Maxaa ka xiiso badan Director Sriram Raghavan iyo Varun Dhawan oo filimkii Badlapur sanadii 2015 nooga yaabsadeen inay haatan dib u midoobeen waxayna sameenayaan mashruuc xiiso badan rajada laga qabana waxay tahay sidii Badlapur oo kale filimkooda cusub inuu guul iyo amaan u helo.

Director Sriram Raghavan sanadkii hore wuxuu nooga yaabsaday filimkiisii Andhadhun ee Ayushmann Khurrana hogaamiye ka ahaa kaasi oo HIT noqday abaal marino kala duwana lagu qaatay haatana wuxuu Varun Dhawan ku aaminay fariin waaqici ah loogana hadlaayo sarkaal Hindiya caan ka ah Arun Khetarpal oo qaranka usoo halgamay dagaalkii Hindiya iyo Pakistan u dhaxeeyay sanadii 1971.

Varun Dhawan wuxuu yiri “Filimkan waa midka iigu muhiimsan nolosheyda fanka waan markii iigu horeesay askari aan ku matalaayo shaashada waana ku faraxsanahay inaan nolosha sarkaal Arun Khetarpal dadka u gudbiyo sidoo kalena la shaqeynta mudane Sriram Raghavan in mudo ah ayaan sugaayay inaan mar labaad mashruuc ku midowno.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here