Home » Kun Habeen iyo Habeen » KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 14-aad: Caawo iyo Sheekada oo meel xun gaartay

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 14-aad: Caawo iyo Sheekada oo meel xun gaartay

QEYBTII 14aad:

Waxay sheekadii noo mareysay markii willkii xamaaliga ahaa uu la raaxeystay gabdhihii sadaxda ahaa,   kadibna habeenkii lagaaray oo iyagoo meeshii ku baashaalayo albaabka lasoo garaacay.

Markaas ayaa midoo kacday oo kadibna soo noqotay waxayna gabdhihii kale ku tiri ” waxaa irida taagan sadax nin oo cajam sacluug  ah (sacluug waa eray carabI ah wuxuuna micnihiisu yahay in qofka faqiirnimo dhaafay qofkaasoo aanan laheyn maal ehel iyo meel uu uhoydaba) oona madaxyo xiiran isha bidixna la’san (ilbuun) waana dad qariib ah oo wadanka ku cusub waxayna ka yimaadeen dhulkii roomaanka, midkasta oo iyaga kamid ahna muuqaalkiisa hadaad aragto waad ku qosleysaa,   waxayna rabaan caawo inaan marti soorno ee ma marti soornaa?”

Markaas ayay labadii kale dhaheen soo daa hasoo galaaneee una sheeg shuruuda ineysan na weydiinin waxaan quseyn hadii kale ay maqli doonaan waxaysan jecleysan.

Sidii ayaana nimankii faqiiriinta ahaa kusoo galeen,

Markey soo galeen ayay waxay arkeen xamaaligii oo meesha fadhiya sidoo kalana sarqaansan markii hore waxay moodeen masuulka meesha lkn gadal ayay ka ogaadeen waxayna dhaheen ileen waa faqiir anagoo kale ah.

Markaas ayuu xamaaligii inta madaxa kor usoo qaaday nimankii ku yiri warjecli la,aan fariista mise waad ilowdeen shuruudaha aad halkaan ku joogtaan  haka hadlin waxaanan ku quseynin  waxaad maqli doontaa waxaadan raali ka aheyn,   markaas ayay gabdhihii qosleen.

Kadibna cabaar ayaa la joogay oo lawada sheekeystayayaa xamaaligii ninmankii faqiiriintii ku yiri hadaad heesaha wax ka taqaanaan caawo wax noogu dhufta.

Markaas ayay bilaabeen iney heesaan halka gabdhihiina ciyaarayeen.

Habeenkaas waxaa sidii caadada aheyd magaalada wareegayay amiirkii mu’miniinta HAARUUN AL-RASHIID iyo waziirkiisii Jacfar iyo Masruur oo gacanyare u ahaa.

Waxaana Haaruun Al-Rashiid caado u aheyd inuu dad shacab ah inta iska soo dhigo magaalooyinka ku wareego is uu ula socdo waxa magalada ka socdo iyo dhaqdhaqaaqeedaba.

Kadibna waxay soo agmareen gurigii ay gabdhihii daganaayeen waxayna maqleen shanqartii heesta iyo ciyaarta ee guriga kasoo baxaysay.

markaas ayuu amiirkii mu’miniinta ubaaqay Jacfar si ay gurigaan caawo ugalaan una ogaadaan waxa ka socdo.

Waxyar kadib albaabkii ayay soo garaaceen iyagoo iska dhigayay iney yihiin niman tujaar ah oo gabalka meesha ugu dhacay.

Markaas ayaa albaabkii laga furay kadibna waa lasoo galiyay iyadoo sharad looga dhigay ineysan ka hadlin waxaanan quseynin hadii kale ay maqli doonaan waxaysan raali ka aheyn.

Sidii ayayna gurigii ku galeen.

Kadibna gabdhihii ayaa u adeegeen waxayna siiyeen waxay ubaahan yihiin, markuu haaruun al-rashiid arkay muuqaalkii nimankii faqiiriinta ahaa iyo quruxda uu gabdhaha alle siiyay ayuu la yaabay, kadibna waxaa loo keenay koob khamri ah balse wuu ka cudur daartay oo ma uusan cabin, markaas ayay gabadhii yareyd usoo hagaajisay cabitaan si khaas ah ay usmaeysay maadama uusan khamriga cabin wuuna uga mahad celiyay.

Cabaar markii la joogay ayay gabadhii weyneyd ee 1aad istaagtay waxayna xamaaligii ku tiri kaalay i caawi, markaas ayuu dhahay maxaan kuu qabtaa markaas ayay qol meesha ku yaalay oo maanta dhan xirnaa furtay, markaas ayuu xamaaligii arkay labo eey oo aad uwaaweyn oo qolka kujireen doofaarna aad umaleyso sidey uweyn yihiin owgeeed markaas ayay ku tiri ii qabo,   kadibna wuu uqabtay una soo qaaday asigoona keenay hoolkii guriga.

