La Kulan 10-ka atirisho ee Koonfur Hindiya ugu mashquula badan xiligan (+sawiro)

0
1127

Atirishooyinka Koonfur Hindiya kama liitaan atoorayaasha ay shaqo waadaga yihiin waxayna xiligaan ku jiraan waqtigoodii ugu dahabsanaa madaama ay gacanta ku heestaan mashaariic xiiso badan sidoo kalena shacbiyad balaaran ayay yeesheen, waxaana idiin heynaa 10-ka atirisho ee Koonfur Hindiya kasoo jeedaan kuwooda ugu mashquulka badan:

Nayanthara: Lady Superstar Nayanthara looma dhawaan karo awoodeeda banaanka ayay taalaa waxaaba kasii daran filimada waa weyn ay soo wado haatan waxaa tiyaatarada u saaran filimka hirgalay Love Action Drama ee Malayalam-ka ah kadibna waxaa u diyaarsan filimada waa weyn Sye Raa Narasimha Reddy, Bigil, Darbar.

Samantha Akkineni: xidigtan sanadkan Koonfurta ku qabsatay filimada Majili iyo Oh Baby waxay haatan ku mashquulsan tahay duubista filimka The 96 Remake.

Keerthi Suresh: atirishadan awooda badan waxaa u diyaarsan filimka Marakkar: Arabikadalinte Simham sidoo kalena Bollywood-ka ayay soo aaday ayadoo Ajay Devgn lasoo wado filimka nolosha Sayed Abulrahman macalinkii hore kubada cagta Hindiya leylin jiray looga hadlaayo 1952 ilaa 1962.

Rakul Preet Singh: xidigan waxaa u diyaarsan filimka Bollywood-ka ah Marjaavan oo 8 Nov 2019 la daawanayo waxayna la jileysaa Sidharh Malhotra iyo Riteish Deshmuk sidoo kalena Sivakarthikeyan ayay filim lasoo wadaa xidigan Tamil-ka ah.

Tamannaah Bhatia: xidiigtan caanka ah waqtigeedii ugu mashquulka badnaa ayay ku jirtaa waxaana u diyaarsan filimada waa weyn Action, Sye Raa Narasimha Reddy, That is Mahalakshmi, Kaathu Karuppu, Vinnaithaandi Varuvaayaa 2, Bole Chudiyan.

Amala Paul: xidigtan sameyso aflaanta fariinta adag xambaarsan haatan waxaa u diyaarsan filimka la wada sugaayo Aadu Jeevitham.

Trisha: atirishada door walbo sameyn karto waxaa u diyaarsan filimka xiisaha badan Paramapadham Vilayattu.

Aishwarya Rajessh: atirishadan lama buun buuniyo laakiin aflaanta doorar adag ayay ka qaadataa waxaana siweyn loogu amaanay filimkii sanadkan usoo baxay Kousalya Krishnamurthy waxaana haatan u diyaarsan filimada Dhruva Natchathiram, Idam Porul Yaeval.

Hansika Motwani: xidigtan aflaan kale duwan oo xiiso badan ayaa u diyaarsan waxaana ka mid ah Maha, Tenali Ramkrishna BA BL, Partner.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here