Home » Bollywood News » LA OGAA: Kareena Kapoor kaarto cajiib ah ayey degtay si aysan Shahid Kapoor ugula kulmin xafladdii Filmfare Glamour & Style Awards!

LA OGAA: Kareena Kapoor kaarto cajiib ah ayey degtay si aysan Shahid Kapoor ugula kulmin xafladdii Filmfare Glamour & Style Awards!

Xiddigaha magaca sarre ku sameystay Bollywood ayaa isugu yimid xafladdii heerka sarre aheyd ee Filmfare Glamour & Style Awards 2017, halkaas waxaa ku kulmay wajiyo caan ah.

Xitaa shimbirihii hore ee jaceylka Kareena Kapoor iyo Shahid Kapoor ayaa ka mid ahaa dadkii goobta lagu casuumay. Laakiin hogaamiyeyaasha filimka Udta Punjab isma aysan arkin, waana kaarto ay degtay Kareena Kapoor, sida daaha laga qaaday.

Sida laga soo xigtay shabakadda Bollywood Bubble, midkoodna Kareena ama Shahid kuma uusan faraxsaneyn inay ku kulmaan roogga cas ama guud ahaanba xafladdaan. Si gaar ah Shahid Kapoor ayaa uga cawday in uusan ku faraxsaneyn ka agdhowaanshiyaha jaceylkiisii hore.

Sababtaas darteed, atariishada caanka ah Kareena Kapoor ayaa bedelatay kursiga ay ku fadhiso, waxaana ay fariisatay kursi aad uga fog kan uu xafladda ka fadhiyey Shahid Kapoor.

Sidaas darteed Kareena Kapoor ayaa ka fogaatay la kulanka Shahid Kapoor, inkastoo muddo 10 sanno ah ay kasoo wareegtay markii ay kala hareen Shahid iyo Kareena.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *