Laba Nin Doqomo Ahaa Ayaa Hada Kahor Ninkaloo Doqon Ah U Gar Dhigteen Sheeko Qosol Ah!!

Sheekooyinka inta badan waxaa laga helaa buugaagta sheekoyinka somaliyed ku qoronyihiin, tanina wa mid kamid ah sheekadii dhex martay sedex nacas (3 Idiots).

Bari ayaa laba doqon isa soo raaceen, iyagoo meel bannaan ah maraya ayuu mid yidhi: “Waxaan jeclaan lahaa anigoo tiro adhi ah leh, si aan ugu intifaaco hilibkiisa, caanihiisa iyo saantiisaba (Haragiisa)”.

Kii kale ayaa inta uu hadalka ka boobay isna yidhi :”Aniguna waxaan jeclaan lahaa anigoo tiro dacawo ah leh, si aan adhigaaga ugu soo diro, oo aanay midh ka reebin”.

Halkaa markuu hadalku marayay ayuu intuu kii kale soo booday kalladhka ku dhagay, waa ay murmeen illaa xaalkoodii uu dagaal ku dhawaaday, kadib waxa ay ku heshiiyeen in ay gartooda u dhiibtaan qofka ugu horeeya ee ay arkaan.

Wax yar markii ay socdeen ayaa waxa kasoo hor baxay nin macruuf ku ahaa doqoniimada, oo magaciisa la odhan jiray Hanbaqa.

Hanbaqa waxa uu labadiisa gacmood ku sitaa 2 quraaradood oo malab ka buuxo, kadib way joojiyeen, mid kastaba gartiisii akhri oo u calaan cal.

Kii koowaad yidhi adhigaygii ayuu dacawooyinkiisa kusoo dirayaa, halka uu kii kalana yidhi adhiga ma isaga shaqaystay bilaash buu ku soo galee.

Hanbaqa ayaa intuu 2dii quraaradood ee malabka ahaa foorariyay, malabkii dhulka ku shubay isagoo leh “Ilaahay dhiigayga ha u daadiyo sida malabkaas hadiiba labadiiana ahayn laba nacas”.

Ka daroo dibi dhal, Malabkiisii buu tusaale ku bixiyay, Kee baa ugu doqon sanaa sadexdan nin, Fikirkaagu waa muhiim nala wadaag…..

5 Comments

  1. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. sxb horan u akhriyey sheekoyinka n qosolka badan marka an idinku soo daro qaar badn ood ka fa idaysan

Comments are closed.