Home » Kun Habeen iyo Habeen » KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 3-aad: SHEEKADII DAMEERKA IYO DIBIGA IYO NINKII BEERALEYDA AHAA.

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 3-aad: SHEEKADII DAMEERKA IYO DIBIGA IYO NINKII BEERALEYDA AHAA.

Wasiirkii wuxuu gabadhiisa ku yiri ogoow gabadheydiiyeey inuu jiray nin beeraleey xoolo dhaqato ahaan jiray  wuxuuna lahaa xaas iyo caruur, ninkaas ALLE CW  wuxuu ugu deeqay aqoonta Luuqadaha Xayawaanaadka  iyo Shimbiraha,  laakiin hadduu ka xog-waramo uu dhimanaayo.

Ninkaas beeraleyda wuxuu lahaa Dameer iyo Dibi,  dameerka shaqadiisa waxay aheyd in ninka raaco ee meeshuu doono ku aado ,  halka Dibigana shaqadiisan aheyd in subaxii ilaa galabtii beerta lagu falo.

Maalintii dambe Dibigii ayaa u yimid Dameerkii asigoo iska fadhiyo oo Cowskana iska cunaayo biyahana ag yaalaan wuxuuna ku yiri ” wey kuu dhacatay adiga,  aniga waan daalay oo tacbaan ayaan ahay sidii beer la iigu falaayay laakiin adiga halkaan ayaad cowska iska ruugeysaa shaqo badana ma qabatid”

Markaas ayuu dameerkii yiri “Talo anigaa kuu haayo Barri markii laguu yimaado oo xariga iyo tiirka yaanbada beerta lagu falaayo lagugu xiro iska fariiso, hana istaagin,  xitaa haddey ku garaacaan hadii aad kacdana markale fariiso,    markey kaa dareemaan tabar-dari waxay kuu keenayaan bal iyo cows si aad xoog uyeelato ee ha cunin,  cuntada iyo cabistana jooji ilaa labo maalin,   siddas ayaad shaqada badan kaga nasan kartaa”

Ninkii beeraleyda ahaa sheekadooda ayuu maqlay wuuna la yaabay.

subaxii ku xigay markii la gaaray ayuu Dibigii diiday inuu kaco si kasta oo la isugu dayay waa kici waayay,

markaas ayuu ninkii Beeraleyda ahaa yiri dameerka hala wado oo beerta halagu falo, markaas ayaa dameerkii lawaday oo maalintii dhan beerta lagu falaayay, Galabkii markii uu dameerkii moorada kusoo laabtay waxaa umahad celiyay dibigii abaalka uu usameeyay iyo talada uu siiyay, laakiin Dameerkii uma uusan jawaabin asigoo si xun uga shalaayay in taladaas asiga siiyay dibiga.

Maalintii labaad ninkii Beeraleyda ahaaa wuxuu u yimid dameerkii asigoo Dibiga faraha ka qaaday mar labaad ayaana beertii lagu soo falay, galabtii asigoo tacbaan ah markuu kusoo laabtay xeradii waxaa markale umahad ceilyay dibigii, laakiin dameerkii ayaan markaan ku yiri Dibigii “aniga waan kuu naseexeyn,  waayo waxaan Maanta maqlay ninka Beeraleyda uu shaqaalihiisa ku leh hadii Barri Dibiga kici waayo  waxaad ugeysaan kawaanlaha si uu uqalo  wax faa,iido laguma qabee marba haduusan beeerta fali karin”

Markuu dibigii hadalkaas maqlay ayuu hadana dameerkii umahad celiyay wuxuuna dhahay Barri waa howl bilabi doonaa,

ninkii beeraleyda ahaa sheekadaasna wuu maqlayaa, subaxii markii lagaaray Dibigii wuxuu bilaabay inuu wax badan cuno asigoo shaqo isku diyaarinayo,  subaxii markii lagaaray  ninkii beeraleyda ahaa uu arkay fag fagta dibiga ka muuqato iyo siduu shaqo diyaar ugu yahay ayuu qosol la dhacay, naagtiisii oo meesha ka dhaweyd ayaa waxay tiri maxaad ku qosleysaa.

markaas ayuu wuxuu yiri hadaan kuu sheego waan dhimanaa, waxay tiri iisheeg xitaa hadaad dhimaneyso.

Markey ku adkeysatay ayuu ninkii dadkii isugu wacay si uu udar-daarmo, dadkii ayaa isku dayay in ay naagta lahadlaan oo celiyaan laakiin waa ka diiday waxayna tiri waan ogahay aniiguu igu qoslayaa ee ha sheego wuxuu ku qoslayo xitaa hadii uu dhimanaayo.

