Home » Kun Habeen iyo Habeen » KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 9-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 9-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

QEYBTII 9aad.

Sheekadii waxay noo mareysay qeybtii hore markuu wasiirkii ku yiri Boqor Yoonaan ninkaan Xakiim rooyaan ah hadii uu maanta kugu daaweeyay shey aad qabatay maxaa diidayo inuu barina kugu dilo sheey aad urisay???

Markaas ayuu boqor yoonaan yiri wlhi waa runtaa waana arin macquul ah, waxaana laga yaabaa inuuba jaasuus yahay sidaad sheegtay.

Markaas ayuu boqor yoonaan ku yiri waziirkiisa oo hada maxaa talo ah oon ka yeelnaa ninkaan?

Markaas ayuu wasiirkii ugu jawaabay: isla waqtigaan la joogo qof udir una sheeg inuu kuu yimaado,   oo haduu yimaado kurka ka gooy shartiisana iska xir ileen biyo inteysan kusoo gaarin baa la iska moosaaye, markaas ayuu boqor yoonaan sidii sameeyay, wuxuuna udiray qaar askartiisa kamid ah weyna keeneen, asigoo faraxsan oo khabaar moog iska ah.

Markii lakeenay,  ayuu Boqor Yoonaan yiri ma ogtahay sababta halkaaan aan hada kuu keenay??

markaas ayuu xakiim Rooyaan yiri cilmul-qeybka  Alle unbaa og, markaas ayuu boqorkii yiri waxaan kuu keenay inaan ku dilo,   kuna daldalo.

Markaas ayuu xakiim Rooyaan yaabay aad ayuuna uyaabay markuu hadalkaas maqlay,   wuxuuna yiri ” maxaan galabsaday oo igu dileysaa??

Markaas ayuu boqor yoonaan yiri “waxaa isoo gaartay inaad jaasuus tahay,    halkaana aad utimid inaad idisho,     waana igu qasab inaan ku dilo intaadan idilin”,  markaas ayuu boqorkii amar ku siiiyay askartiisii iney qoorta ka gooyaan.

Markaas ayuu odaygii xakiimka ahaa ku yiri boqorkii “boqorow iska key daa alle ayaa ku deyn doonee wuuna baryay sidaan aniga kuu baryay cifriityahow (odaygii kalluumeysatada ahaa sheekada waday ayaa wuxuu lahadlayaa cifriitkii sanduuqa ku xirnaa)

Markaas ayuu boqor yoonaan yiri “aniga kuguma aamin qabo waayo waxaad shalay igu daaweysay wax aan qabtay waxaana macquul ah inaad barina igu disho waxaan carfiyay marka waa inaan kaa takhalusaa”

Markaas ayuu xakiim rooyaan yiri ” ma sidaan ayaad igu abaal marineysaa wanaagiina xumaan iigu badaleysaa?

Hase yeeshee boqorkii go,aankiisii ayuu ku adkeystay markaas ayuu xakiim rooyaan markuu yaqiinsaday in la dilaayo yiri waxaan kaa codsanayaa intaadan idilin ka hor inad ii ogolaato inaan gurigeyga ku laabto oo ehelkeyga soo macsalaameeyo una soo dardaarmo,  sidoo kalana aan soo hibeeyo kutubteyda cilmiga ka buuxaan waxaana ku jiro kutaab aad ufiican khaasna ii ah kaasoo aan adiga si khaas kuugu sii hadiyeyn doono maadaama uu kitaab muhiim ah yahay.

Markaas ayuu boqorkii yiri waa maxay kitaabkaan muhiimka ah?

Markaas ayuu xakiimkii yiri waxaa ku jiraan ood ka heleysaa waxyaabo aan halkaan kusoo koobi karin iyo siro aad ubadan,

Markii aad aniga madaxa iga goysana oo aad akhriso sadax baal oo kamid ah baalasha kitaabkaas  midkasta sadax sadar oo kamid ah,   madaxeyga wuu kula hadli doonaa asigoona kaaga jawaabi doono su,aal kasta oo aad weydiiso”

Markaas ayuu boqor yoonaan  aad uyaabay wuuna rumeysan waayay hadalka xakiim rooyaan asigoona ku yiri oo hadaan madaxa kaa gooyo miyuu awood usii yeelanaa inuu ila sii hadlo?

