Alizeh Agnihotri waxaa abti u ah Salman Khan madaama ay dhashay salman khan walaashiisa ka yar taaso lagu magacaabo Alvira agnihotri Alizeh hadda waxa ay jirtaa 18 sano

waxaana hadda wax ka barata dhirrubhai Ambani school oo ku yaala magaalada mumbai iyada waa mid caan ka ah baraha bulshada sida Shah Rukh Khan gabadhiisa Suhanna khan

iyadoo Alizeh Agnihotri ay jeceshahay inay waqti la qaadato aktarada caanka ah ayaa waxa ay mar walba raacdaa abtigeeda si ay ula kulanto aktarada laakiin Salman khan hadda ma doonaayo in gabadha uu abtiga uu yahay inay soo gasho aflaamta madaama weli aysan dhamayn waxbarashada

laakiin waxa uu sheegay in haddii ay jeceshahay inay mustaqbalka ay noqon doonto atariisho Alizeh aabaheeda micnaha salman khan seedigiisa mashruuciisa xiga ee soo saaraha ka yahay waa filimka bharat waxaana hogaamiye ka ah aktarka Salman khan waxaana la daawan doona eid sanadka dambe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here