Ninka beeraleyda ah naagtiisa aad ayuu ujeclaa wuxuu go,aansaday inuu usheego,  wuxuuna aaday gurigiisa si uu labo rakaco suno ah utukado, asigoo guriga ku dhex jiro ayuu wuxuu maqlay eeygi guriga ujoogayi oo diiqa lahadlaya wuxuuna ku yiri ” diiqow adiga halkaan ayaad konton dooro iska dhex fadhisaa saaxiibkeenaa wuu dhiman rabaa”

Markaas ayuu diiqii yiri “Wallaahi Saaxiibkeen haddii uu caqli leeyahay Naagta  wuu iska edbin lahaa,   aniga kontonkaas dooro ayaa ii joogto midaan hadey iga xanaaqdo inta edbiyo ayaan kuwa kale dhexda ka galaa  waxaase fiicnaan laheyd in saaxiibkeena naagtiisa edbiyo ilaa ay ka toobad keeneyso”

ninkii beeraleyda ahaana hadalkii ayuu maqlayaa, kadib ayuu soo baxay wuxuuna u yeeray naagtiisa wuxuuna ku yiri qolka soo gal gooni ayaan kuugu sheegaaye, markey qolkii soo gashay ayuu si daran u garaacay ilaa ay ka qeyliso waan towbad keenaa.

halkaas ayayna naagtii hadalkeedii uga noqotay dadkiina ku farxeen maadaama ay nolosha ninkii bad baaday.

markaas ayuu waziirkii gabadhiisa ku yiri adigana sidii dameerkaas oo kale iney kugu dhacdo ayaan ka baqaa intaad isleedahay dad kale bad-baadi naftaada halis galiso.

Markii shaharzaad maqashay sheekadaas ayay waxay tiri wixii dhacaayo ha dhaceen boqorkaan iiguuri anigaa diyaar u ah.

sidii ayaa gabadhii boqorka loogu guuriyay,

waxayna gabadhii shaharzaad aheyd lasii dar-daarantay walaasheed ka yar ee Dunyaazaad iyadoo ku tiri “markii boqorka la iigeeyo waxaan ka codsanaa Habeenkaas markii uu dantiisa iga bogto inaad habeenkaas wehel ii noqoto, hadii uu ogolaado  waxaad igu dhahdaa  abaayooy maad nooga sheekeysid   sheeko cajiib ah oo kamid ah sheekooyinkaadi halaasiga ahaa maadaama aad bari naga tageysid (lagu dilaayo)  aniga insha aAllah sheeko aan boqorka kaga taqaluso ayaan bilaabaa”

kadibna gabadhii sidii ayaa lagu galbiyay, markii boqorkii loo geeyay,  ayay gabadhii Shaharzaad aheyd ooysay  markaas ayaa boqor shahri-yaar yiri maxaad u ooyneysa?

waxay tiri “waxaa jirto gabar walaasheyda ah oo iga yar  waxaana raba inaan sagootiyo ee  ii ogolow”

markaas ayuu u ogolaaday, kadib markii Dunyaazaad imaaday ayay hab siisay  iyadoo sagootineysp,

markaas ayay Dunyaazaad tiri “abaayooy maad nooga sheekeysid  sheekooyinkaagii halaasiga aha mid kamid ah”

Markaas ayay Shaharzaad tiri  waan ka sheekeynayaa hadii boqorka noo ogolaado, markuu boqor shahri-yaar hadalkaas maqlay ayuu yiri bal sheeg aan maqalnee sheekooyinkaas mid kamid ah’

HABEENKII KOOWAAD

SHEEKADII TAAJIRKII IYO CIFRIITKII,

WAA SOCOTAA……

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

5 Responses to KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 3-aad: SHEEKADII DAMEERKA IYO DIBIGA IYO NINKII BEERALEYDA AHAA.

  1. nabadoon

    November 24, 2017 at 8:12 pm

    caawa waad nagu yarayseen

  2. Joome

    November 24, 2017 at 10:45 pm

    Alfa layl wa layl waa sheeko aad iyo aad udheer oo aad uquruxbadan sida ay isugu dhacsantahay shaqaalaha webkaan waxaan talo kusiinlahaa hadaysheekadaan wada hayaan dadka inay ugu gudbiyaan audio ama cod Marka waa igatalo waan hubaa in aad helayso dhagayste farabadan oo kuraaxaysto mahadsanidin

  3. Hargeisawi

    November 24, 2017 at 11:23 pm

    Uuum sheekey u qalantaa waaba malab.hanaga caajisin sxb ilaa habenka kunkoobaad hhh

  4. A/rizaak zuldaan

    November 24, 2017 at 11:32 pm

    war waa nagu kalabadheene hhhhhhh
    walee meel ficanbay iimaraysay…
    Well done filimside.
    special c.anteeno..

  5. poh

    November 25, 2017 at 6:59 am

    thnks waan ka bogtay shekadaaan noosol wada