Kylie Jenner Oo Noqotay Gabadha Ugu Da’da Yar Ee Gashay Liiska Haweenka Ugu Taajirsan America!!

Kylie Jenner waa shaqi caan ka ah Tv-yada sido kalena xayeysiimo madadaalo ka jeedisa Tv-yada America kana soo jeeda halkaas waxayna bisha Aug jirsan doontaa gabadhaan 21 sano.

Gabadhaan caanka ah ah ayaa kamid noqotay 60-ka haween ee ugu taajirsan qaarada America waliba mida ugu da’da yar aye noqotay ayadoo ay sidaa ku dhawaaqday shabakda Forbes ee soo bandhigaan daqliga shaqsiyaadka caanka ah..

Kylie Jenner kaalinta todobaad aye kaga jirtaa 10-ka qof ee ugu shacbiyada balaaran barta Instagram-ka dunida oo dhan waxaana barteeda ku xiran dad sare udhaafayaan 110 Million oo qof ayadoo caan ka ah dunida oodhan meelo yar yar moyee hadana waligeed film ma aysan sameenin.

Kaliya waa shaqsi Tv-yada barnaamijo xiiso leh kasoo dayso sido kalena dadka kuxrianyihiin hadana Model ah waxaa la sheegay gabadhaan waxay leedahay shirkado ama kambaniyo soo saaraan Make-upka iyo waxyaabaha dumarka isku qurxiyaan mudo sedex sano kayar ayee ka heshay qarash dhan 900 Million USD.