Sanadkii 1999 Atiriishada caanka ah Kajol waxay heshiis guur mudo hal sano ah la gashay atooraha Anil Kapoor mudadii markee dhamaatayna wey kala tageen maxayse ka faaiday uur ayee qaaday.

Waxaan ka hadleena Filimka caanka ah ee Hum Aapke Dil Mein Rehte Hain ee la daawaday 22 Janaayo 1999 waa mid kamid ah aflaamta Bollywoodka jaceylka loogu jecelyahay darajadiisana waa Super Hit.

Mashruucan Star Power-ka Kajol ku gadmay sido kalena iyada saameeynta Filimka la tagtay dadka Soomaalida dhankooda caan ayuu ka yahay waana laga jecel yahay waana fariin cajiib ah oo dhaqan ahaan aan fiicneen balse sida loo sameeyay ku cajabgalineyso.

Waa atoore doonaya inuu helo gabadhaha nolosha ku fahmi laheed oo uu jeclaan doono sidaa aawged waxuu rabaa inuu guursado gabar mudo hal sano ahna ay la noolato hadii halkaas sano isku fahmaan markaas si toos ah ayuu u qabaa hadiise is fahmi waayaan gurigooda ayuu usoo diraa heshiiskaas gabar ogolaato ayuu baadi goobaa.

Kajol oo duruuf heesato ayaa aqbaleyso heshiiskan dantana ku qasbeyso markee jala tagaan oo waqtigii balanta dhamaato waxaa dhacaayo jaceyl Anil iyo Kajol midba midka kale wey is jeclaanayaan hadana uur ayee qaade.

Waa Filim fariintiisa hab cajiib ah loo dhigay Kajol mar wareysi lagu weydiiyay in nolosha dhabta ah ogolaan laheed shuruudaas waxay tiri,”haa waan ogolaab lahaa.”

Sababta iyadoo sii raacisayna waxay tiri,”Bini’aadanka waxaa soo maraan xiliyo duruufyo adag wataan oo uusan ka maarmin xitaa baqtiga inuu cuno marka duruuf noocaas oo kale ah hadee isoo mari lahed nolosha dhabta ah waan ogolaan lahaa qof walba ayaana ogolaan lahaa balse nasiib wanaag ima soo marin hada kadibna waxaan rajeyn in aysan isoo marin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here