Kuwani waa 10kii macalin ee qarashkii ugu badnaa abid suuqa ku qarash gareeyay iyo tirade cayaartoyda ay lasoo saxiixdeen. Hadaba yaa hogaaminayo?

0
289

Sanad kasta horyaalada yurub bilaha Juun July iyo Agoost waxaa la furaa suuqa kala iibsiga cayaartoyda waxayna kooxaha suuqa u galaan sidii macalimiinta ugu soo xero galin lahaayeen dalabaadkooda iyo laacibiinta suuqa ka doonayaan.

Sidoo kale bisha Janaayao iyadana bartamaha xili ciyaareedka ayaa suuqa la furaa, hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa 10kii macalin ee lacagaha ugu badan suuqa kala iibsiga cayaartoyda ku qarash gareeyay abid iyo midkasta inta uu suuqa ku bixiyay.

Liiska oo dhameystiran halkaan hoose kaga bogo;

10- unai Emery macalinkii hore kooxaha Saville iyo PSG haatana ah macalinka kooxda Arsenal ayaa kaalin 10aad soo galay kadib markii uu suuqa kala iibsiga ku bixiyay 705m oo Euro wuxuuna lacagtaas kula soo wareegay 63 cayaartooy.

9-Rafa Benites; macalinkii hore ee kooxaha Valencia, Liverpool Inter Milan, Chelsea iyo New Castle United ayaa kaalin 9aad soo galay asigoona suuqa ku bixiyay 753m oo Euro wuxuuna lacagtaas kula soo wareegay 92 cayaartooy.

8-Claudio Ranieri. Macalinkii hore ee kooxaha Chelsea Leicester City, Fulham iyo Roma ayaa kaalinta 8aad ku fadhiyo asigoona suuqa galiyay 801m wuxuuna lacagtaas kula soo wareegay 79 cayaartooy.

7-Roberto Mancini. Macalinkii hore ee kooxaha Inter Milan, manchseter City haatana hogaamiya qaranka Italy ayaa kaalinta 7aad soo galay asigoona suuqa ku bixiyay 801m wuxuuna lacagtaas kula soo wareegay 79 cayaartooy.

6-Arsene Wenger. Macalinkii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa kaalinta 6aad fadhiyo asigoona suuqa ku qarash gareeyay lacag dhan 964m oo Euro wuxuuna kula soo saxiixday 103 cayaaryahan.

La soco qeybta labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here