Superstar Hrithik Roshan iyo aabihiis Rakesh Roshan ayaa hadal heynta Bollywood-ka heestaan madaama labo aqbaar oo waa weyn kasoo baxeen aqalka reerkan awooda badan ku leh fanka Hindiya aadna loo tixgaliyo madaama ay shacbiyad balaaran diba diyo dal ku leeyihiin.

Haddaba Rakesh Roshan wuxuu shaaca ka qaaday in taxanihiisa hirgalay Krrrish 4 Director ka noqon doono filim sameeye Sanjay Gupta halka wiilkiisa Hrithik Roshan doorkiisa Super Hero-ga ah ee la tayeeyay horey usii amba qaadi doono jilaayaal kalena lagu soo dari doono qorshahana wuxuu yahay in bartamaha 2020 shaqada filimkan weyn bilaabato.

Rakesh Roshan madaama uu dhawaan kasoo kabtay xanuunka kansarka waxaa looga digay shaqo adag inuusan qabanin sidaa darteed Director Sanjay Gupta ayuu ku aaminay Krrish 4 oo weliba la sheegay inuu xambaarsan yahay miisaaniyad gaareyso 250 Crore ($35.18m) waxaana xusid mudan in Sanjay Gupta aad isku fahmeen reer Roshan markii uu u sameeyay filimkii la wada amaanay Kaabil ee Hrithik Roshan iyo Yami Gautam hogaamiyaal ka ahaayeen.

Hrithik Roshan ayaa xaqiijiyay bisha November ee nagu soo fool leh inuu bilaabi doono duubista dib u sameynta filimka Satte Pe Satta waxaana la jileyso Anushka Sharma halka Farah Khan Director ka tahay sidoo kalena Rohit Shetty ayaa maal galinaayo marka uu mashruucan duubis ahaan dhameeyo ayuu Krrish 4 ka hawl gali doonaa waxaana la sheegay in filimkan noqon doono midka kaliya ee uu 2020 la imaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here