Fanka Koonfur Hindiya waa mid heerkii ugu sareeyay maraayo waxayna heestaan Superstars awoodooda Hindiya iyo daafaha caalamka ku baahday sidaa darteed waxaan idiin heynaa 10-ka atoore ee Koonfur Hindiya xiligan ugu mashquulka badan.

Vijay: Superstar-kan Tamil-ka ah wuxuu xayeysiin balaaran u sameenayaa filimkiiisa Bigil oo feestada Diwali 25-ka October 2019 la daawanayo kadibna filimkiisa xiga ayuu duubis ku bilaabi doonaa.

Mahesh Babu: Suldaanka reer Telugu wuxuu haatan ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa weyn Sarileru Neekevvaru oo la daawan doono 10 Jan 2020.

Vijay Devarakonda: xidigan soo caan baxay awoodiisa banaanka ayay taalaa dhawaan waxaa usoo baxay filimkii Dear Commrade haatana wuxuu duubis ku wadaa filimkiisa xiga Hero oo sanadka dambe la daawan doono.

Prabhas: Superstar-kan waxaaba tiyaatarada u saaran filimka Saaho oo ganacsi lixaad leh sameenayo iyo iskooro dheeraad ah ma nasanaayo haatan Gym-ka ayuu saaxiib la noqday asigoo miisaanka iska dhimaayo si filimkiisa xiga oo shactiro iyo jaceyl isku jiro ah ugu matalo door habacsan.

Suriya: xidigan laga dabadhacay ee reer Tamil ah waxaaba Jimcadan tiyaatarada loo saarayaa filimka weyn Kaappaan sidoo kalena wuxuu duubis ku wadaa filimkiisa kale Soorarai Pottru

Rajinikanth: Superstar-kan reer Tamil waa 69-jir haddana mashquulkiisa aan dhamaad laheyn wuxuu haatan duubis ku wadaa filimka weyn Darbar oo la daawan doono 10 Jan 2020.

Mohanlal: Superstar-ka reer Malayalam (Mollywood) mashquulkiisa waa xaad dhaaf waxaa haatan tiyaatarada u saaran filimka Ittymaani: Made in China, sidoo kalena waxaa u diyaarsan filimada Marakkar: Arabikadalinte Simham, Kaappaan, Big Brother.

Dhanush: xidiga reer Tamil ee shacbiyada balaaran leh waxaa u diyaarsan filimada xiisaha badan ee dhawaan la daawan doono Pattas, Enai Noki Paayum Thota.

Vijay Sethupathi: kani waa midka Tamil-ka ugu qaab jiliinka wanaagsan sidoo kalena kasoo muuqdo aflaanta shirkadaha kale sameeyaan haatana waxaa u diyaarsan filimada waa weyn sida Idam Porul Yaeval, Sye Raa Narasimha Reddy, Sanga Thamizhan, Thuglak, Kadaisi Vivasayi, Edaku 2018.

Sudeep: Superstar-ka reer Kannada (Sandalwood) haatan waxaa tiyaatarada u saaran filimka la wada amaanayo Pailwaan ganacsiga wanaagsana sameenayo kadibna waxaa u diyaarsan aflaanta waa weyn sida Sye Raa Narasimha Reddy, Dabangg 3, Risen, Kotigobba 3.

Yash: Rocking Star Yash wuxuu aad ugu mashquulsan yahay duubista filimkiisa Hindiya iyo daafaha caalamka laga wada sugaayo KGF Chapter 2 waxaana sidoo kale u saxiixan mashaariic kale oo waa weyn oo dhawaan shaaca laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here