Home » Kun Habeen iyo Habeen » KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 12-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 12-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

QEYBTII 12aad.

Waxay sheekada inoo maraysay markii boqorkii loo sheeegay inuu magaaladiisa loo socon doono mudo bilooyin ah.

kadib boqorkii in mudo ah ayuu wiilkii boqorka ahaa lasii joogay.

Mudo markey kasoo wareegatay waxaa la go,aansaday in boqorka la galbiyo oo boqortooyadiisa la geeyo,

sidii ayayna isku soo raaceen labadii boqor iyo askartoodii waxay jidka kusoo jiraan mudo bilooyin kadib waxay imaadeen  halkii ay joogeen ciidankii boqorkii weynaa oo sey boqorka usugayeen qaati billaah taagnaa, halkaas ayaa labadii boqor lagu soo dhaweeyay waziirkiina waxaa looga waramay sheekadii ka dambeysay afartii kalluun aheyd ee kala nooc ahaa iyo barkadii biya aheyd, kadibna waxaa loo wacay odaygii kalluumeysatada ahaa ee sabab unoqday in magaalo dhan sixirka la qaado  .waxaan la wediiyay xaalkiisa iyo hadii caruur iwm ujoogaan wuxuuna sheegay inuu xaaskiisa iyo labo gabdhood uu dhalay la noolyahay, markaas ayaa gabdhihii mid kamid ah loo guuriyay wiilkii boqorka ahaa halkii gabadhii kalana uu guursaday boqorkii weynaa sidaas ayuuna odaygii kalluumeysatada ah ku noqday sodoga labo boqor oo kamid ahaa boqoradii ugu waaaweynaa aduunka waqtigaas.

Markaas ayay markii ay sheekadii dhameysay shaharzaad tiri waxaase ka yaab badan sheekadaan tii xamaaligii iyo gabdhihii.

markaas ayuu booqrkii yiri oo maxay aheyd sheekadaasna

SHEEKADII XAMAALIGII IYO GABDHIHII

wuxuu ahaa wiil dhalin yar muuqaal dabiici leh aadna ubilicsan. lkn wuxuu ahaa wiil iska danyar oo aan waxba heysan wuxuuna ku noolaa magaalada baqdaad  sidaas darteeda nolol maalmeedkiisa wuxuu ku dhacsan jiray xoogiisa oo wuxuu ahaa xamaali dadka suuqa usoo adeeg doonta alaabtooda uqaada.

maalintii dambe ayaa waxaa dhacday asigoo aana wax shaqo heysnin suuqa iska dhex joogo kuna sintaacsan gaarigii uu alaabta ku qaadi jiray ayaa waxaa soo kor istaagtay gabar taasoo ku labisneyd dhar xariir ka sameysan aadna u asturan wayna waji dadneed.

Markas ayay inta xijaabkii wajiga usaarnaa iska qaaday (indho shareerkii) ku tiri ” soo qaado gaarigaaga oo isoo raac”

Markaas ayuu wiilkii kor madax usoo qaaday balse wuxuu arkay gabar aad uqurux badan oo indho madow leh korkeeda uu liisho yahay tilmaan kasta oo quruxdan leh,  markaas ayuu xamaaligii soo qaaday gaarigiisii wuuna soo daba kacay ilaa ay ka imaaday  albaab tukaan waxaayna tukaan lihii siisay labo diinaar iyadoo kasoo qaaday qiyaas xoogaa zeytuun ah waxayna udhiibtay xamaaligii, kadibna waxay utagtay nin miraha faakihada iibiyo waxayna kasoo iibsatay nooc kasta oo miro ah waxayna udhiibtay xamaaligii, kadibna waxay utagtay kawaanlihii waxayna ka iibsatay 10 rodol oo hilib ah iyadoona udhiibtay xamaaligii, kadibna waxay utagtay nin iibiya waxyaabaha carfa sida catarada miskigiga cuudka iwm waxayna kasoo iibsataya shumac iyo nooc kasta oo kamid ah waxyaabaha carfa.

markaas ayuu xamaaligii yiri wlhi hadaan ogaan lahaa inaad suuqa dhan wixii yaalay soo iibsaneysid waxaan soo kaxeysan lahaa baqasheyda . markaas ayay dhoolo cadeysay oo tiri isoo raac kadibna waxay utagtay ninka iibiya raashiinka iyo cuntooyinka iyadoo dhowr nooc oo raashiin kasoo iibsatay.

Kadib siday usoo waday waxay keentay guri aad uqurux badan aadna loo sharxay  muuqaalkiisa kore kusoo jiidanaayo, albaabkii ayay ugaraacday si tartiib ah asigoo isla markiiba furmay sidii inuu albaabka qof sii taagnaa oo la sugaayay .

.Markaas ayuu fiiriyay qofkii albaabka furay mise wuxuu arkay gabar aad uda,yar  shaf yar oo taagana leh,    waxayna laheyd indho u eg kuwa indhaha deerada,  dhabano shuban,    suniyo sidii bil hada dhalatay aad moodo, san dhuuban,  af yar oo aad uqurux badan,   waji u ifaayo sidii dayaxa oo kale,    calool yar iyo dhex aad udhuuban,    markuu wiilkii xamaaligii ahaa arkay gabadhaas wixii qurux aduunka ahaa kulansatay ayuu ku sigtay in alaabtii uu waday ka daadato markaas ayuu yiri ” cimrigeyga intaan noolaa ma aan arkin maalin maanta ka barako badan”

markaas ayay gabadhii labaad ee albaabka furtay tiri ” soo dhawaada”.

Markaas ayuu gurigii sii dhex galay asigoo alaabtii wado kadibna waxaa loo sii gudbiyay qeyb sidii hoolka usameysan waxaana dhex taalay sariir lagu xardhay go, ka sameysan xariir aad uqurux badan waxaana sariirta ku fadhiso gabar iyadana ad uqurux badan oo leh indho buluug ah iyo joog aan caadi aheyn una qurux badan sidii meerayaaasha ifa iyo xidigaha habeenkii .

Markaas ayay soo istaagtay xoogaana soo socotay ilaa ay ka timid hoolka dhexdiisa waxayna tiri “maxaad u istaagsantihiin xamaaliga alaabta ka dajiya ” markaa ayaa labadii gabar ee kale alaabtii ka dajiyeen.

Markii xamaaligii alaabtii laga dajiyay ayay siiyeen 2diinaar, waxayna dhaheen waad fasaxantahay.

Markaas ayuu wiilkii fiiriyay gabdhihii hantida ay heystaan sidey uqurux badan yihiin iyo guriga quruxda badan ee ay ku nool yihiin, lkn waa kaligood oo wax niman ah lama joogaan, asigoo yaaban walina aanan bixin kana caga jiidaayo inuu baxo ayay gabdhihii ku dhaheehn maxaa kugu dhacay oo aad ubixi la,dahay.

Asigoo yaaban walina aanan bixin kana caga jiidaayo inuu baxo ayay gabdhihii ku dhaheehn maxaa kugu dhacay oo aad ubixi la,dahay mise lacagtaa kula yaraatay??

Markaas ayay ugusoo dareen 2diinaar oo kale.

Markaas ayuu wiilkii ku jawaabay ” wlhi lacagta aad isiiseen ilama yaraaninin weyna badantahay, lkn qalibigeyga ayaa idinka idinku mashquulay iyo xaalkiina waxaana layaab igu ah inaad idinkoo saan ah uusan wax nin ah idinla nooleyn,  waadna ogtihiin guri kasta wuxuu ku tiirsanyahay tiir kaasoo ah ninka, gurigii aan  tiiir laheyna wuxuu qarka usaaranyahay inuu daqiiqad kasta dumo,  naagaha nasiibkoodana wuxuu noqdaa mid dhameystiran markey nin heystaan oo naagtaan nin heysan nasiib malahan, idinka waxaad tihiin sadax waxaadna ubaahantihiin nin idin afareeyo, kaasoo  ah caaqil geesi idin ilaaliyo idinna difaaco,”

Markaas ayay waxay dhaheen ” anaga gabdho ayaan nahay waana ka cabsaneynaa in siraheena qofkale ogaado waana dhibaato in sirtaada la ogaado sidii horay loo yiri qofkii sirtiisa dayaca naftiisana wuu dayacay”.

Markaas ayuu wiilkii yiri “aniga xamaali oo kaliya ha ii maleunina waxaan ahay nin aqoon leh waxbadana og halkaana duruufta ayaa idhigtay waxaanse ahay qof wixii fiican muujiya wixii xuna qariya oo dadka sirahooda uxifdiya” wuxuuna utiriyay tix gabay ah oo micnaheedu yahay:

sirta ma qariyo qofaan lagu kalsooneyn

waxayse taalaa dadka akhyaarta agtooda,

iyadoo lagu qariyay guri qufulan,

furihiisiina waa hore dhumay.

Markey gabdhihii maqleen hadalkii wiilka iyo tixda gabayba ayay waxay dhaheen..

 

WEY SOCOTAA…….

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 9-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 10-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 11-aad Fadlan RIIX HALKAAN

9 Responses to KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 12-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

  1. nabadoon Reply

    December 3, 2017 at 8:40 pm

    sheekadu adbay u macdahay lkn caawa waad yarayseen mida kale waad soo daahisaan baryahaan

  2. mohamed Reply

    December 3, 2017 at 9:25 pm

    shit mxa mesha ugu jarten niyow

  3. ahmed Reply

    December 4, 2017 at 10:28 am

    alfa layl wa layl axyaa sheeko sheekadan wx aan doonay mudo dheer dugsigii dhex markan ku jiray mclinkasta wuu soo hadal qaaday lkna maanta ka hore ma arag qof sidan iigu dhex gal xtaa kii sare

  4. Samiir cade Reply

    December 4, 2017 at 9:22 pm

    Aaway asxbta qeybtii caawa oo aheyd 13 meeye waan sugaynay ba

  5. Cabdulaahi Reply

    December 4, 2017 at 9:58 pm

    Caawa maxaa dhacay mise shekada ma jirto anteno

  6. cadde Reply

    December 4, 2017 at 10:32 pm

    sheeeekadii aaway na

  7. Mohamed Hassan Reply

    December 4, 2017 at 11:37 pm

    sxb anteeno cawa halkee hora?¡

  8. Axmed Reply

    December 5, 2017 at 7:05 am

    ASC walal sida aan ka dhandhansaday aqriska sheekadan was sheekooyin taxana ah oo sheekaba mid kale kuu dhiibayso.markii aan aad ugu fiirsadayna waxa at ka hadlayaa sixirka.lakiinse waxa lafa qaadan karaa waayo arag faro badan.biyo meel godan ayay iskugu yimaadaane sidaa joogta ah noogu soon gudbiya idinka oo mahadsan(shaqalaha filimside).waxa aan sugnaaba was Halka ay Ku dhamaanto inshaa Allaah.

  9. ahmed Reply

    December 5, 2017 at 9:49 am

    wllo caawa mxa helay qybtii 13naad
    cilad farsamo miyaa jirta waanu idin sugayna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *