Home » Kun Habeen iyo Habeen » KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 6-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 6-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

Sheekadii waxay noo mareysay qeybtii hore,

Ninkii labada Eey watay asigoo hadalkiisii sii wato ayuu wuxuu dhahay kadibna waan safarnay aniga iyo labadii wiil ee ila dhashay waxaana horay usii qaadanay lacagtii sadaxda kun aheyd, labadaan wiil ee ila dhashay jiniyahow waxay ahaayeen kuwa aad xaasid u ah aadna wey iidhibi jireen laakiin aniga waan isaga dulqaadan jiray maadaama ay walaalaheyga yihiin.

Kadibna waan safarnay anagoo mudo bil ah safar kujirna ayaan markii dambe tagnay magaalo aad ucamiran  markaas ayaan badeecadii aan wadnay suuqa u iib geynay waxaana halkii diinaar ka faa’iidnay 10 diinaar, kadibna waxaan go,aansanay inaan safar kale galno,

Maalinkii aan safarka gali laheyn maalintii ka horeysay anigoo kaligeey xeebta maraya ayaan waxaan xeebta ku arkay gabar jaariyad ah oo aad uqurux badan, markaas ayay igu tiri inta iisoo dhawaatay “walaalow waxaan kaa codsanayaa inaad iguursato oo aad baladkaaga iiwado,   waxaan kuu hibeeyay nafteyda,   ee macruufkaan ii sameey  waxaa laga yaabaa inaan abaalkaan maalin uun kuu gudo,”

Markaan hadalkeeda maqlay aad ayan ula yaabay qalbigeygana wuu jilcay anigoo ka naxay in gabar kaligeed meshaan cidlada ah joogto iyo duruufta ay kujirto.

markaas ayaan waday waxaana usoo iibiyay dhar aad uqurux badan anigoo sidoo kalana markabkii safarka meel qurux badan uga habeeyay waana guursaday, kadibna safarkii ayaan galnay  laakiin gabadhii waxay aheyd gabar aad u furfuran dabeecad wanaagsan markaas ayaan aad usii jeclaaday oo qalbigeyga dhan iyadaa ka buuxsantay, heer waxaan gaaray aan habeen iyo maalinba iyada agfadhiyo,

Waxaana ka mashquulay walalaheyga markaas ayay  aad iiga maseereen iyagoo xaasidnimo iiqaaday waxayna iga xaasidayeen hantidan Alle ii barakeeyay iyo gabadhaan aadka uqurxda badan ee Alle isiiyay,

Markaas ayaa Sheydaan naclad haku dhacdee xumaato u qurxiyay iyagoo go’aansaday iney idilaan kadibna hantideyda oo dhana kaligood la wareegaan.

Markaas ayay habeenkii dambe ii imaadeen anigoo hurda  markaas ayay inta isoo qaadeen bada igu tuureen, laakiin markey xaaskeyga shanqartii kusoo kacday ayay aad u xanaaqday ayadoo isku badashay Cirfiid aad uweyn waxayna isku soo tuurtay Biyihii Badda iyadoo iga soo bixisay.

kadibna waxay igeysay Jaziirad cidlo ah cabaar ayayna iga maqneyd,    markaas ayay iisoo laabatay, markay ii imaaday ayan weydiiyay adiga yaad aheyd seeyna wax ujiraan??

markaas ayay igu tiri aniga waxaan ahay xaaskaaga  halkaana anigaa ku keenay oo Badda kaasoo saaray waxaana kugu tuuray walaalahaaga idin Alle ayaadna ku badbaaday, waxaadse ogaataa inaan aniga ahay gabar jin ah, markii ugu horeysay ee aan ku arkay ayaana ku jeclaaday waxaana kugu jeclaaday iimaankaaga iyo daacadnimadaada, waxaana ahay gabar mu’minada ah oo Allaah iyo Rasuulkiiisa SCW rumeysan, laakiin hada aad ayaan u xanaaqsanahay xanaaqeygana ma dagaayo anigoon ciqaabin oo dilin kuwii bada kugu tuuray.

Markaan hadalkeeda maqlay markii hore waan uga mahad celiyay iney nafteyda ii badbaadisay, laakiin waxaan ka codsaday ineysan walaalaheyga dilin waxaana usheegay inaan ka samri karin waxkasta oo ay igu sameeyaana ay walalaheyga yihiin.

laakiin way iga diiday waxayna igu tiri isla caawo ayaan iyaga iyo macal maraakiibtooda isku soo duminaa.

Markaas ayaan ku dhahay qofka mu’minka haddii la xumeeyo xumaan xumaan kale kuma gudo ee wanaaag ayuu ku badalaa,  qofkii xumaanta sameeyayna koleey naftiisa ayuu halaag uun usoo jiiday oo qof kale waxba kama qaadi karo,

Sidii aan udajinaayay ayay iga ogolaatay ineysan dilin, laakiinse waxay igu tiray laazim waan ciqaabi doonaa oo hadaanan dilin xitaa ciqab la’aan ma ahaan doonaan.

Markii aan magaaladii u noqday oo aan Tukaankeygii furay ayaan waxaan arkay labadaan Eey oo meesha joogto waana weydiiyay waxay igu tiri waa walaalahaaga tana waa ciqaabtooda oo walaasheyda ayaan sidaan ku sixirtay,waxayna saan ahaan doonaan mudo 10sano.

Cifriityahow waxaa dhacday in ay soo dhamaatay   mudadii 10ka sano aheyd,     anigoo usii socdo naagteydii walaasheeda ee walaalaheyga sixirtay si ay sixirka uga soo furto maadaama ay mudadii udhamaatay ayaan waxaaan arkay ninkaan meesha fadhiyo iyo odaygaan deerada wato,

Markaas ayay ii sheegeen sideey wax udhaceen anna halkaan ayaan fariistay si aan u ogaado dhamaadka sheekadaan ee jiniyahoow haddii ay ku cajab galisay sheekadii na dhexmartay aniga iyo labadaan Eey ee walaalaheyga ah Ninkaan dhiigiisa sadax meelood meel ii hibeey,

markaas ayuu jinigii lahadlay labadii Eey oo ku yiri ma runbaa ninkaan wuxuu sheegay??

markaas ayay madaxa uruxeen HAA.

Markaaas ayuu Jinigii yiri Wallaahi waa sheeko yaab leh aadna wey ii cajabisay ninkaan dhiigiisana sadax meelood meel ayaan kuu hibeeyay.

Markaas ayaa waxaa hadlay odaygii sadaxaad ee Baqasha watay wuxuuna yiri “Jiniyahow haddii aan anna kuu sheekeeyo sheekadii na dhexmartay aniga iyo Baqashaan oo ay ku cajab galiso ma ii hibeyneysaa inta ka dhiman ninkaan dhiigiisa??

Markaas ayuu jinigii yiri haa.

markaas ayuu Odaygii Baqasha watay yiri: Jiniyoow boqorkii Jiniyadoow  Baqashaan aad ujeedo waa naagteyda, aniga waxaan ahaa nin ganacsade ah oo safar badan,   waxaana lahaa Hanti badan, Maalintii dambe ayaan baxay oo safar aaday   waxaana maqnaa mudo sanad ah, kadibna waan soo laabtay markaan gurigeygii imaaday waxaan u imaaday naagteydii oo sariirta la saaran nin Adoon ii ahaa, Markay i aragtay ayay inta hadal aanan fahmin ku hadashay biyo meesha yaalayna way igu soo firdhisay waxayna igu tiri ” ka bax muuqaan oo Eey noqo, islamarkiiba waxaan isku badalay oo yeeshay,    muuqaal Eey.

Ka dib gurigii ayay iga soo ceyrisay( burisay)  Gurigeygii waan iska soo baxay aniga oo isku maleeyo in aan qarwaayo .

Sidii aan u soo socday waxaan u imid nin kawaanle ah markii uu i arkay ninkii  kawaan  ahaa wuxuu i siiyay xoogaa Hilib ah iyo lafo waxa uuna ii waday Gurigiisa.

markii aan Guriga galay ayaa waxaa i aragtay Gabar uu kawanlaha dhalay waxay ahayd gabar sixirka wax ka taqaano.

Waxayna dareentay in aan sixranahay iyada oo ku tiri aabaheeda” aabow waxaan i hor taagan ma ahan Eey waa nin maskiin ah oo ay naagtiisa sixirtay waxaana awoodaa in aan sidiisii caadiga ahayd ku soo celiyo oo aan sixirka ka furo”.

Markaas ayuu Kawanlihi ku yiri gabadhiisa ” Gabadhaydii waan kuu ducayn ninkaan ka fur sixirka”.

markaas ayay weel yar biyo ku shubtay oo wax ku aqrisay ka dibna igu firdhisay.

Waxaan ku soo noqday suuradii uu Alle igu abuuray aniga oo isla markiiba gabadhii ka codsaday in ay iga caawiso sida aan uga aarsan lahaa naagtaydii i sixirtay.

Waxa ayna isiisay weel biyo ay ku jiraan oo ay wax kuso aqriday iyada oo igu tiri” marka ugu horaysa oo aad naagtada aragto biyahaan ku firdhi waxaadna ku orataa inta aad niyaysato adiga oo wax magac dhawaya waxaas iyo waxaa isku badal.

Anigana waan soo baxay oo sidii ayaan sameeyay waxaana ku iri ” Baqal isku badal” sidaas  ayayna Baqal ku noqotay  waana midan ku soo fiirinaysa.

Markaas ayuu Cirfiitkii Baqashii fiiriyay waxa uuna ku yiri “ma sax baa waxa uu ninkaada sheegayo”.

markaas ayay madaxa ugu ishaartay HAA.

Markaas ayuu inta jinigii gil-gilay seeftiisii yiri waan kuu hibeeyay ninkaa dhiigiisa inta ka dhiman,

Markii sheeko halkaas mareyso ayay Shaharzaad dareentay in subaxii lagaaray wayna aamustay iyadoo joojisay hadalkii ubanaanaa.

Markaas ayay walaasheedii ka yareyd ee Dunyazaad tiri “maxaa ka macaan sheekadaada kana fiican”

markaas ayay Shaharzaad tiri “Tan waxba ma ahan hadii lala bar-bardhigo sheekada aan habeen dambe idiin sheegi doono waa hadii uu boqorka ii ogolaado inaan noolaado”

Markaas ayuu boqor Shahri-yaar yiri “wlhi baan ku dhaartee inaanan dili doonin ilaa ay sheekada ka dhameyso,   waayo waa sheeko aad ucajiib ah.

sidaas ayayna maalintaas  gabadhii dilka uga bad-baaday.

HABEENKII 3aad.

Markii habeenkii lagaaray ayay Dunyaazaad tiri “abaayooy noo dhameystiri sheekadii Xalay iyo sidey wax ku dhamaadeen”

Markaas ayay Shaharzaad tiri :Boqoroow taajirkii markii naftiisa bad-baaday ayuu wuxuu umahad celiyay odayaashii, iyadoo meeshiina lagu kala dareeray,   waxaase tan ka yaab badan sheekadii ninkii kaluumaysatada ahaa.

Markaas ayuu boqorkii yiri oo muxuu ahaa ninkaan kaluumeysatada???

SHEEKADII NINKII KALUUMEYSATADA AHAA.

Shaharzad waxay sheekada ku biloowday : Boqorkeygiiyoow waxaa jiray nin kalluumeysato ahaa aadna u da’ Weynaa , wuxuuna lahaa Xaas iyo Sadax Caruur ah,  qof ka faqiirsanaa Magaalka kuma nooleyn.

Ninkaan Kalluumeysata ah waxaa caado u aheyd  inuu Shabaqa Maalin kasta afar mar Badda ku tuuro,   kabadan waligiis kuma tuurin.

Maalintii dambe ayuu soo baxay wuxuuna imaaday Baddii  iyadoo xilli duhur tahay,   markaas ayuu Shabaqii Badda ku tuuray illaa Shabaqii Moolka Badda ka gaaro markaas ayuu isdhahay fiiri wax makuu soo qabtay markuu soo jiiday ayuu dareemay inuu culeys yahay markaas ayuu soo qabo isdhahay laakiin aad ayuu ucuslaa wuuna awoodi waayay inuu soo qabto maadaama oday waayeel iska ahaa sidaas darteed ayuu Huurigii uu saarnaa xeebta geeyay asigoona shabaqii jiiday.

Siduu usoo jiidayay markuu soo bixiyay ayuu wuxuu arkay in waxa culus ee Shabaqiisa qabtay Maanta dhanna ku rafaadayay jiididiisa inuu yahay dameer bakhtiyay,

Markuu odaygii arkay aad ayuu umurugooday asigoo yiri “{laa xowla walaa quwata illaa billaah,    helista Rizqiga waa mid cajiib ah”

Kadibna markale ayuu badii ku noqday oo uu shabaqii tuuray markii labaad asigoo yiri Bismillaah.

Cabaar markuu joogay ayuu hadana dareemay in shabaqii wax kusoo dhaceen wuuna soo qabtay laakiin waxay noqdeen Jawaan ay ka buuxaan dhoobo iyo Dhagxaan, Markii uu odaygii arkay ayuu markale aad u murugooday wuxuuna meeshii ka tiriyay Gabay uu micnihiisu yahay.

Hurkii waayahoow bas,

hadaadan bas iga dhihina iga cafi,

nasiib uma lahee sii,

mana sameyn karee bas,

waxaan usoo baxay Rizqigeyga,

waxaanse helay asoo meyd ah,

Alla muxuu jaahil badan muuqdaa,

Caalim badana qarsoonyahay.

Markaas ayuu mar sadaxaad badii ku laabtay oo uu shabaqii badda ku tuuray, marku daremay inuu culus yahay ayuu soo qabtay balse nasiib xumo wuxuu soo qabtay qashin iyo dhalooyin, Odaygii miskiinka ahaa aad ayuu usii murugooday mar afaraad ayuuna bada ku laabtay laakiin markaan gacmaha ayuu kor utaagay asigoo Alle baryay wuxuuna yiri ” Ilaahayoow  waad ogtahay inaana afar ,mar ka badan shabaqaan bada ku tuurin, sadax mar waan tuuray waxaana ii hartay halmar oo kaliya ee Ilaahow wax kheyr qaba iigu soo rid”

Wuxuuna yiri bismillaah asigoo shabaqii bada ku tuuray.

WEY SOCOTAA…….

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN