La Ogaa Sababta SRK, Katrina Iyo Anushka Sawiro Looga Qaban Waayey Inta Duubista Filmka Aanand L Rai Leeyahay Socoto!!

Waxaa duubis kusocoto filmka Aanand L Rai iska leeyahay ee Dwarf kaaso uu Shah Rukh Khan hogaamiyaha ka yahay.

Waxaa lashegay in SRK filmkaan uu ku matali doono laba door mid nin gaaban iyo mid muuqaalkiisa caadiga ah wuxuuna labada door jaceyl kula wadaagi doona shaashada atiriishoyinka kala ah Anushka Sharma iyo Katrina Kaif.

Hadaba waxaa in badan la isweydinaaayey sababta kadambeysa in SRK sawir looga qaban waayey xili uu la joogo Anushka ama Katrina inta ay socoto duubista filmkaan.

Micnaha ayagoo filmka duubaayan ama goobaha ay filmkan kuduubayan wali lama arag SRK oo sawir laga sooqabtay asoo la joogo Katrina ama Anushka waana arin weyn oo in badan la isweydiyay.

Balse ilo hoose aya shabakadaha caanka ah usheegen ayadoo lasheegay in Aanand L Rai iyo SRK arinkaan kawada hadleen waxayna goaan ku gaaren in wax sawir ah aanan laga qabanin SRK oo film duubis kujiro misane labadan atiriisho ak joogan.

Dabcan Rai iyo Khan waxay diidanyihiin muuqaalka SRK in lasoo bandhigo waana sababta ugu weyn ee loo badiyay arinkaan.

Filmkaan waxaa Director ka ah Aanand L Rai waxaana la daawan doona ciida masiixiga sanadka dambe halka SRK,Katrina iyo Anushka hogaaminayaaan filmkaan.

 

2 Comments

Comments are closed.