Markaas ayuu xakiimkii yiri haa waana arin cajiib ah soo ma ahan. kadib aya Xakiimkii loo waday si uu reerkiisa usoo sagootiyo, maalintii ku xigtay oo aheyd maalintii la dili lahaa xakiimka ayaa asigoo la wado lakeenay waxaana yimid boqor yoonaan oo ay la socdaan dhamaan madaxdii dowladiisa oo inta badan ka xumaayeen in ninkaas boqorka abaalka ugalay la dilo.

Kadib ayuu xakiimkii boqorkii soo hordhigay kitaabkii wuxuuna dalbaday baaquli ama saxan weyn waana loo keenay markaas ayuu boqorkii udhiibay kitaabkii wuxuuna ku yiri markii aad madaxa iga goyso kurid weelkaan su,aashaa doontana wuu kaaga jawaabayaa.

Markaas ayuu boqor yoonaan soo qabtay kitaabkii wuuna kala furay lkn warqadihiisii aad ayay isugu dhaganaayeen sidaas darteed ayuu gacantiiisa candhuuftiisa mariyay asigoo ku kala bixinaaya warqadihii isku dhaganaa, markuu sii maraayay ilaa lix baal oo uu waxna buugii ka arki waayay ayuu boqorkii dareemay inuu tabar dhigay istaagana ka dhacay sababta ma taqaanaa cifriityahow?    sababtu waxay tahay kitaabka uu xakiim rooyaan meesha keenay wuxuu ahaa kitaab sumeysan boqorkana markuu gacantiisa afka galinaayay oo uu candhuufta marinaayay ayay sunta jirkiisii gashay isla goobtii ayuuna ku dhintay.

Marka cifriityahow boqorkaas haduu xakiimka faraha ka qaadi lahaa wuu bad-baadi lahaa lkn wuu diiday inuu faraha ka qaado asiga ayaana dhintay wuxuuna Xakiim Rooyaan meeshaas ka tiriyay tixi gabay oo micnaheedu yahay.

way xukmiyeen wuuna la dheeraaday, iyagoon ogeyn ineyba yartahay waqtiga xukunkooda, hadey cadaalad fali lahaayeen waa loo cadaalad fali lahaa, lkn wey xad-gudbeen iyagana waa lagu xad-gudbay, waqtigana wuxuu udiyaariyay aafooyin badan iyo mixnad, waxayna noqdeen iyagoo carabkoodana ku heesa  tan anagaa isku keeney shalaayse wax ma tarto. waxayna ogaatay shaharzaad in subaxii lagaaray hadalkiina wey joojisay.

HABEENKII  6aad.

Habeenkii xigay shahrzaad waxay sheekadii ku bilowday boqoroow waxaad ogaataa markii odaygii kalluumeysatada ahaa Cifriitkii uga sheekeeyay sheekadii boqor yoonaan iyo xakiim rooyaan ayuu wuxuu odaygii kalluumeysatada yiri cirfiityahaow hadii aad iska key siii deyn laheyd waad bad-baadi laheyd lkn waxaad go,aansatay inaad idisho allana dhagartaada waa iga qabtay waxaadna noqotay sidii boqor yoonaan oo kale anigana hada meeshaan kaama bixinaayo waxaana kugu tuuri doonaa moolka bada ilaa aad ka dhimatana meeshaas ayaad ku jireysaa.

Markaas ayuu cifriitkii yiri ninyahow ixsaan ii fal oo xumaanteydii wanaag iigu badal hana sameynin siduu  umaama ku sameeyay caatikah..

Markaas ayuu odaygii kalluumeysatada ahaa yiri oo muxuu sameeyay??

markaas ayuu Cifriitkii yiri anigoo halkaan maxbuus ku ah kaagama sheekeyn karo ee iga fur oo iga bixi halkaan anigana waan kaaga sheekeyne waxaana igu ballan ah inaan waxba ku yeelin balse taas badalkeeda faa,iido kuu noqdo”

Laakiin odaygii uu ka diiday wuxuuna yiri hadaad markii hore idhaafi laheyd dhibkaan dhan ma imaadeen marka anigana aamin kuguma qabo.

Cifriitkii ayaa markaas ubalan qaaday inuusan waxba yeeli doonin asigoo ugu dhaartay inuu faraha ka qaadi doono.

Markii ballantaas qaaday ayuu odaygii go,aansaday inuu ka furo meeshuu ku xirnaa asigoo ballantaas isku haleynaya wuuna ka furay, laakiin markuu jinkii meeshii kasoo baxay ayuu inta sanduuqii qabtay bada moolkeeda ku tuuray.

Odaygii kalluumeysatada ahaa ayaa isku naxay wuxuuna isdhahay tan calaamad kheyr leh ma ahan in la dilaayana wuu yaqiinsaday markaas ayuu cifriitkii ku yiri ” cifriityahow allaah wuxuu yiri ballanta hala oofiyo anigana waxaad iga ballan qaaday inaadan waxba iyeeli doonin ee iska key sii daa”

Markaaas ayuu cifriitkii qoslay wuxuuna ku yiri kalluumeysatadii isoo raac wuuna waday siduu uwaday ayuu wuxuu geeyay meel magaaladii ka baxsan oo ay ku taalo barkad biyo ku jiraan wuxuuna jinigii odaygii ku dhahay shabaqaaga barkadaan ku tuur wuuna ku tuuray mise waxaaba kasoo baxday afar kalluun oo kala midab ah kalluunkastana midab gooni ah ayuu wataa noocooda oo kalana horay uma uusan arkin, odaygii kalluumeysatada ahaa aad ayuu ula yaabay arintaas markaas ayuu cifriitkii yiri ” maalinkasta halmar shabaqaaga ku tuur wixii kuusoo baxana qaado kadibna boqorka magaalada kalluunkaas ugey wuxuu kaa siisan doona qiimo aad ufiicane qofna ha usheegin wixii na dhexmareay iyo meeshaan aad kaluunka ka dabataba”

Kadibna cifriitkii lugtiisa ayuu dhulka ku garaacay weyna kala dilaacday asigoona dhex galay.

Ninkii odayga ahaa sidii ayuu yeelay oo kaluunkii ayuu qaaday wuxuuna ugeeyay boqorkii magaalada kadibna boqorkii aad ayuu ula yaabay kalluunkaan cajiibka ah ee aan noociisa horay loo arkin wuxuuna amray in odaygii lacag fiican la siiyo sidii ayaana lagu siiyay, kadib boqorkii wuxuu kalluunkii udhiibay waziirkii dhanka cuntada qasriga uqaabilsan asigana wuxuu usii dhiibay jaariyad boqortooyada ku cusbeyd oo markaas uu boqorka roomaanka usoo hadiyeeyay.

Markaas ayay jaariyadii kalluunkii qaaday oo jigadii geysay markii ay dabkii saartay ayaa waxaa daaqada jikada soo istaagtay gabar jini ah oo aad ulabisan waxayna dhahday ” kalluunyahow wali ma ballantii ayaad kujirtaa??” markaas ayuu kalluunkii inta madaxa soo qaaday yiri HAA.

gabadhii jaariyada markey aragtay arintaas ayay suuxday.

WEY SOCOTAA…….

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

8 Responses to KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 9-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

  1. Mohamed Hassan Reply

    November 30, 2017 at 8:59 pm

    caawa iyo xalada sheekada nice Mr A/Rahman
    anteno thanks bro

  2. Ayman Reply

    November 30, 2017 at 9:30 pm

    Caawa waad yareyseen ma ilaa habeen danbe ayan sugaa waaba yaab asxabta sheekada wey nugu socotaa waxad inoo samaysaan maalintii 2 jeer inoo soo dhiga hadad karaysaan thanks

    • ahmed Reply

      November 30, 2017 at 10:57 pm

      mya xqiiq qoraagu ma yarayn sheekada caawa meel xiisleh bay inooga goday

  3. ahmed Reply

    November 30, 2017 at 10:14 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkk ina aadan war jecela iyo inuu ogaado wx kastaba caawa ilaa bilowgii sheekada sheekastaba qofka waramay wxuu aha mid naftiisa bad baadinay sida shahrazada

    shukran c/raxmaan anteeno sxp inoo sii wada sheekada aada ayey u xiisa badan tahe

  4. nabadoon Reply

    November 30, 2017 at 10:21 pm

    fadlan sheekada qaanad gooniya inoogu sameeya ama folder sidaad u garanaysaan pls waa iga codsi

  5. Said Mohamud Abdi Reply

    November 30, 2017 at 11:40 pm

    Aadban oga helay Waa sheko xiso badan Cilmi & waayo aragnimo badana laga koror sanayo…

  6. Khalid Faisal Mohamed Reply

    December 1, 2017 at 12:48 am

    xikmad badan ayay leedahay sheekadu waana cajiib anigu aad ayaan uga bogay

  7. mahamed Reply

    December 1, 2017 at 7:09 pm

    Mahadsanid zxp kun iyo kow jeer
    qof abaal marin mudan ba tahy

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *