Home » Kun Habeen iyo Habeen » KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 11-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 11-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

QEYBTII 11aad

Waxay sheekada inoo mareysay markii wiilkii boqorka ahaa ee uu daba kacay naagtiisii taasoo markey albaabkii magaalada looga baxayay gaartay ku hadashay hadalo aanan la fahmin, kadibna waxaa furmay albaabkii weyna baxday, asigooo hadalka sii wado ayuu wuxuu yiri waan ka daba baxay iyadoon idareemin waxaan daba socdaba waxaay markii dambe gashay guri qasri u eg aadna usharaxan.

 

waxaa qasrigaas ku jiray wiil mado oo bishintiisa hoose digsi u egtahay halka tan korena digsiga daboolkiisa la moodo, wuxuuna afkiisa ku gurbinanayay dhagaxaanta yaryar ee quruurxa kuwaasoo dhulka daadsanaayeen, markuu arkay naagteydii oo usoo gashay ayuu wuxuu ku yiri ” naa hoogto maxaa kugu dhacay oo aad usoo daahday? saaxiibadey mar hore ayay inta baashaaleen kala tageen ana saacaan ayaan kaligey halkaan fadhiyaa”

Markaas ayay ku tiri “waad ogtahay sayidkeygoo inuu iqabo ina adeerkey wajigiisa ha gubtee,  hadaanan adiga kuu baqi laheyna magaalada mar horaan ka dhigi lahaa mid qariban waana baabi,in lahaa si ay isugu badasho meel dugaaga ku noolyihiin oo dadka ka caagan”

Markaas ayuu ku yiri ” naayaa beenley yahay aniga beentaas ha ii sheegin waxadna ogaataa hadii maanta kadib adoo xiligaan oo kale socotid aan ku arko inaana mardanbe ku taaban doonin khaa,inad yahay”

Markaan hadalkaas iyo bahdilaada loo geysanayo maqlay ayuu aduunkii oodhan ila madoobaaday ciil aad udarana wuu iqabtay naagteydiina waxay jilbaha ku dhagantahay ninkaas oo ay tuugeysaa iyadoo leh ” qalbigeygoow xabiibkii aan jeclaayow nuurkii indhaheygoow iwm”

ilaa uu ka raali noqday markaas ayay faraxday oo dharkii iska siibtay iyadoo weydiisatay waxay cunto markaas ayuu wuxuu utilmaamay weel ay wax kujiraan mise waaba lafo la dubay kadib inta cuntay ayay ninkii madoobaana hoosta ka gashay.

markaan arkay waxay sameysay naagteyda ayaa wixii xanaaq aduunka ahaa inta dareemay go,aansaday inaan labadoodaba isku dilo waxaana la soo baxay seeefteydii waxaana qoorta uga dhuftay ninkii anoo umaleeyay inuu dhintay, markii shaharzaad sheekadii halkaas marineyso ayay waxay ogaatay in subaxii la gaaray markaas ayay sheekadii joojisay.

HABEENKII 8aad

Wiilkii boqorka ahaa oo sheekadii sii wado ayaa wuxuu yiri markii aan adoonkii madoobaa seeftii ku dhuftay waxay uga dhacday dhuunta iyadoo goysay maqaarkii iyo hunguriga waxaana umaleeyay inan dilay meeshana waxay aheyd mugdi daran oo si fiican la iskuma arkeynin,  markaas ayuu adoonkii khuuriyay kadibna naagteydii ayaa soo booday oo qaaday inta wxa aanan fahmin akhrisay, anigana anoo aad uyaaban kana shakisan iney i aragtay iyo inkale ayaan soo baxay waxaana imid qasrigii waxaana iska dhigay qoaan waxba ogeyn, markaas ayay subaxii ii imaaday iyadoo xiran dhar madowna xiran waxayna igu dhahday waxaa isoo gaartay in qof qaraabadeena ka mid ah uu dhintay oo dhanka hooyo iga soo galo marka tacsi ayaa iitaaalo ee waxaan rabaa qubo yar inaad iidhisto.

markaas ayaan ka ogolaaday anigoo ka xun inaanan dilin iyada waxaana ku gaadayay jaanis, balse markii dambe waxaan ogaaday iney qubada ay dhistay ku heyso adoonkii madoobaa oo dhaawaciisa aad udarnaa.

