shirkadda bollywoodka waa shirkad caalami taaso qof walba ku fakiro inuu mar uun uu ku biiro waxaana dhacda in aktarada kusoo biiraan bollywoodka inay qaarkood ku guuleystaan taaso sabab u ah qaab-jiliinkooda heerka sare

waxaa ay sababtaa Inay  bollywoodka baaqi kusii ahaadaan mudo fara badan laakiin aktarada ku fashilma bollywoodka ayaa dhacda in qaarkood ay iska aadaan  sida ganacsi iyo waxyaabo kale

Dino Morea

Dino ka hor inta uusan aktar noqonin waxa uu ahaa model isagoo sanadkii 2002 kusoo caan baxay filimka cabsida badan ee blockbuster ka noqday ee Raaz

ka dib filimkaas waxaa aktarkan ka wareeray dooqa iyo xulashada aflaamta waxaana midaas ay u horseeday inuu si deg deg ah uu dhulka ku galo madaama uu flop kiisa uu batay aktarkan ayaa fakiray isagoo go’aansaday inuu sameesto ganacsi kale waxa uuna furtay maqaayad weyn oo ku caan ah cafe

taaso hadda ka mid ah maqaaxiyaha ugu caansan dalka india iyadoo i shaqaysa sida maqaaxiyaha Europe oo kale aktarkan ayaa macaash badan ka helay ganacisgiisana kor ayuu u sii kacay hadda waa taajir

Sahil Khan

Sahil Khan waa wiilkii kusoo caan baxay bilawgii qarnigaan filimada Style (2001) iyo Xcuse Me (2003) sidoo kalena waa murqaani dhanka jirdhiska caan ku ah.

ka dib aflaamtaas Sahil khan ayaa waxa uu si weyn ugu fashilmay inuu kasii mid ahaado bollywoodka madaama uu waayay wax filim ah ka dib aktarkan ayaa u weecday dhanka iyo jir-dhiska isagoo furtay dhawr meelood oo jirka lagu dhismo

waxaana sidoo kale uu ka qayb-galaa fashionka maadamaa uu yahay nin model ah kaaso leh jir dhisan hadda Sahil waxaa nin taajir ah kaasi dhan walba lacag kaga imaanaysoo waxaana uu dagan yahay gobol xeebeedka ee Goa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here