Atirishada caanka ah ee 90-maadkii Bollywood-ka awooda ku lahaan jirtay Raveena Tandon ayaa si rasmi ah duubista kowaad filimka weyn KGF Chapter II soo xaadirtay siweyn ayaa loogu soo dhaweeyay goobta duubista ka socoto waxayna Raveena ku leedahay filimkan shirkada Kannada laga leeyahay iska leedahay door adag oo aan ka liidanin hogaamiyaasha mashruucan.

Raveena Tandon ayaa la xaqiijiyay in doorka Ra’iisul Wasaarihii hore Hindiya Marwo Indira Gandhi shaashada ku matali doonto waxayna soo saxiixi doontaa warqada lagu soo xiraayo Rocky Bhai waa doorka uu Yash filimkan ku jilaayo madaama dhamaadka qaybtii kowaad KGF Chapter I kusoo idlaanayo in dowlada Hindiya ku dhawaaqeyso duulaan ku tahay dhulka dahabka laga qodo ee Rocky Bhai gacanta u galay.

Director Prashanth Neel ayaa Raveena kusoo dhaweeyay filimkan wuxuuna yiri “Waxaa timid haweeneydii warqada sharciga ama waarantiga lagu tooganayo Rocky Bhai” waxayna Raveena ku jileysaa door lagu magacaabo Ramika Sen oo ay ku matali doonto Ra’isul Wasaarihii Hindiya sanadii 1981 maamuleesay Indira Gandi waana door awood badan.

Filimka KGF Chapter 2 waxaa sidoo kale door xumaan ama laadar ku matalaayo Sanjay Dutt doorkiisana waxaa loogu yeeraa Adheera weliba si adag waxay u dagaalami doonaan Yash waxaana xusid mudan in mashruucan la qorsheenayo bisha April ama xagaaga nagu soo fool leh la daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here