Gabadha heesaaga ah ee muranka badan abuurtay Kanika Kapoor kadib markii Coronavirus kaga helay sidoo kalena xanuunkan qarsatay loona badinaayo dad badan inay gudbisay kadib markii xaflado kala duwan ka qayb qaadatay ayaa haatan ka cabaneyso adeega liito ee jiro isbitaalka magaalada Lucknow ee gabadhan lagu dabiibayo.

Kanina Kapoor marka ay xaalada karantiilka ah kasoo baxdo kana soo kabato caabuqa Coronavirus waxay u badan tahay maxkamad in lasoo taagi doono laguna ciqaabi doono qaladkii gashay oo ahaa inay xanuunkan qarsatay sidoo kalena suurta gal tahay si kula tal gal ah dad badan ugu gudbisay.

Xarunta caafimaad ee lagu magacaabo Sanjay Gandhi Postgraduate ayay ku jirtaa Kanika Kapoor waxay sheegtay in halkaas kaligeed lagu karantiilay sidoo kalena aysan jirin cid kaalmo dheeraad ah siiso ama si joogto ah looga war qabin waxayna ku tilmaantay xaalada ay ku jirto inay la mid tahay qof bukaan ah oo xabsi lasii galiyay dadkana iska hilmaameen.

Kanika Kapoor waxay sheegtay in subaxii iyo habeenkii la siiyo labo xabo moos ah iyo hal oranjo ah raashiin ahaan maalin walbo sidoo kalena la siiyay hal kubeerto oo ay qabowga ka xigsato inkastoo qaboow daran isbitaalka ka jiro. Sidoo kale gabadhan waxay beenisay inay ka dhuumatay baaritaanka markii gudaha Hindiya kusoo laabatay oo ay todobaad ka hor Mumbai ka timid ayadoo sheegtay in qolyaha caafimaadka shaqadooda qabsan waayeen iyadana midaas qalad ku laheyn laguna soo baaray Airport-ka London ka hor inta aysan Hindiya usoo duulin loona sheegay in COVID 19 uusan heynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here