Mr.Prefectionist Aamir Khan waxuu durba bilaaway duubista Filimka Laal Singh Chaddha waxaana laga soo xaday muuqaaladiisa Filimka uu kujilaayo sida inuu gar leeyahay sido kale Kareena Kapoor muuqaaladeeda waan aragnay ay ku jileyso mashruucan howshiisana si dar darleh ayee u socota.

Waa dib u sameynta Tom Hanks Filimkiisa Hit-ka ah ee Forrest Cump xogta cusub ayaa ah in mashruucan shaashada ku wadaagi doonaan seddexda Khans kala ah Aamir Khan, Salman Khan iyo Shah Rukh Khan.

Waligeed horey uma dhicin in seddexdooda hal Filim kasoo wada muuqdaan balse Aamir ayaa markaan doonayo in daawadayaasha riyadooda u rumeeyo maadama uu diyaarinaayo sidii seddexdooda oga soo wada muuqan lahaayen mashruucan micnaha isaga waa hogaamiyaha Filimka halka SRK iyo Salman muuqaalo marti ah kulahaan lahaayen.

Wararka waxay sheegen muuqaalka ay shaashada seddexdooda kaga soo muuqan lahaayen xitaa inuu diyaariyay waa muuqaalka Tom Hanks kursiga cidlada ah fariisanaayo kaligiis isla muuqaalkaas marka dib loo sameynaayo Aamir waxuu doonayaa seddexdooda kursigaas goobta cidlada ah yaalo inee wada fariistaan.

SRK xili hore ayuu aqbalay inuu muuqaal marti ah kulahaado Filimkaan balse Salman Khan ayaa wali jawaab laga sugaya maadama Aamir la xiriiray labadooda xili hore hadii Salman aqbalo waxay noqon doontaa taariikhda markii ugu horeysay seddexda Khans shaashad wadaagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here