Home » Nolosha Jilaayaasha » Kusoo Dhowaada Taariikh Nololeedka Super Star Ajith Kumar Oo Kooban Wax Ka Ogow Xidiga Reer Tamilka Ah (+Sawiro)

Kusoo Dhowaada Taariikh Nololeedka Super Star Ajith Kumar Oo Kooban Wax Ka Ogow Xidiga Reer Tamilka Ah (+Sawiro)

Super Star Ajith Kumar waa xidig caan ah maanta inta badana kasoo muuqda aflaamta Koofur Hindiya qaasatan kuwa Tamilka ah hadaba Ajith wuxuu dhashtay sanadka markuu ahaa 1971 bishii May 1 waxaana loo yaqana inta badan Ajith inkasto taagerayashiisa ay ugu yeeraan Thala.

sanadka markuu ahaa 1990 ayuu filimkiisa ugu horeyay kaga soo muuqday door yar kaaso ahaa filim Tamil ah En Veedu En Kanavar, bale filim uu hogaamiye ka noqdo wuxuu ahaa kii ugu horeyay ee ahaa Amaravathi.

   Bilawgii Noloshiisa Xidigaan:

wuxuu Ajith kudhashtay Hyderabad hooyadis waxay kasoo jeeday Kolkata wuxuu wax kusoo bartay xoidigaan iskuul kuyala Hyedarabad asigoo dugsi sare maraayo ayaa nasiib xumo laga soo raacdeyay xidigaan sanadkii 1986 duruufo jireen aawged.

Kumar waxaa la dhashteen 3 wiil iyo 2 gabdhood balse gabdhaha ayagoo yaryar ayee geeriyooden halka labada wiilna uu asiga udhaxeeyo, midna wuu ka weyn yahay midna wuu ka yaryahay.

xidigaan luuqada Tamilka kuma uusan hadli jirin markuu yaraa balse markuu xidig noqday ayuu kuhadalka luuqada bilaaway balse yaraantisa ma uusan kuhadli jirin aadbe ugu adkeed Tamilka inuu kuhadlo.

 Xiliguu Soo araar Qaaday iyo Aflaamta uukusoo Biiray:

wuxuu magac iyomaamuus kuhelay filimkii Aasai xidigaan wuxuu sameyay aflaam uu amaan badan kumuteestat oo ay kamid yihiin Veeram, Billa iyo Vedalam guud ahaan waxuu sameyay 18 filim halkaan kaga bogo aflaamtisa uu sameyay xidigaan:

Aasai (1995)                                                                                             Poovellam Un Vasam (2001)

Kadhal Kotta i(1996)                                                                              Villain (2002)

Kadhal Mannan (1998)                                                                          Varalaru (2006)

Vaali (1999)                                                                                               Billa (2007)

Amarkalam (1999)                                                                                   Mankatha (2011)

Mugavaree (2000)                                                                                   Arrambam (2013)

Kandukondain Kanodukondain (2000)                                            Veeram (2014)

Dheena (2001)                                                                                          Yennai Arindhaal (2015)

Citizen (2001)                                                                                           Vedalam (2015)

wuxuu ku guulestay tiro 3 jeer abaal marinta filimfire awards qeybteeda atooraha ugu fiican (Best Actor) sido kale waxaa xusid mudan tiro 6 jeer ookale ahna in uu utartamay abaal marintaan, waxaa kaloo jiraan abaal marino kale uu ku guuleystay balse shirkadaha yaryar bixiyaan.

 Kumar iyo Noloshiisa U Qaas Ka ah:

 

 

sanadkii 2000 bishii April ayuu Chennai ku guursaday  atariishadii Shalini waxay sanadii 2008 Chennai ugu dhalatay gabadhooda koowad taaso loobixiyay Anushka halka sanadkii 2015 uu udhashtay wiilkooda koowad kaaso loo bixiyay Aadvik.

Super Star Ajith Kumar inkastoo aflaamtisa yaryihiin hadana waa xidig weyn oo maqaam sare gaaray qaab jiliin cajiib ahna leh aflaam badan oo muuqaal marti ah uu kulahaa ayaa jiraan sida filimkii SRK hogaamiya ka ahaa ee Asoka kaaso uu kumatalay SRK walalkiis kayar.

Dhamaad…….