Aziiza waa magac caan noqday oo lagu bartay musalsalka Hercai ee aduunka hader si waali ah loogala socda waana musalsal turki ah oo dadka badankooda daawadaan gaarna uma ahan dumarka oo inta badan musalsal lagu yaqiini jiray midkaan caruur iyo ciroole waa u siman yihiin.

Taxanaha Hercai meel fiican ayuu marayaa hadaba waxaan idiin soo diyaarinay macluumaad yar oo kusaabsan duqda laadarada ka ah taxanahan ee Aziiza ladhaho nolosheeda gaarka ahna u kali ah hoos kaga bogo:

1-Aziiza waa magaceed shaashada ee taxanaha Hercai magaceeda dhabta ah waxaa la dhahaa Ayda Aksel waana magaceeda rasmiga ah ee waalidkii iyada dhalay ula baxeen.

2-Waxay dhalatay 31 October 1962 sidaa aawged hader waa 57 jir mayeel adag oo shaashada dadka kaga yaabisay doorkeeda Aziiza ee taxanaha Hercai.

3-Istanbul ayee kudhalatay kuna bar baartay waana atiriisho turkish ah tan iyo 90-maadkii ayeena atiriisho ahed oo ay shaashada horteeda kasoo muuqan jirtay.

4-Qaab jiliinka jaamacad ayee oga soo baxday oo waa qof jiliin qabiir weyn ku ah door walba oo loo dhiibana sidii larabay kaga soo bixi karta.

5-Waxbarashada ilaa heer jaamacad ayee ka gaartay balse dhibka jira ayaa waxuu yahay atiriishadan xogteeda oo dhameestiran google-ka wali lama soo galin balse waa qasab waqtiyada soo socdaan in la galiyo sababto ah taxanaheeda ugu caansan waa Hercai oo dadka oodhan kuwada barteen.

6-Aziiza taxanaha Hercai waxay kujilee duq dhib badan sido kalena muuqaal qof muslim ah leh marwalba wey asturantahau inta badan sido kalena tusbaxeeda ayee wadataa markaa waxay u badan tahay inee Muslim tahay oo diinta islaamka heesato inta badan reer Turki waa muslimiin.

Laakiin labo qodob waa inaan is xusuusinaa mida kowaad jilaaga doorka shaashada kujil ladhaho wuu ka dhabeyn karo tusaale asoo gaal ah ayaa la dhihi karaa muslim jil wuuna iska dhigaa adigo ugu dhaaranaayo inuu muslim yahay.

Mida labaadna dadka Turkiga ah dhamaantood muslimiin ma ahan kuwa gaalo ah ayaa kujiraan waa macquul inee Aziiza diin kale heesato balse inee muslim tahay ayee u badantahay.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here