Home » Arimaha Bulshada » LA YAAB: Eey sabab u noqday inay isdilaan wiil iyo aabihiis (Sheeko xanuun badan)

LA YAAB: Eey sabab u noqday inay isdilaan wiil iyo aabihiis (Sheeko xanuun badan)

Wiil 22 sanno jir ah ayaa wuxuu gobolka Chicago ee dalka Mareykanka ku dilay aabihiis oo 43 sanno jir ah – ka dib markii ay labadoodu ku murmeen cidda subaxdaas wadan doonta eeyga guriga, sida ay boliisku daaha ka qaadeen.

Murankii u dhexeeyey aabahaan iyo wiilkiisa ayaa wuxuu gaaray in hub la isku soo qaato, iyadoo waxa lagu murmayo ay tahay ‘Cidda subaxdaas almiintada u wadan doonta eeygooda’.

Xaafadda Burnside ayuu shilkaani ka dhacay, si kastaba ha ahaatee, boliisku saxaafadda lama aysan wadaagin magacyada labadaan nin, sababo dhanka sharafta la xiriira.

Dhowr xababood ayey isku dhufteen ka hor inta aan isbitaalka loo qaadin, halkaasoo markii hore uu wiilki ku dhintay. Ka dibna aabihiis ayaa dhintay kaasoo markii horeba xaalad xun ku jirat, sida ay boliisku sheegeen.

Afhayeen u hadlay boliiska oo lagu magacaabo Anthony Guglielmi ayaa wuxuu daaha ka qaaday inay laba bastooladood kasoo heleen halkii uu shilku ka dhacay ka dib markii ay baaritaan sameeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *