Superstar Vijay wuxuu haatan aad ugu mashquulsan yahay xayeysiin u sameynta filimkiisa weyn Bigil oo Jimcadan tiyaatarada la saarayo balse xidigan marnaba ma nasanaayo dhanka kale dhawaan wuxuu duubis ku bilaabay filimkiisa 64-aad ee aan magac loo bixinin jadwalkiisa kowaadna magaalada Chennai lagu soo idleeyay.

Vijay filimkiisa 64-aad waxaa Director ka ah Lokesh Kanagaraj qorshahana wuxuu yahay xagaaga dambe ama April 2020 in la daawado waxaana la sheegay door gaangester inuu ku jilaayo balse waxay mashruucan isku heli doonaan jilaaga door walbo sameyn karo Vijay Sethupathi oo aqbalay filimkan weyn inuu laadar awood badan ka noqdo.

Jadwalka xiga Vijay filimkiisa 64-aad magaalada Delhi ayuu dhawaan ka bilaaban doonaa waana jadwal 20-maalmood ah oo Vijay Sethupathi soo xaadiri doono waxayna isla wada duubi doonaan muuqaalo xifaaltan, Action iyo xeelado la isku dagaayo ah wuxuuna Director Lokesh Kanagaraj soo dhaweeyay labadan xidig awood badan sida ay mashruuciisa ugu hardami doonaan ayadoo loo qeybin doono dhanka awooda iyo saameynta shaashada balse Vijay ayaa ah hogaamiyaha kowaad.

Vijay filimkiisa 64-aad waxaa atirisho kowaad ka ah Malavika Mohanan halka doorar muhiim ah ay ku leeyihiin Antony Varghese, Shanthanu Bhagyaraj waxaana mashruucan maal galinaayo Xavier Britto shirkadiisa XB Film Creators sidoo kalena muusigada waxaa sameeyay Anirudh Ravichander

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here