Home » Kun Habeen iyo Habeen » KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 10-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 10-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

Raali gelin: Waxaa caawa idinka raali gelineynaa inay sheekada kasoo daahday waqtigeeda sababo farsamo awgeed, Saacadda Sheekada waa 8:00PM (Waqtiga Geeska Africa)

QEYBTII 10aad

Waxay sheekada noo mareysay qeybtii hore markey Gabadhii Jaariyada aheyd Kalluunkii jikada soo galisay,    oo markay dabka saartay  gabar jin ah daaqada soo istaagaty kadibna gabdhii jaariyada aheyd suuxday.

Markaas ayay gabadhii markey soo naaxday aragtay kaluunkii oo gubtay iyadoo naxsan ayaa waxaa uyimid waziirkii wuxuuna ku yiri aaway kaluunkii?? markaas ayay jaariyadii uga warantay waxay aragtay oo dhan.

Wasirkii ayaa yaabay wuxuuna uwacay ninkii kalluumeysatada ahaa wuxuuna ka dalbaday in afartii kalluun kuwa lamid ah markale keeno,  markaas ayuu ninkii kalluumeysata ahaa baxay  oo barkadii tagay wuxuuna soo dabay kalluunkii  asigoona ukeenay wasiirkii.

markaas ayuu waziirkii kalluunkii udhiibay jaariyadii asigoona ku yiri bal toogtaan anigoo ku arkaayo kari.

Markaas ayay jaariyadii kalluunkii qabatay oo dabkii saartay balse markey dabkii saartay ayaa waxaa sidii hore oo kale daaqada jikda soo istaagtay gabadhii jinka aheyd iyadoo kalluunkii ku  tiri “kalluunyahow wali ma ballantii horaad kujirtaa?”

markaas ayuu kalluunkii inta madaxa kor usoo qaaday yiri HAA HAA.

HABEENKII 7aad.

Markuu waziirkii arinkii arkay ayuu wuxuu yiri arintaan waa arin aanan laga aamusi karin waana inaan boqorka usheegaa.

markaas ayuu boqorkii usheegay boqorkii markii loo sheegay wuu aamini waayay wuuna rumeysan waayay wuxuuna dhahay indhaheyga inaan ku arkaan rabaa, markaas ayaa waxaa loo wacay odaygii kalluumeysatada ahaa kalluunkii ayuuna keenay kadibna boqorkii wuxuu waziirkii ku dhahay toogtaan adiga kari kalluunka Wasiirkii ayaana kalluunkii dabka saaray lkn sidii markii hore dhacday oo kale ayaana dhacday , boqorkii markuu arkay ayuu wuxuu yiri kalluunkaan xaalkiisa uma bogin ee hala ii keeno ninkii laga soo gaday markaas ayaa waxaa loo geeyay odaygii kalluumeysatada ahaa, markii laweydiiyayna wuxuu tilmaamay inuu kasoo dabay barkad udhow buurrta heblaayo,

Markaas ayuu boqorkii yiri imisa maalmood ayaa barkadaas loo soconaa,  lkn odaygii wuxuu ku jawaabay boqorow nus-saac kama badna.

Boqorkii hadalkaas aad ayuu ula yaabay wuxuuna amar kusiiyay in ciidankiisa oo dhan soo baxaan asigoo soo aaday meeshii loo tilmaamay waxaana soo raacay ninkii kalluumeysatada ahaa  oo jinigii habaaraya, sidii loo socday markii barkadii latagay oo ay wada arkeen ayaa dadkii yaabeen waxayna la yaabeen barkadaan meesha ku ooli jirin iyo kalluunkeeda kala nuuca ahba.

Markaas ayaa boqorkii inta dadka ka dhex kacay yiri “war maijraa qof barkadaan horay u arkay?”

markaas ayay waxay dhaheen maya boqorow.

Markaas ayuu boqorkii yiri “waxaa igu ballan ah inaan boqortooyadeyda unoqon kuna fariisan carshigeyga anigoon soo ogaanin xaqiiqda ka damabeysa barkadaan iyo kalluunkeedaba”

Markaas ayuu boqorkii amar ku siiyay ciidanka iney meesha dagaan,   kadibna wuxuu uwacay waziirkiisii kaasoo ahaa mid aad ucaqli badan wuxuuna ku yiri ” waxan go,aansaday inaan kaligeey baxo oon qofna iraacin soona ogaado xaalka barkadaan iyo xaqiiqdeedaba,   marka adiga waxaad sameyneysaa waxaad hor istaageysaa teendhadeyda qofna uma ogolaaneysid inuu soo galo una sheeg qofkii ubaahan inuu i arko inaan mashquulsanahay ilaa aan kasoo laabanayo”

Markaas ayuu waziirkii sidii yeelay, markaas ayuu boqorkii habeenkii saqdhexe guureeyay wuxuu socdaba markuu mudo maalmo ah safarka ku jiray ayaa maalintii dambe wuxuu kusoo baxay qasri aad umadow lagana sameeyay dhagaxaan aad umadow wuxuuna leeyahay labo albaab oo midkood furnaa kan kalana xirnaa, markuu boqorkii arkay ayuu aad ufarxay wuxuuna isdhahay waxaa laga yaabaa qof kuu warama inaad ka hesho, markaas ayuu qasrigii hor istaagay albaabkiina garaacay idin ahaaan lkn wax u idmo ayuu waayay cabaar markuu garaacayay qof ka furana uu waaya ayuu markii dambe qasrigii galay.

