KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 17-aad: Caawo iyo Sheekada oo meel xun gaartay

QEYBTII 17aad:

waxay sheekada inoo mareysay qeybtii hore markuu faqiirkii labaad oo sheekada waday uu gabadha ku dhaho soo baxa oo nawad aan halkaan kaa kaxeeyee.

gabadhii markey hadalkayga maqashay ayay igu qososhay waxayna idhahday “iimaan yeelo cifriitkaan 10kii habeenba hal habeen ayuu ii yimaadaa inta kale adigaa lehe isdaji”

markaas ayaan kudhahay uma dulqaadan karo sidaan waana garaacaa qubadaas gambaleeelka ah markii uu imaadana kurka ayaan ka goynaa,

markey hadalkeyga maqashay ayay tirisay gabaygaan

midkaan kala taga ucararyoow sug,

xiiso wuu dhimanyahee sug,

sabar ileen zamanka wuu dhagar badanyahee,

kulanka dambana dib noogu dhig.

balse anigii ma aanan maqlin oo waxaan garaacay gambaleelkii

HABEENKII 14aad

markii aan gambaleelkii garaacay ayay gabadhii inta isku naxday igu tiri “maxaad sameysay soo kuma dhihin ha garaacin hada cifriitkii wuu soo socdaaye dhuumo intuusan ku dilin dhib culus ayaa noo keentee”

markaas ayaa dhulkii kala dilaacay inta isku naxay ayaan dhankii albaabka u cararay cabsi darteedna waxaan kasooo cararay faaskeygii iyo kab aan lahaa,

markaas ayuu cifriitkii yimid oo gabadhii ku yiri maxaa darnaa ood iigu wacday waxayna dhahday wax kale majiraan xoogaa caajis ayaan dareemay iyo oon daran waxaana rabay biyo qabow caajiskana iga qaado,

markaas ayuu jinigii arkay kabtii iyo faaskii ayuu gabadhii weydiiyay agabkaan waa mid insi ukhaas ahee maxaa halkaan keenay mise gadaasheyda ayaad si qarsoodi ah dad insi ula kulantaa,

markaas ayay gabadhii tiri maanta ka hor maba arkin waxaase laga yaabaa markaad soo galeysay oo dhulka kala jeexmayay inuu adiga kula socday,

balse jinigii midaas kuma qancin wuxuuna ku xoiray tiir meesha ku yaalay asigoona garaacay lkn iyada waxba ma aysan sheegin,

aniga anoo naxsan aadna ushaleynaayo ayaan waxaan imid gurigii waxana is cabaar markaan joogay ayaa waxaa iisoo galay harqaanlihii oo igu leh waxaa banaanka joogo nin cajam ah oo faaskaagii iyo kabtaadiiba wado,

markaas ayaan soo baxay mise waa cifriitkii oo ku dhaartay inuu keeni  doono qofkii lahaa faaskaas iyo kabtaas.

Markuu i arkay ayuu inta cifriit isku badal dhulka ila galay ilaa uu iigeeyo gabadhiii oo tiirkii ku xirneyd,

markaas ayuu gabadhii ku yiri  ninkaan ma taqaanid miyaa?

waxay tiri waligey maanta ka hor ma arkin.

markaas ayuu inta seef udhiibay yiri hadey saas tahay qabso seeftaan oo kurka ka gooy,

markaas ayay tiri qof insaan ah oo aanan wax dambi ah iga sameynin sidee qoorta uga gooynaa?

kadib ayuu aniga iisoo jeestay wuxuuna igu yiri ma taqaanaa gabadhaan?

waxaan ku iri maya.

markaas ayuu toogteydii seefta iidhiibay oo uu igu yiri hadii aadan aqoonin seeftaan qabso oo kurka ka gooy mana ku dili doono,

markaas ayaaan kudhahay “hadii iyadoo gabar ah ay garatay qiimaha insaanka leeyahay  maxaa iidiiday inaan garto anigoo nin rag ah?

markaas ayuu seeftii qaatay oo gabadhii gacanta midig ka gooyay, kadibna gacanta bidix, kadibna lugta midig, kadibna lugta bidix. wuxuuna igu yiri sidaas ayaan ku abaal mariyaa naagtii ikhiyaanto,  adiga soo ma ahan waxaannkugu sameyn doonaa wax dilka kaaga daran.

markaas ayuu igu sixray inaan nodo daanyeer kadibna dhul howd ah igu tuuray,

anigii waxaan howdkii ku jiraba anigoo ka xun wixii gabadhii ku dhacay dhibkaan soo maray iyo siduu xaalkeyga hada yahayba ayaan waxaan maalintii dambe kusoo dhacay meel xeeb ah.

mise waa markab safar ah markaas ayaan si qarsoodi ah markabkii kusoo fuulay,

mudo kadib waxa i arkeen nimankii markabka lahaa waxayna is weydiiyeen markaas ayaa midi yiri bada aan isaga tuurno xayawaankaan inttusan dhib noo keenin  markaan hadalkooda maqlay ayaan koodii aan islahaa wuu ugu sareeyaa hoosta ka galay kuna kor ooyay markuu i arkay ayuu ii beer jilcay wuxuuna ku yiri faraha halaga qaado daanyeerkaan aniguu imagan galaye.

wixii markaas ka dambeeyay ninkaas kama aanan ag fogaanin jirin waxkasta oo uu ubaahanyahayna waan ukeeni jiray aad ayuuna ii jeclaaday,

wixii aan soo soconayba oo safar aheyn ayaa markii dambe waxaaa kacday duufaan aad uxoog badan waxaana ujiheysanay dhankii xeebta si aan isku badbaadino.

markaan xeebtii tagnay ayaa waxaa noo yimid ciidan ka socdo boqorkii magaaladaas utalin jiray waxayna aheyd magaalo cilmiga aad looga jeclaa dadkeedana waxay ubadnaayeen dad culimo ah,

markaas ayay noo keeneen waraaqo iyagoo dhahay boqorka wuu idin soo salaamayaa wuxuuna idiin soo dhiibay waraaqahaan qofkastana fartiisa iyo wuxuu yaqaano haku soo qoro qofkii ugu far qurxoonaada  boqorka ayaa abaal marin doono.

markaas ayaan warqadihii la qeybinaayay dhinac ka galay lkn waa la iidiiday balse hal warqad ayaan dafay markaas ayay askartii damceen iney idilaan iyagoo mooday inaan warqada jeexjeexi rabo,

markaas ayuu ninkii markabkeena masuulka ka ahaa ku yiri iska sii daayaa oo ha dilina aan fiirinee wuxuu warqada ku sameeyo wlhi baanan arkin daanyeer ka fahan badane.

markaas ayaan warqadii soo qaatay waxaana ku qoray tixdaan gabay,

waayaha ayaa qoray fadliga ay leeyihiin dadka fiican,

adigana abaalkaada hada lama gudi karo,

alle kaama qaado fadliga aqoonta,

ileen cilmiga wuxuu leeyahay fadli weyne.

markaas ayay waraaqihii aruuriyeen waxayna ugeeyeen boqorokoodii kadib markuu fiifiiriyay ayuu warqadeydii aad ugu dheeraaday fiirinteed kadibna wuxuu ku yiri “ninka warqadaan qoray haloo tago oo dharkaan haloosoo labiso faraskaana halagu soo qaado hana la ii keeno”

markaas ayay akartii is fiifiiriyeen kadibna qosleen,

balse waxaa xanaaqay boqorkii oo ku yiri ma waxaan idin amrayaa hadal oo aad igu qosleysaan?

markaasey dhaheen boqoroow adiga kuguma qosleyno ee waxaan ku qosleynaa daanyeerkii warqadaan soo qoray.

Cabdiraxmaan Xasan Anteeno

markaas ayuu boqorkii yaabay wuxuuba dhahay orda oo qaada dharka una taga oo daanyeerkaan iiga soo iibiya dharkaan iyo faraskana halagu soo galbiyo,

kadibna waxaa la iigeeyay boqorkii markaas ayu idhahay fariiso markaasan horay ka fariistay iyadoo dadkii oo dhan ila yaabanyihiin sidaan ufahmayo darteed waxaana ugu darnaa boqorka.

markaas ayaa waxaa la gaaray waqtigii qadada qeyb ayaa la iga galiyay waana qadeeyay,

kadibna boqorkii ayaa waxaa loo keenay ciyaarta shadranjiga (iskaako ama chess midkaad utaqaanaba)

markaas ayuu isoo fiiriyay wuxuuna igu yiri ma ciyaari kartaa markaasaan madaxa ugu ishaaray haaa.

markaas ayaan isla ciyaarnay labo ciyaarood waana ka badiayay labadiiba.

markaas ayuu boqorkii aad uyaabay wuxuuna yiri “wlhi daanyeerkaan waa mid cajiib ah midaana ma ahan mid dhici karto in daayeer ka maskax badiyo insaan”

Cabdiraxmaan Xasan Anteeno

kadibna wuxuu uwacay khaadimkiisii wuxuuna ku yiri iigu wac sayidadaadii naagtii hebla aheyd,        waxayna aheyd naag sixirka waxbadan ka taqaano iyadoo ka baratay 77baab oo sixirka ka mid ah kan ugu yarna ay buuraha magaalada ku rujin karto,

markii la keenay ayay ku tiri boqorkii waxaan aaad ujeedo ma ahan daanyeer ee waa wiil caalim ah ah oo ina boqor iimaar ah  waxaana sixray jarjariis cifriit la yiraahdo”

markaas ayuu boqorkii ku yiri saaxiradii “ilaahaan kugu dhaarsheee waxaan kaa codsanayaa inaad ninkaan sixirkaan ka furto”

markaas ayay tiri hadii aan dhaho waan ka furaa sixirkaan waxaan halis galinayaa boqortooyada oo dhan  wiilkaana waxaa sixray waa  cifriit uu ibliis owoowo uyahay si aan uga furo sixirkaana waa inaan cifriitkaas awooda badan dilaa.

markaas ayuu boqorkii yiri wax walbo ha nagu qaadatee xitaa hadaan boqortooyadaan ku weynaayo ee wiilkaan noo daawee oo sixirka ka fur”.

Wey socotaa….

 

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 9-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 10-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 11-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 12-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 13-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 14-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 15-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 16-aad Fadlan RIIX HALKAAN

2 Comments

Comments are closed.