Waxaa jirtay xan joogto ahayd taasi oo ku aadaneyd in labada jilaa Arjun Kapoor iyo Athiya Shetty xiriir jaceyl ka dhaxeeyo aadna isku fahmeen inta duubista filimkooda Mubarakan socotay.

Balse haatan waxaa la sheegay in Arjun Kapoor iyo Athiya Shetty xiriirkoodii xili hore soo idleeyeen sababtana ay tahay in qof walbo uu doonayo inuu waayihiisa fanka Bollywood-ka waqti badan galiyo.

Athiya Shetty kaliya labo filim ayay sameesay sidaa darteed ruug cadaa Suniel Shety gabadhiisa xiriir jaceyl waqti uma heyso waxayna Arjun ka codsatay inay joojiyaan sheekada bilawga u ahayd si ay waqti u galiso hagaajinta waayaheeda fanka Hindiya.

Arjun Kapoor isagana weli Bollywood-ka ma sal dhiganin inkastoo aflaan kala duwan guulo u gaareen hadana ma ahan atore awood leh oo xidignimo u dalacay sidaa darteed wuxuu garwaaqsaday in Athiya Shetty ka saxan tahay wuxuuna usoo jeestay sal dhigashadiisa Bollywod-ka.

Sheekada waxay mareysaa labo qaawan isma qaadaan madaama Arjun Kapoor iyo Athiya Shetty midna Bollywood-ka awood ku laheyn waxaa u wanagsan inay shaqadooda xooga saaraan halkii xiriir jaceyl ay waqti ku lumin lahaayeen iyo haasaawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here