Markaaas ayuu layaabay quruxda iyo bilicda qasriga wuuna ku dhex wareegay xoogaa lkn qofna wuu ka waayay waxaana qasriga ka buuxay alaab iyo maacuun ka sameysan dahab wax joogana malahan meesha.

Cabaar markuu qasrigii ku wareegayay qofna ka waayay ayuu markii dambe meel iska fariisatay asigoo yaaban, lkn wax yar kadib ayuu shanqar sidii qof xanuun haayo maqlay markaas ayuu boqorkii soo aaday dhankii uu shanqarta ka maqlay mise waa wiil sariir kor saaran go,na huwan murugna ka muuqato, markaas ayuu boqorkii wiilkii salaamay,   markaas ayuu wiilkii  salaantii ka qaday markuu xaal wareystay ayuu wuxuu boqorkii yiri waxaan rabaa inaan su,aal kuweydiiyo, markaas ayuu wiilkii yiri iweydii,

Kadib boqorkii ayaa wiilkii uwaramay wuxuuna ka wareystay barkadii iyo inuu uga xaal waramo. wiilkii markuu hadalkii boqorka maqlay ayay ilin kasoo daadatay,  asigoo aadna u ooyay, markaas ayuu boqorkii yiri maxaa kaa ooysiinaya wiilkeygiyoow? wiilkii ayaana ku jawaabay oo maxaanan u ooyn waayay iyadoo xaalkeygana sidaan yahay markaas ayuu wiilkii go,ii uu huwanaa iska qaaday.

mise wilka qaarka dambe wixii xudunta ka hooseeyo dhagax ayuu kayahay inta kalana dad, markaas ayuu boqorkii yaabay kuna yiri wiilkii maxaa kugu dhacay oo xaalkaagan muxuu yahay.

Wiilkii ayaa markaas yiri boqorow waxaad ogaataa in buurahaan aad ujeedo ee afarta ah inta udhaxeyso ay magaalo ahaan jirtay waxaana ka talin jiray aabaheyga mudo 70sano ah kadibna markuu dhintay anigaa xilka la wareegay waxaana guursaday ina adeertay oo aheyd gabar aad uqurux badan waxayna ii jecleyd si aad udaran waligeyna ma arkin qof sideeda oo kale ii jeclaaday heer waxay gaartay xitaa hadii aan ka maqanay waxba aysan cunin waxna cabin.

Gabadhaas waxaann qabay mudo 5sano ah, maalintii dambe ayaa waxaa dhacday cunto kariyihii ayaan  ku amray inuu casho fiican noo diyaariyo kadibna waxaan uwacay labo jaariyadood si ay iigu riiriixaan , anigoo sariirta saaran iyagana ii riiriixayaan ayaan lulmooday oo hurdo iga imaaday lkn hurdo weyn ma aheyn oo ma gam,in    markaas ayaan waxaan maqlay labadii jaariyadood oo sheekeysanaya.

Mid ayaa waxay tiri boqorkeena waa nin miskiin ah oo kama war haayo dhagarta ay naagtiisa habeen kasta umaleegta waxay sameysaa  habeenkii markuu casheynaayo ayay cabitaanka binji ugu dartaa kadibna markuu sariirta tago ayuu seexdaa hurdo uusan kasoo kici kiarin iyada wey baxdaa waxayna imaadaa subaxii hore iyadoo kadibna wax ku qiijisa si uu usoo kaco, markaan hadalkaas maqlay ayaan naxay hadana murugooday mana ujawaabin gabdhihii,   kadibna habeenkii markii lagaaray oo aan casheynay ayaa sharaabkii la iikeenay lkn ma aanan cabin waxaana iska dhigay qof cabay waana seexday,    cabaar kadib ayay naagteydii iisoo gashay iyadoo leh ” naga seexo  oo waligaa hasoo kicin waanba ku nacee adiga iyo muuqaagaba”

kadib ayay labisatay labis kii ugu bilicda samaa weyna is carfisay iyadoona  seefteediina sii qaadatay waxayna ka baxday.

Markaas ayaan kacay oo kadaba baxay iydoonan idareemin  weyna socotay ilaa ay ka tagto  magaalada albaabkeeda, markaas ayay waxay ku hadashay hadal aanan fahmin

WEY SOCOTAA…….

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 9-aad Fadlan RIIX HALKAAN

5 Responses to KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 10-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

  1. cadde Reply

    December 1, 2017 at 11:30 pm

    meeZhii ugu mcaaneed

  2. Mohamed Hassan Reply

    December 2, 2017 at 12:01 am

    mahadsanidin bahda filimside Caawa in Ka
    badan 100 mar ayaan ku soo noqdey
    xiisaha ayaan sheekada u haayo
    thanks all of you

  3. praphase Reply

    December 2, 2017 at 3:33 am

    axya sheeko

  4. ahmed Reply

    December 2, 2017 at 10:20 am

    wow axyaa sheeko xqiiq sheekada wan la haysta inkasto xlay dhawr mar aan ku soo noqoday kan waaya lkn wanu aqbal nay cudurdaarka farsamo
    shukran bro

  5. said mohamud Abdi Reply

    December 2, 2017 at 10:11 pm

    wanka helay shekadaan!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *