Wiil ayaa dusha sare ka jeclaan jiray gabbar wuuna dareensiiyay jaceylkiisa dhan walba iyo waddo walba balse wey ka diiday.

Gabadha wiilkaas kama aysan helin oo dooqeeda ma uusan ahen saas eetahay wey oged inuu iyada jecel yahay waxaana dhacday hal maalin waliba hal daqiiqo ine ku jeclaatay isla wiilkaas.

Gabadhii ayaa macalinka u dhiibay warqad magacyada ardayda kuwada qoran yihiin wiilkana kujiro (waa isku fasal wiilka iyo gabadha) waxuuna macalinkii amray in ay xaaddiriso dhamaan ardayda si loo ogaado ardayga maqan. Dhamaan ardayda fasalka magacyadooda wey xaaddirisay marka laga reebo wiilkii iyada jeclaa oo ay ka tagtay mana magacaawin ardayda qaarkood ayaa la yaaben arrinkaa si gaar ah wiilka saxibkii oo dhinaciisa fadhiyay.

Markii fasalkii laga soo baxay ayuu sxbkii kuyiri wiikii,”sxb gabadhaan aad waqtiga ku lumineyso maad iska dhaaftid dan kaama laha xita maanta magacaada wey ka gudubtay markii liiska ardayda ay xaaddirineysay.”

Wiilkii oo qoslaayo ayaa sxbkii ugu jawaabay,”sxb sidaas ma ahan mudo 2 sano kadib ayee maanta ii muujisay inaan ahay qof iyada akteeda qaali ka ah.”

“Ogsoonow sxb ardayda kale waan oga dhowahay waayo magaceyga ma aysan sheegin taasi oo ii cadeyneysa ahmiyada gaarka ah ay isiineyso iyo sida aan qaaska ugu ahay.”

Gabadha sheekadan oodhan wey maqleysaa oo meesha kama foga halmar waxaa qalbigeda hilaac oo kale oga yeeray hadalkii kalsoonida ka muuqday ee wiilka yiri maalintas kadib wiilkii si xad dhaaf ayee u jeclaatay waxayna ku jeclaatay misane la yaabtay kalsoonida xadka kabaxsan ee wiilka muujiyay.

Marwalbo isku kalsoonaato waa marwalbo guuleysato sheekadana waxaan ka faaidnay kalsooni waxay tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here