Kuwani waa 10kii macalin ee qarashkii ugu badnaa abid suuqa ku qarash gareeyay iyo tirade cayaartoyda ay lasoo saxiixdeen. Hadaba yaa hogaaminayo? qeybtii 2aad

0
412

Sanad kasta horyaalada yurub bilaha Juun July iyo Agoost waxaa la furaa suuqa kala iibsiga cayaartoyda waxayna kooxaha suuqa u galaan sidii macalimiinta ugu soo xero galin lahaayeen dalabaadkooda iyo laacibiinta suuqa ka doonayaan.

Sidoo kale bisha Janaayao iyadana bartamaha xili ciyaareedka ayaa suuqa la furaa, hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa 10kii macalin ee lacagaha ugu badan suuqa kala iibsiga cayaartoyda ku qarash gareeyay abid iyo midkasta inta uu suuqa ku bixiyay.

Qeybtii hore waxaan soo sheegnay macalimiinta kaalma 10/9/8/7/6 kala galeen kuwaasoo kala ah Unai Emery, Rafa Benitez, Claudio Ranieri, Roberto Mancini iyo Arsene Wenger sida ay u kala horeeyaan.

Halkaan kaga bogo qeybta labaad.

5-Maxi Allegri macalinkii hore kooxaha Ac Milan iyo Juventus ayaa kaalin 5aad soo galay kadib markii uu suuqa kala iibsiga ku bixiyay 1 Billion oo Euro wuxuuna lacagtaas kula soo wareegay 87 cayaartooy.

4-Manuel Pellegrini. macalinkii hore ee kooxaha Real Madrid, Manchester City haatana ah macalinka kooxda Westham ayaa kaalin 4aad soo galay asigoona suuqa ku bixiyay 1.1 Billions oo Euro wuxuuna lacagtaas kula soo wareegay 82 cayaartooy.

3-Pep Guardiola. Macalinkii hore ee kooxaha Barcelona iyo Bayern Munchen haatana ah macalinka kooxda Manchester City ayaa kaalinta 3aad ku fadhiyo asigoona suuqa galiyay 1.2 Billions wuxuuna lacagtaas kula soo wareegay 52 cayaartooy.

2-Carlo Ancelotti. Macalinkii hore ee kooxaha Juventus, ACMilan, PSG, Real Madrid, Bayern Munchen haatana hogaamiya kooxda Napoli ayaa kaalinta 2aad soo galay asigoona suuqa ku bixiyay 1.2 Billions wuxuuna lacagtaas kula soo wareegay 85 cayaartooy.

1-Jose Mourinho. Macalinkii hore ee kooxaha FC Ports, Chelsea, Inter Milan, Real Madrid iyo Manchester United haatana ah falanqeeye Sky Sports ayaa kaalinta 1aad fadhiyo asigoona suuqa ku qarash gareeyay lacag dhan 1.6 Billions oo Euro wuxuuna kula soo saxiixday 97 cayaaryahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here