Markaas ayaan soo qaatay seefteydii si aan labadoodaba kurka uga gooyo,  balse markaan ugalay ayay hadal aanan fahmin inta tiri ayay wax igu soo firjisay kadibna sidaan aad ujeedo ayaan noqday oo qaarka hoose ayaan dhagax ka noqday.

Naagteydii intaas kuma ekaanine waxay sixirtay magaaladeydii oo dhan oo isku badashay qaraabka aad hada ujeedo, waxaana magaalada ku noolaa afar nuuc oo dad ah kuwaasoo kala ahaa muslimiin,  yahuud,  nasaaro,  iyo majuus, dhamaantoodna wey sixirtay iyagoo isku badaleen afarta nooc ee kalluunka aad sheegtay.  ee barkada kujiray.

Intaas kuma aysan harine maalin kasta wey ii imaan jirtay weyna igaraaci jirtay galabtiina wey idaaweyn jirtay.

Markaas ayuu boqorkii wiilkii ku yiri “murugtii iheysay waxaad iigu sii dartay murug kale ee aaway naagta aaad sheegeyso hada xagee joogtaa?”

Markaas ayuu wiilkii yiri waxay kujirtaa qubadii oo maalinkasta u imaado ninkii madoobaa ee dhaawaca ahaa kaasoo aanan hadli karin wax dhaqaaq ahna sameyn karin markasta oo ay kasoo tagtana aniga ayay iciqaabtaa.

Markaas ayuu boqorkii yiri wlhi baanan sidaan iyo xaalkaan kaaga tagi dooni wax kasta oo aan awoodana waan kuu sameyn doonaaa sidii aad naagtaan uga xoroobi laheyd ugana aarsan laheyd, kadubna wiilkii ayuu la fariistay ilaa waabarigii, markuu waagii barayay ayuu boqorkii dharkii dhuuqsaday seeftiisiina labaxay wuxuuna galay qubadii balse ninkii dhaawaca ahaa unbuu ugu tagay markaas ayuu kurka ka gooyay kadibna inta soo jiiday kudhex riday ceel meesha ku yaalay.

kadib ayuu boqorkii dharkii adoonkii madoobaa inta gashtay  go,iisiina huwaday seeftiina hoosta gashtay ayuu sariirtiisii seexday, waxyar kadib waxaa imaaday naagtii markii hore waxay ugashay wiilkii boqorka ahaa ee lugaha dhagaxa ka ahaa markaas ayay garaacday  waliba si xun ugaraacday kadibna waxay ugashay boqorkii oo kujira qubadii asigoo isaga dhigaya adoonkii madoobaa inta go,iina huwan.

markay ugashay ayay waxay ku tiri ” sayidkeygoow ila hadal maalintii dhibkaan kusoo gaaray ilaa iyo hada waan murugeysanahay farxaeyda adiga ayay kugu xirantahay e halmar oo kaliya ila hadal” markaas ayuu boqorkii hadal daciif ah kula hadlay oo ay fahmi weysay markii ay maqashay ayay aad ufaraxday weyna rumeysan weysay kadib ayuu cod daciif ah ku yiri “aniga waxaan la caafimaadi la ahay waaa cuqabada ninkaaga ee hadaad rabtid inaan caafimaado sixirka aad ku xirtay ka furu farahana ka qaad”

markaas ayay naagtii oo aad ufaraxsan tiri waayahay isla hada ayaa ka qaadaa markaas ayay inta sixirkeedii akhrisay wiilkii boqorka ahaa sixirkii ka furtay.

markaas ayuu wiilkii sidiisii hore kusoo noqday kadib inta lahadashay ayay ku tiri isaga tag meeshaan yaanan ku arkin markale. markaas ayuu wiilkii meeshii ka tagay.

kadibna inta qubadii soo gashay ayay tiri “sayidkeygow go,a iska qaad aan ku arkee”

markaas ayuu boqorkii yiri “adiga maxaad suubisay faracii bas ayaad iga daaweysay iyadoo asalkiina ka tagtay?

ma sidaan ayaad igu jeceshahay?

 

markaas ayay ku tiri “waa maxay asalka aan ka tagay bal iisheeg”

markaas ayuu boqorkii yiri ” adiga markii aad dadkii magaalada daganaa wada sixirtay oo aad kalluun ku sixirtay maalintaas ilaa iyo hada habeen kasta wey ihabaaraan ee hadaad rabtid inaan caafimaado iyagana sixirka ka fur”

markaas ayay inta soo baxday oo sixirkeedii akhrisay magaaladii sideedii kusoo celisay oo dadkii halkii ay nolosha umereysay kasii wateen.

kadib ayay iyadoo faraxsan boqorkii usoo gashay markaas ayay ku tiri sayidkeygow ii ogoloow inaan kuusoo dhawaado oo gacantaadana dhunkado

markii ay sheekadii halkaas mareysay ayay shaharzaad ogaatay in subaxii lagaaray.

HABEENKII 9aad.

kadib ayuu boqorkii markay ka codsatay iney usoo dhawaato si ay gacanta uga dhunkato ayuu  dhahay soo dhawoow markey udhawaatayna seeftii hoosta ugu jirtay inta lasoo baxay wadnaha kaga suray asigoo dhabarka kasii bixiyay kadibna labo qaar ukala jaray.

markuu dilay naagtii ayuu qubadii boqorkii kasoo baxay waxaana ka hor yimid wiilkii boqorka ahaa oo aad ufaraxsan. halkii ayuu boqorkii ugu mahad celiyay wuxuuna weydiiyay “ma boqortooyadaadii ayaad ku noqoneysaa mise halkaan ayaad joogeysaa?”

markaas ayuu boqorkii yiri waxaan kasoo tagay ciidankeygii oo meel cidla ah joogaan marka waa inaan dag-dag ugu laabtaa.

markaas ayuu wiilkii boqorkii weydiiyay imisa ayaad umaleysaa iney boqortooyadaada kuu jirto?

wuxuu boqorkii ku jawaabay labo ilaa sadax maalin kama badna.

markaas ayaa waxaa dhoola cadeeyay willkii boqorka ahaa asigoo ku yiri boqorkii weynaa “magaalada aad iisheegtay waxay inoo jirtaa oon usoconeynaa mudo bilooyin ah sababta aan sidaan isugu soo dhawaanayna waa sixirka uun ee halkaan nala joog in mudo ah waxaana kuu ballan qaadayaa inaaan magaaladaada si nabad galyo ah kugu geeyo”

 

WEY SOCOTAA…….

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 9-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 10-aad Fadlan RIIX HALKAAN

5 Responses to KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 11-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

  1. Mohamed Hassan

    December 2, 2017 at 8:50 pm

    asal

  2. nabadoon

    December 2, 2017 at 8:51 pm

    Cabdiraxmaan Anteeno iyo zakarie abdi fadlan codsigeena tix galiya sheekada foder gooniya u sameeya

    • Ali Aadan

      December 2, 2017 at 9:03 pm

      sxb wey usameysantahay Category-ga Kun Habeen Iyo Habeen Ku Qoran Ayaa Kadhex Raadsan Kartaa sxb baar adaa helaayo

  3. Abdulaahi Yusuf

    December 2, 2017 at 8:58 pm

    waa mhdsantihiin filimside howsha aad noo heysaan

  4. ahmed

    December 2, 2017 at 11:05 pm

    sheekada wn la haysta shukran bro noo sii wad