Home » Kun Habeen iyo Habeen » KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 4-aad: SHEEKADII NINKII TAAJIRKA AHAA IYO CIFRIITKII

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 4-aad: SHEEKADII NINKII TAAJIRKA AHAA IYO CIFRIITKII

HABEENKII 1-aad:

Shaharzaad waxay sheekadii ku bilaawday:

waxaa isoo gaaray Boqoroow inuu jiray nin taajir ahaa oo xoolo badan iyo caruurba lahaa wuxuuna ahaa nin aamin ah sidaas darteed bay dadka xoolahooda ugu dhiiban jireen, maalintii dambe ayuu ninkii safar galay wuxuu socdaba markii dambe wuxuu harsaday geed si uu ugu nasto, cabaar markuu geedkii fadhiyay ayuu kolay uu watay kala soo baxay xoogaa timir ah asigoo bilaabay inuu cuno,  wuxuuna timirta lafteeda ku tuurayay meel udhow,  waxyar kadib waxaa agtiisa ka kacay boor aad uweyn haduu sii fiiriyay waaba Cifriit aad uweyn oo gacanta ku sita Seef qaro weyn aadna u af badan.

Cifriitkii siduu usoo socday wuxuu kor yimaaday ninkii taajirka ahaa wuxuuna ku yiri “wan ku dilayaa sidaad wiilkeyga u dishay”

markaas ayuu ninkii taajirka ahaa yiri “sideen wiilkaaga ku dilay maba arkine?”

Cifriitkii wuxuu yiri “Adiga markaad timirta cuneysay laftii aad tuureysay waxay wadnaha uga dhacday wiilkeyga oo isla goobtii ku dhintay, sidaas darteed qisaas ahaan ayaan kuu dilayaa”

Markaas ayuu taajirkii yiri “Aniga kama war qabin inuu wiilkaaga meesha joogay ee iska keey cafi”

Hase yeeshee jinigii waa diiday wuxuuna ku adkeystay inuu wiilkiisa uga qisaasi doono.

Markaas ayuu ninkii taajirka ahaa yiri “Cifriityhow aniga waxaan gacanta ku haayaa xoolo badan oo ay dad leeyihiin kuwaas oo amaano ahaan iigu dhiibtay waxaan leeyahay xaas iyo carruur ee ifasax si aan qofkata xaqiisa usoo siiyo, waxaana kuu ballan qaadayaa markaan qof kasta xaqiisa soo siiyo inaan kuusoo noqon doono si aad wiilkaaga iigu qisaasto hadalkeygana Allaah ayaa wakiil iiga ah”

Markaas ayuu jinigii ka ogolaaday. sidii ayuu ninkii kusoo baxay wuxuuna yimid magaaladii uu daganaa asigoo isugu wacay dhamaan dadkii iyo ehelkiisa si uu qofkasta xaqiisa usiiyo, markuu dhamaan dadkii xaqooda siiyay ayuu u sheegay sideey wax ujiraan iyo xaalka halkuu maraayo .

Markaas ayay dhaammaan qoyskiisii iyo ehelkiisii wada ooyeen iyagoo sagootiyay adna uga xun sideey wax u dhaceen, ninka maadaama uu balan qaaday si uu balantiisa u oofiyo markuu qofkasta xaqiisa siiyay ayuu soo baxay,   asigoo soo aaday halkii uu jinga kula balansanaa.

Wuxuu soo socdaba asigoo karfantiisa wato markuu imaaday geedkii hoostiisa ayuu iska fariistay wuuna iska ooyay, xooga kadib asigoo ooynaya waxa meeshii soo maray oday wata deero, wuu salaamay ninkii wuuna wareystay wuxuna ku yiri “Maxaa kaligaa halkaan oo ah baholo galeen jinyada ku noolyihiin ku fariisiyay oo aad ugu ooyneysaa??”

Ninkii taajirka ahaa ayaa uga sheekeeyay sideey wax udhaceen , markaas ayuu odaygii go’aansaday inuusan ka tagin ilaa uu ka ogaado sheekadaan halka ay ku dhamaan doonto, iyagoo meeshii sidii ufadhiya ayaa waxaa yimid oo wadadii soo maray nin labo eey wato is wareysi kadib ayay usheegeen sidey wax ujiraan markaas ayuu asna go’aansaday inuusan meesha ka tagin oo qisada dhamaadkeeda ogaado,

Iyagoo sidii meeshiisii usii fadhiya ayaa hadana waxaa jidkii soo maray nin baqal wato is wareysi kadib markey u xog waramee ayuu isna go’aansaday in sheekada dhamaadkeeda ogaado.

Afartoodii oo meesha sidii ufadhiya ayaa waxaa uyimid Cifriitkii oo seeftiisii qarada weyneyd wata, wuxuu soo qabsaday ninkii taajirka ahaa si uu wiilkiisa ugu qisaaso.

Markaas ayaa waxaa hadllay odaygii deerada watay wuxuuna yiri “Jiniyahow Taajkii boqoradoow hadii aan kaaga sheekeeyo sheekada na dhexmartay aniga iyo deeradaan oo aad ka hesho ninkaan dhiigiisa sadax meelood meel ma ii hibeyneysaa??”

markaas ayuu cifriitkii yiri “hadii ay icajabiso haa waan kuu hibeynayaa” markaas ayuu odaygii sheekada ku bilaabay sidaan:

Deeradaan aad ujeedo waa xaaskeyga ahna ina adeertey, iyadoo yar ayaan guursaday,  mudo markaan isqabnay oo waxna ii dhali weysay ayaan waxan sameystay jaariyad waxayna ii dhashay wiil aad uqurux badan wajigiisana u ifaayo sidii dayax 15-aad ah.

Waxba yaanan war kugu daalinine maalintii dambe ayaan safar aaday, markaan baxay ayay naagteyda oo sixirka wax ka taqaanay sixirtay wiilkeygii iyo hooyadiisba iyadoo ka dhigtay lo’ iyo dibi.

Kadibna waxay u dhiibtay ninkii xoolaha ii qaabilsanaa, markaan mudo kadib safarkii kasoo laabtay oo aan reerkii imid ayay naagtii iisheegtay in jaariyadii dhimatay wiilkeygiina la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay, aniga arintaas aad ayaan uga murugooday.

Maalintii dambe ayaa waxaa dhacday in lagaaray ciidii udxiyada, ana si aan udxiyo u qalo ninkii xoolaha iiqabilsanaa ayaan waxaan ku iri lo’ aad u buuran iisoo qabo, markaas ayuu iisoo qabtay lo’dii jaariyada aheyd,  markii la ii keenay ayay rafatay oo ooysay anigoo yaaban ayaan qalay laakiin waxba wey kasoo bixi waayeen kaliya waxay noqotay lafo iyo maqaar.

Aniga arintaas aad ayaan ula yaabay  markaas ayaan ninkii xoolaha ii qaabilsanaa ku iri iikeen Dibi,  maadaama lo’dii hore hilib laga waayay, balse hadan wuxuu iikeenay wiilkeygii dibiga ahaa, markii la iikeenay ayuu asna ooyay oo raftay inta ka yaabay ayaan ku dhahay war iga wad Dibigaan ee mid kale iikeen.

Markaas ayaa mid kale la iikeenay oo qalay,  laakiin waxaad ogaataa inta waxaas dhan dhacayaan naagteyda wey na dawaneysaa.

Markii sheekada halkaas mareyso ayay Shaharzaad ogaatay in subaxii lagaaray markaas ayay sheekadii iyo hadalkii u banaanaa joojisay.

Markaas ayay walaasheeda ka yareyd ee Dunyazaad tiri “Maxaa ka macaan badan abaayo sheekadaad waxaan jeclaan lahaa inaaad noo dhameystirto”

Markaas ayay Shaharzaad tiri “Dadii boqorka ii ogolaado inaan noolaado sheekada waan dhameystiri doonaa habeen dambe sidoo kalena waxaan idiin sii sheegi doonaa sheekadaan mid kasii fiican”

markas ayuu boqor Shahri-yaar is yiri waa sheeko xiiso leh ee hadilin ilaa ay sheekada ka dhameyso.

Sidii ayuuna ku go’aansaday inuusan dilin ilaa ay sheekada ka dhameyso.

Subaxii markii la gaaray waxaa yimid  waziirkii gabadhii dhalay oo karfanteedi wada aadna u murugeysan, balse markuu ogaaday in gabadhiisii nooshahay wuu layaabay aadna wuu ufarxay.

HABEENKII 2aad

Wey socotaa……

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

2 Responses to KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 4-aad: SHEEKADII NINKII TAAJIRKA AHAA IYO CIFRIITKII

  1. abdi fitah

    November 26, 2017 at 6:42 am

    mashallah wa sheeko cajib ah in muda ahna wa jcla melan ka aqristo mahdasanidin filimside

  2. Jaabir yare

    November 26, 2017 at 8:34 am

    Runtii shekadan aadb u jeclahay waxan rajayna inaad no dhamaystiri doontaa