Superstar Rajnikanth Filimkiisa Darbar waxuu keenay maalintiisa kowaad 32 Crore (Trade Figure) waana lacago aan laga filaneynin Rajni mashruuciisa sido kale canshuurta kahor India oodhan waxuu ka keenay 37 Crore.

Dhowaanahan Filimka ugu bilaawashada wanaagsan Tamil waxaa ah Bigil oo keenay maalintiisa kowaad 35 Crore gudaha India oodhan lacagaha nadiifka ah ama canshuurta kadib Darbar na aad ayuu oga fogyahay sababtana waa inuu ka gaabiyay Tamil Nadu maalintiisa kowaad xitaa waxuu ka hooseya ganacsi ahaan Rajni filimkiisa 2.0 ee 2018 la daawaday iyo waliba Kabali.

Balse mashaariicdaas kuwa waaweyn oo miisaaniyad weyn xambaarsan ayee ahaayen hadaba hoos kaga bogo Darbar maalintiisa kowaad ganacsiga nadiifka ah uu India oodhan ka sameeyay gobol walba sida Shabakada BOI soo daabacday:

Tamil Nadu: 16 Crore

Nizam/Andhara: 6.50 Crore

Karnataka: 5 Crore Kerala: 2.50 Crore

Hindiya qeybaheeda kale oodhan: 1.88 Crore

Wadarta Guud: 31.88 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here