aktarka ku caan baxay sameynta doorka xumaanta ama laadarka filimka ninka lagu magacaabo Ashish Vidyarthi oo soomaalida u taqaano Indar aktarkan waxa uu kasoo shaqeeyay shirkadaha kala duwan ee india sida malayalam tamil telegu kannada iyo shirkada bollywoodka

Ashish waxa uu dhashtay 19 june 1962 isagoo ku dhashay magaalada dhawaan daadadka iyo dufaanta ka dhacay ee Karela isaga waa mid ka mid ah laadiriinta loogu jeclaa Bollywoodka sidoo kale dadka waxa ay jecel yihiin marka uu jilaayo doorka xumaanta

isagoo dadka kaga yaabsaday in aflaamta uu doorka xumaanta ku jilaayo u badanaa u dhimanaayo isagoo rikoorkan ku haya tiro ah 182 jeer iyadoo shacab weynaha ay jecel yihiin doorka noocaas

sababtoo ah doorkiisa laadarka waa mid wajiyo badan oo aan la aamini karin iyadoo ay jiraan doorar laadar filimka ah laakiin markii dambe isku badalayaan door wanaagsan

laakiin Ashish waa mid xumaanta ku bilaabanayo kuna dhimanaayo ashish waxa uu kasoo muuqday aflaamo badan  oo bollywood aflaamta uu doorka xumaanta ku jilaayo  waxaa ka mid ah sida sardar, najaayaz , baazi , jeet , ziddi , daud , bhai ,tri shakti , man major saab ,yamraaj , kalicharan , arjun pandit iyo aflaamo kale oo badan

Akhtiste Weli Ma Daawatay Filim Uu Laadarkan Ku Jiro Uusan Dhimanayn Aflaamtiisa Midkee Ayad Ugu Jeceshahay Maxaana Ku Xasuusata Aktatman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here