeysan ayuu daaqada qolkiisa oo xigtay dhinaca beerta qasriga shanqar ka dareemay,   markaas ayuu dhinacii soo aaday muxuu arkay?

Wuxuu arkay arin ka yaabisay tii heysatayna ka daran,  waxaa beerta qasriga soo gashay dumaashidiisa uu qabay boqorkii weynaa oo adoon gacanta heysato iyo 20 jaariyadooda oo mid kasta adoon gacanta ku heysato   halkii ayaana tumasho lagalay.

Markaas ayuu boqorkii yaraa ee shaah-zamaan is yiri wallee dhib ku heystay waxaa ka daran kan walaalkaaga maanta heysto,    wuxuuna go,aansaday   inuu iska iloowo murugtii heysatay caadina iska noqday.

Markuu soo labtay boqor shahri-yaar wuxuu dareemay isbadalka ka muuqdo walalkiisa boqor shaah-zamaan  wuxuuna go,aansaday inuu weydiiyo.

Markii dambe ayuu weydiiyay wuxuuna ku yiri “walaalow halkaan markaad imaaneysay waxaa kaa muuqatay murug iyo tiiraanyo lkn hada caadi ayaad tahay,   ee waxaad ii sheegtaa waxa murugta kaa kenay iyo waxa murugta kaa qaadayba?”

Wuxuu ku jawaabay boqorkii yara ” waan kuu sheegayaa waxa murugta iga keenay lkn kuuma sheegayo waxa murugta iga qaaday”

Markaas ayuu boqorkii weynaa yiri waayahaye bal iisheeg waxa murugta kuu keenay,     markaaas ayuu uga sheekeeyay  arintii uu kala kulmay xaaskiisa iyo adoonkii ay sariirta la saarneedba,

Markaas ayuu boqor shahri-yaar yiri illaa wa illaa waa inaad ii sheegtaa waxa kurbadaas saas uweyn kaa qaaday markuu ku adkeeyey ayuu usheegay wixii beerta qasriga ka dhacay.

Boqorkii weynaa wuu rumeysan waayay,    markaas ayaa walaalkiisa ka yaraa ku yiri hadaad beenteyda umaleyneyso  dadka isugu wac oo ku dheh dalxiis iyo ugaarsi ayan aadeynaa markii labaxana inta soo dhuumato qolkeyga soo gal.

Boqor shahri-yaar sidii ayuu sameeyay kadibna maxaa dhacay wuxuu arkay xaaskiisii  iyo adoonkii iyo wixii walaalkiisa uga sheekeyay…

La Soco Qaybta Labaad:

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

13 Responses to KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 1-aad: SHEEKADII BOQOR SHAHRA-YAAR IYO WALAALKIISA SHAAH-ZAMAAN.

  1. JKC Lord of Hardex

    November 22, 2017 at 8:49 pm

    Grazio sxb sheekadan waa i cajibisay horay u socda filimside mhdsanidiin

    • Abukar

      November 22, 2017 at 9:22 pm

      Tnx

    • Abukar Mohamed

      November 22, 2017 at 9:27 pm

      thanks

  2. boqorjaan

    November 22, 2017 at 8:56 pm

    aaad baad ugu mahadsantihiin fadlan halkaas ka wada

    • Abukar Mohamed

      November 22, 2017 at 9:20 pm

      waa sheeko wanagsan

    • Anteeno

      November 22, 2017 at 9:33 pm

      adigaa mudan walal

  3. cmj

    November 22, 2017 at 10:21 pm

    wow waan ka helay waalhi

  4. Abojendel

    November 22, 2017 at 11:13 pm

    Lkn saxibayaal waad kusoo celiseene

    • Zakarie Abdi

      November 23, 2017 at 12:01 am

      Laguma soo celin caawo ayaaba ugu horeyso xalqada kowaad Web-ka lagu soo daabacay

  5. abdiwaduud

    November 23, 2017 at 7:43 am

    thanks filimside

  6. basher poh

    November 23, 2017 at 8:27 am

    Niow sheekada noosooo wada way macanteheee

  7. hargeisawi

    November 23, 2017 at 2:15 pm

    mahdsanid sxb yaal noo siiwada

  8. liban ali bari

    November 23, 2017 at 2:45 pm

    wlhy cade maahan sheekadan so daaya ayado badan xoga dhereeya wana kumahadsantihin