La tartan Filimside Sadaal ka bixi filimka Manmarziyaan maalinta 1-aad, 3-maalmood ee ugu horeyso, todobaadka 1-aad & cimri ahaantiisa ganacsiga uu sameyn karo

Manmarziyaan waa filim jaceyl sedex geesood ah oo subaxan tiyaatarada la saaray waxaana hogaamiyaal ka ah Abhishek Bachchan, Vicky Kaushal iyo Tapsee Pannu halka Anurag Kashyap uu Director ka yahay.

Maxaa u faa’iido ah filimka Manmarziyaan:

Goos gooskiisa oo lasoo dhaweeyay iyo fariintiisa jaceylka sedex geesoodka ah oo si hordhac ah dadka kaga heleen.

Heesihiisa oo wacan iyo xayeysiin balaaran oo filimkan loo sameeyay sidoo kalena wax culees ama cadaadis ma saarno hogaamiyaasha filimkan.

Maxaa u faa’iido daro ah filimka Manmarziyaan:

Hogaamiyaasha filimkan ma ahan kuwo Boxoffice-ka awood ku leh ama fagta hore filim gadi karaan waana caqabad filimkan u diidi karto in fagta hore Hindiya oo dhan laga daawado.

Waa filim reer magaalka loogu tala galay oo laga daawan doono tiyaatarada Multiplex ee magaalooyinka waa weyn ku yaaliin taasina waa caqabad kale marba haddii aan loogu tala galainn dadka tiyaatarada Single Screens daawadaan.

Xeerka Sadaalinta Ee Aan Ku Wada Tartameyno:

Sadaalinta filimka Manmarziyaan waxay ku egtahay berito 4:00 PM galabnimo  xiliga geeska Afrika (Jimco14 Sep) hadii Alle idmo, wixii intaas ka sokeeeyo fikirkaaga sadaal ahaan waad u dhiiban kartaa.

Qofka halmar kaliya ayaa loo ogol yahay inuu sadaasha dhiibto, mar labaad kuma ceshan karo.

Anshaxa barnaamijka aan isla ilaalino kaliya waa mada daalo aan ku kala faa’iideesaneyno.

Qofka sadaashada dhiibanayo magaciisa iyo halka uu ku sugan yahay hanala wadaago.

Sadaasha Yaa Ku Guuleesan Karo:

Qofkii saxo dhamaan sadaashiisa ama qaybo ka mid ah saxo oo inta kale kaga sareeyo. Micnaha hadii qof sadaashiisa oo dhan sax wada noqoto isagaa guuleesanayo, hadii la waayo qof sadaashiisa wada saxo qofka qaar ka mid ah sadaashiisa saxay ee ugu badan ayaa guuleesanayo.

Sadaasha waa in tiro cayiman la sheego sida 12 Crore, 5 Crore ama 100 Crore, sadaal ma noqon karto inaad dhaho filimka 5 Crore ilaa 10 Crore inta u dhaxeyso ayuu maalintiisa kowaad keenayaa kaliya hal tiro dooro.

Sadaasha Shaqaalaha Filimside Filimka Manmarziyaan Ka Dhiibteen:

Zakarie Abdi (Mogadishu):

Maalinta 1-aad: 4.50 Crore

Sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso: 18.50 Crore

Todobaadka kowaad:  30 Crore

Cimri ahaantiisa – 45 Crore

Aadan Muriidi (Sweden):

Maalinta 1-aad: 5.55 Crore

Sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso: 19 Crore

Todobaadka kowaad: 32 Crore

Cimri ahaantiisa – 60 Crore

Ali Aadan (Mogadishu): 

Maalinta 1-aad: 5 Crore

Sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso: 19 Crore

Todobaadka kowaad: 32 Crore

Cimri ahaantiisa – 50 Crore

Jabriil A/Kadir (Mogadishu):

Maalinta 1-aad: 6 Crore

Sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso: 15 Crore

Todobaadka kowaad: 27 Crore

Cimri ahaantiisa – 48 Crore

F.G: Aqriste Sadaashaada Sidaan Oo Kale Noola Wadaag, Qaybta Comment-ga Hoose, Waad Mahad Santihiin

5 Comments

  1. Maalinta 1-aad: 2.5 crore

    Sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso: 13.7 Crore

    Todobaadka kowaad: 22.5 crore

    Cimri ahaantiisa – 27 crore

Comments are closed.