Home » . » Kusoo Dhawaada Taariikh Nolaleedka Laadirkii Gabdhaha Dhibka U keeni Jiray Mohnish Bahl (Sandaag)

Kusoo Dhawaada Taariikh Nolaleedka Laadirkii Gabdhaha Dhibka U keeni Jiray Mohnish Bahl (Sandaag)

Mohnish  bahl  wuxuu  kamid  yahay  jilaayashaa  samayn  karo  door  walbo  sidoo  kale  wijiyo  kala  duwan  ayaan filimaantiisa  ku  araknay  mar  inuu  daacad  noqdo  iyo  mar  inuu  noqdo  laadir aan naxin soomaalidana badanaa waxay u  taqaana  (Sandaag).

Mohnish Bahl  wuxuu  ka  mid  yahay  laadiriinta  90-kii  ugu  fiicna  sidoo  kale  wuxuu  caan  ku  ahaa  inuu mar walbo  dhibaateeyo  Gabdhaha  filimka  kula  jira  ama  kufsada.

Mohnish Bhal  wuxuu  dhashay  February 14, 1961  waan  56-jir  waa  jilaa  k a tirsan  shirkada  bollywood-ka  sidoo kale  wuxuu  sameyn  jiray  musal  salada  tv-ga  laga  daawado.

Mohnish  Waxaa  dhashay  aktarada  laga  danbeyn  jiray  ee  5-marna  ku  guuleysatay  filmfire Awards For Best Actress  Nutan  aabahiisa  waxaa  lagu  magacaaba  Rajnish Bahl  waxayna  ka  mid  yihiin  qoyska  Mukherjee Samarth  oo  ka  Tirsan  kajol,  Rani,  Tanishaa,   Iyo  Resham  waana  qoys  awood  ku  leh  Bollywood-ka.

Monish Bahl  waa  wiilka  kali ee  dhashay atariishada  Nutan waxayna  geeriyooday 1991

 

Mohnish iyo sida uu kusoo galay bollywood-ka

Maadaama  hooyadiisa  aheyd  atariisho  weyn  Mohnish  ayaa  kusoo  bilaabay  jiliinka  inuu  filimaanta  hogaamiye ka  noqdo  wuxuuna  hogaamiye  ka  noqday  filimaanta  Dancer,  Bekaraar,  Teri Bahon Mein,  Meri adalat,  Purana Mandir  iyo  Itihaas  waxaa  ka  guuleystay  kali  filimka  Purana Mandir.

Ka  dib  wuxuu  si  weyn  ugu  soo  caan  baxay  markuu  bilaabay  wijiga  qamarji  nimada  wuxuuna  laadir  ka noqday  Filimka  Main pyaar kiya  1989  ee  Salman khan  iyo  Bhagyashree  hogaamiyaha  ka  ahaayeen filimkaas ayaan  noqday  ATBB  wuxuuna  badbaadi  mustaqbalka  Mohnish  ka  dib  wuxuu  noqday  laadir  weyn  oo  aad  loo baadi  goobo.

Ka  dib  wuxuu  kasoo  muuqday  filimaan badan  oo  ka  mid  filimka  Deewana 1992  ee  SRK  kusoo  caan  baxay  Ka dib  wuxuu  mar  kale  kasoo  muuqday  filimaanta  Sooraj Barjatya  ee  Hum Apke Hain Koun…  Iyo  Hum Saath Saath hain: We Stand united.

Filimaanta Uu Kasoo Muuqday

Xidigaan  ayaa  noqday  jilaaa  aad  loo  baadi  goobo  maadaama  wijigiisa  qamarji nimada  aad  looga  helay wuxuuna  kasoo  muuqday  ku  dhawaad  90-filim  sidoo  kale  wuxuu  sameeyay  14 musal musal  oo  Tv-yada  laga daawado.

Abaal Marinada uu tartamay Iyo abaal Marinada uu ku guuleystay

1995: Nominated, Filmfare Best Supporting Actor Award for Hum Aapke Hain Koun..!

2000: Nominated, Filmfare Best Supporting Actor Award for Hum Saath-Saath Hain: We Stand United

2002: Won Best Actor Indian Television Academy for Sanjivani – A Medical Boon on Star Plus

2002: won Indian Telly Award for Best Actor in a Negative Role for Devi on Sony Entertainment Television

2003: won Best Actor Indian Television Academy for Sanjivani – A Medical Boon on Star Plus

2006: Best Actor Negative in Ek Ladki Anjani Si on Sony Entertainment Television

Mohnish bahl Iyo Nolashiisa Gaarka Ah

Mohnish  wuxuu  1992  guursaday  atariishada  Ekta sohini  oo  ka  soo  muuqatay  filimaanta  Saajan  Tahalka  iyo Vaastav  waxayna u  heysaa  2-gabbar  oo  lagu  magacaabo  Pranutan bhal  iyo  Krishaa bahl.

 

Dhamaad…

 

One Response to Kusoo Dhawaada Taariikh Nolaleedka Laadirkii Gabdhaha Dhibka U keeni Jiray Mohnish Bahl (Sandaag)

  1. muscab

    September 7, 2017 at 12:18 am

    Hhhh ninkan caadi maaha jir jir ayaa looga yaqaanaa dhulkayaga marka uu daacada ku jilayo ma aamino anigu wax uun baa uuu qasayaa ayaan is idhaahdaa kkkkk badanaa na waa uu qasaa sida uu daacad u yahay kjjkk ayuu xaga danbe wax ka waalaa (jir jir )