Home » Kun Habeen iyo Habeen » KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 16-aad: Caawo iyo Sheekada oo meel xun gaartay

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 16-aad: Caawo iyo Sheekada oo meel xun gaartay

QEYBTII 16aad:

Waxay qeybtii hore ee sheekada inoo mareysay markii uu sheekadiisii bilaabay faqiirkii labaad.

SHEEKADII FAQIIRKII LABAAD:

wuxuu hadalkiisa ku bilaabay

anigana wlhi kuma aanan dhalanin ishaan buqsan ee waxaa isoo martay sheeko  qariib ah oo hadii irbad xitaa lagu qoro ay cibro unoqoneyso dadka cibro qaato,  waxayna tahay:

aniga waxaan kasooo jeedaa qoys boqortooyo waxaana akhriyay todobada ruwaayad ee uu quraanka ku yimid,   waxaan kaloo akhriyay kutubta diiniga anigoo la fariistay mashaa,ikh caan ah,  intaas waxaa iisii dheer culuumta kala ah,

cilmiga xidigaha,     gabayada,      ilaa ay khabarkeyga meel kasta iyo boqortooyo kasta uu ku faafay.

kadibna waxaa arinteyda maqlay boqorka hindiya,

markaas ayuu aabaheyga ergo usoo diray kuwaaso wadeen hadiyado qaali ah iyo fariin uu aniga igu codsanaayo inaan booqdo boqortooyadiisa asigoo marti qaad ii fidiyay.

markaas ayuu aabaheyga diyaariyay 6markab waanna baxnay anagoo bada kusii jirnay mudo bil ah,

ilaa aan barigii ka tagnay waana soo baxnay anagoo horay usoo raacnay 10rati geel ah oo maraakiibta horay noogu saarnaayeen si ay alaabta iyo anagaba horay noogu sii qaadaan.

markaan cabaar soconay ayaa waxaa na heleen koox burcad carab ah ah,

markaas ayaan ku dhahnay anaga waxaan nahay ergo boqorka india loo soo diray,

waxayse noogu jawaabeen boqorkaad sheegeysaan halkaan kama taliyo iyagoo naga furteen wixii xoolo aan wadanay intaas kuma ekaanine waxay go,aansadeen inay na laayaan.

markaas ayaan kala cararnay,

anigana anoo dhaawac ah ayaan soo baxsaday,

sidaan usoo cararayay anigoo naf ah gaajo iyo oona tacbaan la,ahay ayan markii dambe magaalo aanan aqoonin soo galay qofkii ugu horeeyay aan arkana wuxuu ahaa nin harqaanle ah (dhar tole)

markaas ayaan salaamay oona xaalkeyga uga waramay,

wuxuu igu yiri ‘ hadalkaan iyo qofkaad tahayba cidna ha usheegin waayo boqorka magaaladaan ka taliyo wuxuu kamid yahay cadowga ugu weyn ee uu aabahaaga leeyahay hadii uu ogaado qofkaad tahayna shaki la,aan wuu ku dilayaa”

markaas ayuu gurigiisa igeeyay oo waxaan xirto iyo waxaan cunaba isiiyay, waxaana la joogay mudo sadax maalin,

subaxii dambe ayuu ii yimid wuxuuna igu yiri” wax aqoon ama shaqo aad taqaanid kuna shaqeysan kartid majirto miyaa?”

markaas ayaan kudhahay waxaan ahay faqiih caalim ah isla markaasna arday ah.

markaas ayuu igu dhahay dadka magaaladaan ku nool waa wada caamo ah aqoon iyo wixii lamid ahna shaqo kuma lahan ee wax kale ma taqaanaa??

markaas ayaan kudhahay maya.

wuxuu igu yiri hadey saas tahay dhexda dhuuqso oo faaskaas qaado duurkana qoryo kasoo gur cidna hala sheekeysan hana usheegin qofkaad tahay ilaa aan kaaga heleyno halkaad ku wajahantahay.

markaas ayaan baxay oo xaabadii soo guray kadibna suuqa u iib geeyay waana wada gaday lacagtii ayaana soo qaatay qeybna waxbaan ku gatay qeybtii kalana meel ayaan dhigtay.

wixii aaan sidaas ahaadaba oo ku noolaado xaabadaas lacagteeda ayaa maalintii dambe duurka imaaday waxaana arkay geed weyn , markaas ayaan go,aansaday inaan maanta geedkaas googooyo.

waxaan soo qaatay faaskeygii waxaana ku garaacay geedkii markaan cabaar garaacayay ayaa markii dambe faaskii wuxuu ku dhacay wax sidii maartii usameysan oona geedka dhexdiisa ku yaalo geedkana wuxuu ahaa mid xoogaa weyn,

markaas ayaan sii fiiriyay mise waa albaab waan furay waxaana iisoo baxday jaranjaro geedka hoostiisa ku aadan jaranjartii ayaana hoos ugu dagay.

layaabka wuxuu ahaa in meesha uuba ka dhisanyahay guri weyn oo qasri ah ah waan galay markaas ayaan waxaan arkay gabar aad uqurux badan quruxdeeda darteedna adoo murug kasta ku heyso markaad aragto iyada waad ilooweysaa murugtii,   markaan arkay ayaan sujuud la dhacay anigoo umahad celinaayo allihii abuuray gabadhaan sidaan uqurux badan indhahana uroon.

markay i aragtay gabadhii ayay igu tiri adiga ma jini ayaad tahay mise insi??

waxaan ku dhahay waxaan ahay insi.

markaas ayay igu tiri yaa ku keenay meeshaaan  oo aan aniga kaliya daganahay mudo dheer wax insina aanan horay ugu arag?

markaan hadalkeeda maqlay ayaan xoogaa macaan dareemay waxaana kudhahay ” halkaan alle ayaa ikeenay waxaana laga yaabaa murugta iyo rafaaadka aan ku jiro in alle iga qaado” waxaana uga waramay qisadii isoo qabsatay.

markaas ayay aad iila murugootay waxayna ii sheegtay in iyadana xaalkeeda uusan fiicneyn,   waxayna idhahday:

aniga waxaan ahay gabar ina boqorad ah wuxuuna aabaheyga igu daray ina adeerkey balse intaana la iguri geynin waxaa isoo afduubtay cifriit la yiraahdo jarjariis binu rajuuz binu ibliis,

wuxuuna ikeenay halkaan aad ujeedo asigoo sidoo kalana iikeenay wax kasta oo aan ubaahanay 10kii habeena hal habeen ayuu ii yimaadaa asigoo isku soo ekeysiiyo muuqaal nin cajam ah.

wuxuuna iisheegay in hadii aan wax ubaahdo aan qubadaas yar ee halkaas taala taabto,

markastoo aan taabtana anigoon xitaa gacanta ka qaadin ayuu ii imaadaa,

hada asiga wuxuu iga sii maqanyahay 4maalin wuxuuna ii imaan doonaa 6maalin kadib ee kawaran hadii aad ila joogto mudo

Cabdiraxmaan Xasan Anteeno

wuxuuna iisheegay in hadii aan wax ubaahdo aan qubadaas yar ee halkaas taala taabto,

markastoo aan taabtana anigoon xitaa gacanta ka qaadin ayuu ii imaadaa,

hada asiga wuxuu iga sii maqanyahay 4maalin wuxuuna ii imaan doonaa 6maalin kadib ee kawaran hadii aad ila joogto mudo 5maalmood ah maalintuu imaan rabo maalinta ka horeysana aad iga tagto, wlhi qof insi ah oo aan la sheekeysto waan uxiisaye?

markaas ayaan ka ogolaaday.

kadibna wey iwaday waxayna iikeentay dhar qurux badan waxayna ii ishaartay inaaan soo qubeysto kadibna dharka aan soo xirto,

markaan sidii yeelay ayay ii keentay cunto iyo cabitaan macaan, halkii ayaana ku casheynay kadib ayayna igu dhahday  xoogaa yar naso oo seexo waad daalantahay,

Cabdiraxmaan Xasan Anteeno

markaas ayaan umahad celiyay oo aan seexday anigoo iskaba iloobay dhibkii iheystay,

mudo kadib waan soo kacay waxaana arkay iyadoo ikor fadhiso oo lugahana ii riiriixeyso markaas ayay igu tiri “waxaa mahad iska leh allihii halkaan ku keenay wlhi baan ku dhaartee nolosheydii ciil ayay isku badashay tan iyo markii halkaan maxbuuska la iiga dhigay, markaas ayayna tirisay tixdaan gabay:

hadaan ogaan lahaa imaatinkaaga,

waxaan firaashi lahaa sariirtaada,

iyo bartamaha qalbigeyga,

iyo madowga isheydaba,

waxaan firaashi lahaa guduudka dhabandeyda,

waxaana ukulmi laheyn si heer sare,

balse waa qadaroo ma ogaan kartid,

maxayse waayaha aduunka wax kusii qarsanyihiin.

markaan gabaygeeda maqlay ayaan gabadhii jeclaaday jaceyl dhab ah halkii ayaana kula sheekeystay waxaana la qaatay habeen aanan waligey ilaabi doonin.

markaas ayaan waxaan ku dhahay “soo bax oo nakeen aan halkaan kaa kaxeyee.

Wey socotaa…

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 9-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 10-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 11-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 12-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 13-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 14-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 15-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *