Home » Kun Habeen iyo Habeen » KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 18-aad: Caawo iyo Sheekada oo meel xun gaartay

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 18-aad: Caawo iyo Sheekada oo meel xun gaartay

QEYBTII 18aad:

Sheekada qeybtii hore waxay noo mareysay markay dhahday naagtii saaxirada aheyd in hadii la rabo inaan sixirka ka furo ninkaan ay qasab noqoneyso inaan dilo cifriitka waxaana laga yaabaa in boqortooyada halis gasho dad badanan ku baaba,aan.

markaas ayuu boqorkii dhahay wixii dhacaa haka dhacaane ninkaan sixirka ka fur.

HABEENKII 15aad:

markaas ayay naagtii saaxirada aheyd soo qaaddatay buug ay ku qorantahaya luuqada cibraaniga iyo weel biyo kujiraaan,

markaas ayay wax akhrisay kadibna iyadoona goobo weyn sameysay, markaas ayuu qasrigii oo dhan mugdi noqday anagoo umaleynay in aduunkii oodhan daba gadoomay,

mise waaba cifriitkii  oo kusoo baxay muuqaal kii ugu fool xumaa asigoona holac ka kacaayo,

markaas ayay saaxiradii ku dhahday ” soo dhaweyn iyo salaan midna ma lihid”

markaas ayuu cifriitkii inta isku yeelay muuqaal libaax yiri “khaa,inad yahay  sidee dhaartii uga bixi kartaa?   soo kuma heshiinin inaanan midkeen kan kale hor istaagin?

markaas ayay kudhahday ma adoo ina ibliis ah ayaad aniga dhaar igala hadleysaa?

markaas ayuu cifriitkii yiri hadaba dhibkii aad uyeeratay waa kane qabso.

markaas ayuu inta afka kala taagay naagtii ku booday,  markaas ayay dagdag inta tin kamid ah timaheeda uqabsatay ayay gilgishay,   markaas ayay tintii seef inta isku badashay cifriitkii labo ukala gooysay,      markaas ayuu madaxii cifriitkii isla markiiba isku badalay dib qalooc (hangarale) saaxiradiina abeeso weyn, iyadoo halkii dagaal culus ku dhexmaray.

marba labadooda midkii laga adkaan rabo wuxuu isku yeelayay muuqaal kale ilaa uu markii dambe cifriitkii isku badalay dhimbil dab ah oo uu damcay inuu gubo qasrigii oo dhan neef kasta oo afkiisa kasoo baxdana waxay aheyd holac taasoo galaafatay dad badan oo uu boqorkeenii kamid ahaa anigana qeybo kamid ah jirkeyga ayaa gubtay ishana dhaawac culus ayaa markaas iga soo gaaray anoo wali daanyeer ah.

markaas ayaan wada yaqiinsanay inaan halaagsanay oona dhimanay, balse naagtii saaxirad aheyd ayaa dagdagtay oona barkad meesha ku taalay biyana ka buuxaan inta waxa ku akhrisa jinigiina qabatay barkidii ku tuurtay kadibna ka dabo gashay.

wuxuu dagaalkii socdoba saaxiradii ayaa biyihii kasoo baxday iyadoo gacanta ku heysa madaxii cifriitkii oo isku badalay  burbur.

markaas ayaan takbiirsanay oona faraxnay lkn nasiib xumo saaxiradiina iyadoo dhaawac daran qabto ayay soo baxday markaas ayay wax igu akhrisay oo aan qaabkeygii hore markii laga reebo isha dhaawaca iga soo gaaray caadi kusoo noqday.

mudo yyar kadibna saaxiradii dhaawacii ayay udhimtay markaas ayaa dadkii magaaladii joogay tacsi weyn dhigeyn iyagoo ubaroor diiqayo dhimashadii ku timid boqorkoodii oo ay aaad ujeclayeen.

subaxii dambe aya waxaa ii yimid maamulkii ugu sareeyay boqortooyada waxayna igu dhaheen “nin yahow anaga mudo dheer ayaan halkaan daganahay wax musiibo ahna ma aana  arki jirin ilaa aad adiga nooga imaaday oo musiibadaan nagu dhacday,    marka ma rabno in musiibo kale nagu sii dhacdo ee isaga tag magaaladaan”

sidii ayaana magaalada uga soo baxay anoo aad umurugeysan kana xun wixii gabadhii ku dhacay iyo sida naxariis darada aheyd ee loo dilay iyo boqorkii dhibkii aniga darteey usoo gaaray.

markaas ayaan madaxa iska soo xiiray halkiina kasoo safray ilaa aan ka imid magaalada baqdaad waxaana halkaan kula kulmay labadaan nin oo meeshii ayaana iska soo raacnay  ilaa aan gurigaan ka imaanay.

markaas ayuu khaliifkii HAARUUN AL-RASHIID ku yiri waziirkiisii jacfar ahaa wlhi sheekadaan mid lamid ah waligey ma aanan maqlin.

markaas ayay gabdhihii faqiirkii labaad kudhaheen waad fasaxantahay ee orod oo iska bax,

markaas ayuu dhahay maya wlhi baanan baxeyn ilaa aan ka maqlo sheekada labadaan nin.

kadibna waxaa soo kacay faqiirkii sadaxaad oo sheekadii bilaabay.

SHEEKADII FAQIIRKII SADAXAAD.

Wuxuu sheekadiisa ku bilaabay.

aniga waxaan ahaa boqor waxaana ka talin  jiray xeeb udhow jaziirado badana ku yaalaan,   waxaana aad ujeclaa safarka.

maalintii dambe ayaaan safar 10markab ka kooban diyaariyay markaan mudo jidka kusii jirnay ayaa waxaa na qabsatay duufaan aad uculus,

markaas ayaan meel xeeb ah dagnay inta duufaanta ka dageyso anagoo joognay mudo labo maalmood,

markey duufaantii dagtay ayaan soo baxnay mudo markaan jidka kusoo jirnay ayaa waxaa dhacday waxaan dareenay inaan jihadii ka dhunay,

markaas ayuu kabtankii markabka waday ku yiri ninkii naaduurka ahaa (naaduur waa qofka markabka dushiisa saaran ee fiiriya waxa markabka ka horeeyo kabtankana la socodsiiyo si uusan markabka shil ugalin  ama buur iwm ugu dhicin) maxaad aragtaa ??

markaas ayuu naaduurkii yiri wlhi waa wax iga yaabiyay ayaan arkaa waana wax madow oo wareegsanaya markastana noo soo dhawaanaya.

markaas ayuu kabtankii yiri inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun waan halaagsanay,

markaas ayaan ku dhahay maxaa dhacay oo sidaas uleedahay?

wuxuu igu yiri boqorkeygoow waxa madow ee naga horeeya waa buur weyn oo birlab ka sameysan waxaana ku maqlay sheekooyin badan.

Wey Socotaa….

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 9-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 10-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 11-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 12-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 13-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 14-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 15-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 16-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 17-aad Fadlan RIIX HALKAAN

18 Responses to KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 18-aad: Caawo iyo Sheekada oo meel xun gaartay

  1. Hanad

    December 9, 2017 at 9:04 pm

    Wad naga soo daahiseen caawa sheekada, wadna soo yareysan ee fadlan sheekada hala soo yara badiyo waa sheekoyin badan xiiso lahee, MAHADSANIDIIN.

  2. yarka yuhuuda neceb

    December 9, 2017 at 10:26 pm

    Please soo badiya sheekada mise kun habeen bay soconaysaa hhh

  3. saciid daacad

    December 9, 2017 at 10:56 pm

    walaalayaal waad mahadsantihiin lkn waaa iga codsi sheekada soo badiya idinkuu mahadsan

  4. Kamil

    December 10, 2017 at 10:02 pm

    Qaybta 17 aad ma furmayso macnaha marka la riixo sheekada ma guda gali karaysid markaas arintaa dib haloogu yara noqdo

  5. yaqay

    December 10, 2017 at 10:28 pm

    pl shekada xilli hore ha la zo qoro
    mhdznid

  6. Samiir Khadar

    December 10, 2017 at 11:37 pm

    Qaybti19 aaaway

  7. Mohamed Hassan

    December 11, 2017 at 6:05 am

    ilaa hada ma hey no?

  8. susu

    December 11, 2017 at 6:04 pm

    Sheekada book kasoo dhig kadibna suuqa keen waalagaa iibsanaa Adina was ka faaiideysaaye

  9. Mohamed Hassan

    December 11, 2017 at 7:13 pm

    caawa soo qadima illaa xaley waa sugeyne
    Eesh qiyasak
    hadii kale wax noosheega plz

  10. Sakiya

    December 11, 2017 at 8:40 pm

    Shekadii maxaa ku dhacay cawa ku laba habeyn maheyno waan la socona waan nibaryena noo soo daya

  11. Jibril Hersi

    December 12, 2017 at 10:36 am

    Sheekada maxaa ku dhacay oo intaan hakad ay ugu jirtaa, adinkoon wax cudurdaar ah aan sheegin.

  12. Ayan

    December 12, 2017 at 10:47 am

    Wad ku mahadsantihin sida amaanta iyo sharafta badan aadna nooga haqab tirteen sheekadan aadka umacaan waxan sugnaabo wa qaybta 19aad noo soo database plz

  13. sheyma

    December 12, 2017 at 5:49 pm

    Asc wll bahda filimside qaasatan abdirahaman anteno wllkey sheekadi aaway waa nagu bargoysay inta noo bilowdee plz no so jwb

  14. Mohamed Hassan

    December 12, 2017 at 8:46 pm

    Akhristayaasha sxb 19 20 waa la akhriyey
    marka caawa 21 ayaa la sugaya

  15. Abdisamed yusuf

    December 13, 2017 at 7:59 am

    aad ayey Sheekadan umacaantahay runti Waad Ku mahadsantihiin Filim Side.nt

  16. Anwar Cade

    December 13, 2017 at 8:38 am

    Hello

  17. Anwar Cade

    December 13, 2017 at 8:53 am

    Qisadii Aaway hee

  18. Mohamed Hassan

    December 13, 2017 at 9:07 pm

    sxb sheekadii aawey maxaa hakiyey anteeney
    .