Markaas ayay gabadhii 2aad istaagtay oo eygii madaxa ka qabatay halka tii sadaxaadna inta ul soo qaadatay aygii garaacday waliba si daran ayay ugaraacday iyadoo eeygiina uu qeylinaayo markaas ayay hadana inta qabatay laabta galisay ilintiina ka tirtay madaxiina ka dhunkatay kadibna xamaaligii ku tiri orod oo eygaan qaad meeshiisii ku celi oo tan kalana iikeen.

Markaas ayuu imaamkii haaruun al-rashiid arintaas aad uga xumaaday  wuxuuna ubaaqay jacfar aan ka qabano oo aan weydiino waxay sidaan kawadaan?

Markaas ayu Jacfar dhahay amiiral mu,mininow yaanan iloowin in ay shuruud nagu xireen marka aan sugno xoogaa.

Kadib ayay gabadhii 3aad istaagtay inta sariirtii qurxaneyd ku fariisatay ayay labadii kale ku tiri waxaad heysaan soo daaya, tii koowaad sariirtii ayay la fuushay oo madaxiina qabatay halka tii labaadna tixdaan gabay utirisay:

Usoo celiya madaxeyga hurdadii laga qaaday,

una sheega caqligeyga halkuu aaday,

waxaan ogaaday markaan raali kunoqday jaceylka gurigiisa,

in hurdo uu seexdo madaxeyga laga saaray,

waxay dhaheen waxan kaa ballan qaadnay inaad reer rashaad noqotid, ee maxaa ku xad gudbiyay?

waxaan dhahay dhiigeyga la daadiyay marmarsiiyo malahan.

waxaan idin leeyahay si kas ayaa loo daadiyay,

qofkuuse Alle siiyo biyaha nolosha,

inta noloshiisa ka dhiman wuxuu ku qaataa hoostiisa,

maxaadse ka aragtaa jaceylka waxaan kuu sheegay,

markii laga reebo cabasho murug iyo baroor,

waxaan sarqaamay waqti mase joogteynin,

hurdadiina wey iga janjeeratay janjeersi,

markaas ayay dharkii iska jeexday dhulkana ku dhacday iyadoo suux

markaas ayay dharkii iska jeexday dhulkana ku dhacday iyadoo suuxday,

Markaas ayuu khaliifkii arkay jirkeeda uu ka muuqdo garaac iyo raad ul markaas ayuu aad ula yaabay.

Kadibna waxaa kacday midii labaad oo biyo ku shubtay gabadhii suuxsaneyd  kadibna dhar ukeentay una galisay.

Kadibna gabadhii xigtay aya kacday oo iyadana sidii  tii hore tix gabay tirisay waxayna tiri.

Hadaan waxwalboo rabno ka dacwoono maxaad kaleedahay?

ama udhimano jaceyl maxaa noo wado ah?

ama nala soo diro is aanwaxwalba usoo ogaano,

maxay dacwadaas jaceyl ka tari?

ama aan sabarnoo inkastoo joogis jirin.

kadib markaan weynay dadkaan jecleyn inyar mooyee,

waxaan murug iyo walbahaar ka aheyna ma ahane,

iyo ilin ku hoobata dhabanadeena,

dadkaan ka maqanoow araga isheyda,

kana maqan dareenka qalbigeyga,

agteyda waqti iyo saacad midna kama socdee,

mise waxaad ilwdeen kala fogaanshaheena,

hadiise qiyaamo nala soo saaro waxaan rajeyni,

in xisaabteena aysan dheeraanin.

Markaas ayay iyadana sidii hore oo kale dharkii iska jeexday dhulkana ku dhacday mise iyadana waxa jirkeeda ka muuqdo raad ul sidii tii hore.  markaas ayaa inta biyo lagu shubay dhar loo galiyay

kadibna waxaa istaagtay midii sadaxaad waxayna tiri:

ilaa goormee ayuu xanuunkaan iyo jafaalintaan soconi,

xaqiiqdee qalbigeyga wuxuu ooyay kumase filnaanin,

maxaad maqnaanshiyahaaga si kas ah iigu dheereysay?

hadiisa dantaada tahay xaasidnimo waxba kama qabo,

hadduu u gar sheegaayo waayahaan caashaqeyga,

maba jiri doonto maalin la isku cadaalad falay,

waligeyna kuu sheegan maaayo dhaawaceygee

kii ka balan baxay ballantii iyo cahdigow,

xanuunkii ihaayay walbahaar kale iigu sii daray,

alla maxaad balan qaaday iigana baxday?

muslimiinow digniintiina ka qaata waa khaa,ine,

kun dhaar iyo kun been isdaba dhigee,

ma sharciga jaceylkaa ubaneeyay inuu iduleeeyo,

wuxuuse igu kalifay nolol dhan.

Markaas ayay iyadiina dharkii iska jeexday oo dhulkiina ku dhacday kadibna raadkii usha jirkeeda kasoo muuqdeen.

Intey waxaas oodhan dhacayaan khaliifkii haaruun alrashiid iyo dhamaan ninmankii kale wey daawanayaan mana weydiin karaan sidey wax ujiraan iwm.

Markaas ayaa faqiiriintii dhaheen maxaa nasoo galiyay gurigaan walaahi qaab aan hada u seexano manaqaano waxaana indhaha lagama laaban karo.

Markaas ayuu khaliifkii ku yiri “oo idinka gurigaan ma daganidiin miyaaa?”

Markaas ayay dhaheen maya gurigaan caawo ayaa noogu horeeyo waxaana ugu nimid ninkaan xamaaliga ah”

Markaas ayuu xamaaligii yiri aniga xitaa caawo aya iigu horeyso.

Markaas ayay is dhaheen aan weydiino waxaan anga nahay 7nin iyagana waa sadax gabdhood oo kaliya hadii ay noo jawaabi waayaana qasab ayaan uga sheegsiineynaa.

Arinkaas ayayna isku raaceen si ay u ogaadaan waxa gurigaan ka socdo.

Markaas ayuu jacfar markale yiri “Aniga ra’yigaan ilama haboona gabdhahaana shuruud ayay nagu xireen weyna nasoo dhaweysteen marka inaan shuruuda uga baxno ma ahan waagana wax saacad kabadan kama harin ee aan ka joogno” markuu saas leeyahay wuxuu u baaqayaa khaliifkii muslimiinta wuxuuna hoos ugu sheegay “ha iska waalin subaxii waxyar ayaa ka dhiman dadkaana bari ayay hortaada wada imaan doonaa ee aan sugno”

Markaas ayuu khaliifkii diiday wuxuuna dhahay iima harin wax dulqaad ah daqiiqadna ma sugaayo oo waan weydiineynaa,

Markaas ayaa hadana la isyiri yaa weydiinaayo markaas ayay dhaheen xamaaliga ileen asigaa guriga ugu soo horeeyee iyagoo meshii ku shiraya ayaa waxaa uyimaadeen gabdhihii waxayna ku dhahee maxaad ka hadleysaan?

Markaas ayuu xamaaligii yiri “Allaan idinku dhaariyee waa maxay xaalka eeyahaan aad garaaceysaan kadibna dhunkaneysaan iyo  garaaca jirkiina ka muuqdo iyo waxa gurigaan ka socda?

Markaas ayay gabdhihii dhaheeh idinkana maxaad leedihiin xamaaliga waaba na weydiiyee?

Markaas bey dhaheen dhamaantooda markiii laga reebo jacfar waan la qabnaa ra,yiga ee noo sheega.

Markey gabdhihii hadalkoodii maqleen ayay waxay dhaheen” Wallahi waad na dhibteen shuruud ayaan idinki xirnay, ee ma waxaa idinkaga dartay marti soorka aan idiin sameynay iyo inaan gurigeena idin soo galinay cuntadeenana idin siinay, danbiga idinka ma ahan ee waa qofkii idin soo dhaweystay”

Markaas ayay inta xanaaqeen lugaha dhulka ku garaaceen sadax mar,

Mise waxaa furmay albaab dhulka hoostiisa ku yaalay  waxaana kasoo baxday 7nin oo adoomo ah aadna uxoog badan, waxayna wateen seefo af leh.

WEY SOCOTAA

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 9-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 10-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 11-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 12-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 13-aad Fadlan RIIX HALKAAN

4 Responses to KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 14-aad: Caawo iyo Sheekada oo meel xun gaartay

  1. kun habeen iyo haben Reply

    December 6, 2017 at 1:42 am

    walhi sheeko kamacan horay uman arkin lkn wad nagu yaresen mahadsanidin filimside

  2. Mataan Ciideed Reply

    December 6, 2017 at 9:11 am

    Cajiib sheekadu maalin walba way sii macaanaanaysaa lakin waxa la idhi bini’aadanku ma daayo ee aan eegno nimankaasa halkay ku danbeeyan

  3. bishar abdi Reply

    December 6, 2017 at 10:04 am

    sheko iga dheh lkn fadlan wax haka bodina xalay bayba ugu macaneyd tnx filimside

  4. mustaf Reply

    December 6, 2017 at 11:55 am

    sheekadani aad ayay umacaantahay lkn fadlan inoo badai mahadanid filimside

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *