Megastar Amitabh Bachchan ayaa markii ugu horeesay la shaqeyn doono Director-ka caanka ah Nagraj Manjule kaasi oo magac maamuus ku yeeshay filimkii Hindiya iyo caalamka ka yaabsaday ee Marathi-ga ahaa Sairat ee sanadii 2016 All Time Blockbuster-ka noqday aadna looga helay qaabka fariintiisa loo dhigay.

Haatan Director Nagraj Manjule wuxuu soo agaasimay fariin cusub oo qiiro badan waxaana hogaamiye ka ah Big Bachchan weliba filimkooda cusub Jhund waxaa la daawan doonaa 8 May 2020 waana mashruuc siweyn loo wada sugaayo.

Filimka Jhund wuxuu xambaarsan yahay fariin dhab ah oo ku saabsan ninka lagu magacaabo Vijay Barse oo aas aasay koox cayaartooy dhalinyaro ku nool xarun NGO oo ku taalo carshaanta Mumbai waxaana doorkan matalaayo Amitabh Bachchan oo ah Proffesor caruurta xerooyinka NGO’s ka ku nool dhiiri galinaayo garabna siinayo sidii ay kubada cagta hormar uga sameyn lahaayeen.

Haatan waxaa la wada sugaa xiliga mashruucan xiisaha badan soo bixi doono waxaana lagu beegay 8 May 2020, fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban ee filimka Jhund laga soo bandhigay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here